War deg deg ah, Degdeg: Israa'iil oo weerar cirka ah ku qaadday caasimadda Yemen ee sanca
Militariga Israa’iil ayaa maanta oo Axadd ah ku dhawaaqay in ay beegsadeen goobo ku yaalla caasimadda Yemen ee Sanca, kuwaas oo ay ka mid yihiin xarunta milatariga ee hoyga madaxtooyada, laba xarumood oo koronto, iyo goob kaydka shidaalka ah, sida lagu sheegay bayaan lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Reuters.
Arrintan ayaa timid kadib markii telefishinka Al Masirah ee ay maamulaan Xuutiyiintu uu sheegay in duqeymo ay Israa’iil fulisaymaanta ay ku bartilmaameedsadeen caasimadda Sanca. Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeymuhu ku dhaceen agagaarka xarunta madaxtooyada, saldhigyada gantaallada, iyo xarumaha saliidda iyo korontada.
Dadka reer Sanca ayaa sheegay in weerarradu si gaar ah u beegsadeen meelaha u dhow xarunta madaxtooyada, saldhigyada gantaallada, iyo xarumaha shidaalka iyo korontada.
Jimcihii, Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqay in ay gantaal ballistic ah ku rideen Israa’iil, waxaana saraakiil ka tirsan ciidamada cirka ee Israa’iil ay sheegeen in gantaalku u muuqday mid xambaarsanaa qalab qarxa oo dhowr qaybood ah oo loo diyaariyay in ay qarxaan marka ay dhulka ku dhacaan.
“Waa markii ugu horreysay oo gantaal noocan laga soo rido Yemen," ayaa lagu yiri bayaanka ay werisay Reuters.







