'Xabbad-joojin buuxda oo degdeg ah': Maxaa ugu dambeeyay Hindiya iyo Pakistan?
Ka dib afar maalmood oo weeraro ah oo ka dhacay xuduudda, Hindiya iyo Pakistan waxay ku heshiiyeen inay joojiyaan dagaalka. Horumarka ayaa ku soo socday si weyn oo degdeg ah - haddaba aan dib u soo koobno wixii dhacay:
Donald Trump ayaa markii ugu horeysay saadaaliyay xabbad-joojin, isagoo ku shaaciyay bartiisa bulshada ee Truth in Mareykanka uu dhexdhexaadiyay wadahadallada.
Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Isxaaq Dar ayaa xaqiijiyay in dalkiisa uu aqbalay xabbad-joojinta. Waxa uu u sheegay warbaahinta Pakistan in "saddex iyo toban waddan" ay ku lug leeyihiin diblomaasiyadda - oo ay ku jiraan Turkiga, Sacuudi Carabiya iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio.
Xoghayaha Arimaha Dibada ee Hindiya Vikram Misri ayaa intaa kadib xaqiijiyay in Hindiya ay oggolaatay "in la joojiyo dhammaan rasaasta iyo tallaabooyinka militari ee dhulka, cirka iyo badda". Waxa uu intaa ku daray shir jaraa’id oo kooban in xabbad-joojinta ay dhaqan gashay laga bilaabo 17:00 IST (12.30 BST).
Weriyaha BBC-da ee Koonfurta Aasiya Samira Hussain ayaa soo sheegtay in Hindiya iyo Pakistan ay mar kale hadli doonaan Isniinta.
Saraakiisha difaaca Hindiya ayaa markaas shir jaraa’id ku qabtay New Delhi. Waxay sheegeen inay aqbaleen heshiiska balse ay ka feejignaan doonaan sidii ay Hindiya u difaaci lahaayeen haddii loo baahdo.
Ku dhawaaqistaas awgeed, Pakistan waxay dib u furtay hawadeeda dhammaan diyaaradaha.