Pakistan iyo Hindiya oo ku heshiiyay 'xabbad-joojin buuxda oo degdeg ah'

Halkaan kala soco tebinta tooska ah ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. 'Xabbad-joojin buuxda oo degdeg ah': Maxaa ugu dambeeyay Hindiya iyo Pakistan?

    Hindiya

    Xigashada Sawirka, .

    Ka dib afar maalmood oo weeraro ah oo ka dhacay xuduudda, Hindiya iyo Pakistan waxay ku heshiiyeen inay joojiyaan dagaalka. Horumarka ayaa ku soo socday si weyn oo degdeg ah - haddaba aan dib u soo koobno ​​wixii dhacay:

    Donald Trump ayaa markii ugu horeysay saadaaliyay xabbad-joojin, isagoo ku shaaciyay bartiisa bulshada ee Truth in Mareykanka uu dhexdhexaadiyay wadahadallada.

    Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Isxaaq Dar ayaa xaqiijiyay in dalkiisa uu aqbalay xabbad-joojinta. Waxa uu u sheegay warbaahinta Pakistan in "saddex iyo toban waddan" ay ku lug leeyihiin diblomaasiyadda - oo ay ku jiraan Turkiga, Sacuudi Carabiya iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio.

    Xoghayaha Arimaha Dibada ee Hindiya Vikram Misri ayaa intaa kadib xaqiijiyay in Hindiya ay oggolaatay "in la joojiyo dhammaan rasaasta iyo tallaabooyinka militari ee dhulka, cirka iyo badda". Waxa uu intaa ku daray shir jaraa’id oo kooban in xabbad-joojinta ay dhaqan gashay laga bilaabo 17:00 IST (12.30 BST).

    Weriyaha BBC-da ee Koonfurta Aasiya Samira Hussain ayaa soo sheegtay in Hindiya iyo Pakistan ay mar kale hadli doonaan Isniinta.

    Saraakiisha difaaca Hindiya ayaa markaas shir jaraa’id ku qabtay New Delhi. Waxay sheegeen inay aqbaleen heshiiska balse ay ka feejignaan doonaan sidii ay Hindiya u difaaci lahaayeen haddii loo baahdo.

    Ku dhawaaqistaas awgeed, Pakistan waxay dib u furtay hawadeeda dhammaan diyaaradaha.

  2. Hindiya iyo Pakistan oo wada-hadal yeelanaya

    Hindiya iyo Pakistan ayaa ka wada hadli doona arrimo dhowr ah, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio.

    Wuxuu sheegay in labada dal "ay isku raaceen xabbad-joojin degdeg ah ayna bilaabaan ka wada hadalka arrimo dhowr ah kuwaasoo lagu qabanayo goob dhexdhexaad ah".

    Qoraal uu soo dhigay barta X, wuxuu intaa raaciyay: "Waxaan ku bogaadineynaa raysal wasaareyaasha Modi iyo Sharif xikmaddooda, digtoonaan, iyo dawladnimo lagu dooranayo waddada nabadda."

    Wuxuu sheegay in isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ay 48 saac ee lasoo dhaafay la qaateen saraakiisha Hindiya iyo Pakistan, oo ay ku jiraan raysal wasaareyaasha Narendra Modi iyo Shehbaz Sharif.

  3. War dedeg ah: Hindiya iyo Pakistan oo heshiiyay

    Pakistan iyo Hindiya ayaa isku raacay xabbad-joojin degdeg ah - raysal wasaare ku xigeenka Pakistan Ishaq Dar ayaa sidaa sheegay.

    Wuxuu intaa ku daray: "Pakistan weligeedba nabadda ayay jecleyd iyo ammaanka gobolka, iyadoo aan waxba u dhimeyn sumcadda geyigeeda!"

  4. 'Pakistan waxay bixisay jawaab habboon' - Raysal Wasaare Shariif

    Raysal wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa sheegay in militariga dalkaas ay "jawaab ku habboon" siiyeen Hindiya xilli dagaalku uu sii xoogeysanayo.

    "Maanta, waxaan Hindiya siinnay jawaab ku habboon oo aan ka aargudannay dhiigga dad aan waxba galabsan," ayuu ku yiri hadal uu soo saaray.

    • Minaha guud: MilitarigaPakistan ayaa goor hore sheegay inay weerar aargoosi ah qaadayaan oo ka dhan ah Hindiya iyagoo ku eedeeyay Delhi inay gantaallo ku tuureen saddex ka mid ah saldhigyadooda cirka.
  5. Booliiska oo kormeeray goobaha ay roobabka saameeyeen ee Muqdisho

    Somalia

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xalay kormeer ku sameeyay goobo dhowr ah oo ay saameyn ku yeesheen roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho, sida laga soo xigtay warbaahinat dowladda.

    Taliyaha ayaa boogaadiyay "ciidanka booliiska oo gurmad bini’aadanimo u sameeyay shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho oo qaarkood ay waxyeello u geysteen daadadkii ay dhaliyeen roobabkii xalay."

    Sidoo kale Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi, Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Yabooh iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska ayaa iyaguna booqday goobahaas.

    Roobabka oo la sheegay inay xoogganaayeen ayaa saameeyay isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka, waxaana goobaha ugu daran kamid ah waddooyinka ku yaalla degmooyinka Waaberi, Hodan, Xamar Jajab, Wadajir, Boondheere, Yaaqshiid iyo qaar kale.

  6. Isbarbardhig: Yaa awood badan ciidamada Hindiya iyo Pakistan?

    Ciidamada Pakistan ayaa sheegay in ay aargoosanayaan kadib markii uu ku eedeeyay Hindiya inay weerartay saddex saldhig ciidan oo ciidanka cirka ah.

    Hindiya weli kama aysan jawaabin eedeymahaas, oo lasoo bandhigay waaberigii hore ee Sabtida.

    Mid ka mid ah saldhigyada la sheegay in la weeraray waa Nur Khan, oo ku yaalla Rawalpindi, una jira caasimadda Islamabad qiyaastii 10km (6.2 mayl).

    Horraantii toddobaadkan, Hindiya waxay duqeysay bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Pakistan iyo Kashmir-ta ay Pakistan maamusho, si ay uga aarguddo weerar argagixiso oo lagu qaaday dalxiisayaal Hindi ah magaalada Pahalgam bishii la soo dhaafay – hase yeeshee Islamabad waxay si cad u beenisay in ay ku lug lahayd.

  7. War deg deg ah, Hindiya oo sheegtay in Pakistan isticmaashay gantaalo dheereeya si ay u beegsato saldhigyo ciidamada cirka ah

    Sofiya Qureshi

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxaan hadda maqlaynaa hadalka korneel Sofiya Qureeshi oo ka tirsan Ciidamada Hindiya iyada oo hadalka si kooban ugu bilowday eedaynta Pakistan oo ah in ay isticmaashay gantaalo dheeraya si’ay u duqeyso saldhigyo ciidamada cirka ah.

    Tani waxay imanaysaa kadib markii Pakistan ku eedaysay Hindiya in ay beegsatay sadex saldhig oo ciidamada cirka ah.

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Vikram Misri, ayaa yidhi "Waxaan horay u sheegay marar badan in tallaabooyinka Pakistan ay ahaayeen kuwo kicin iyo kor u qaadid xiisadda ah.

    "Hindiya waxay uga falcelisay tallaabooyinkaas si masuuliyad leh oo xakameysan, iyadoo is difaacaysa oo aan kicin dagaal.

    "Subaxnimadii hore ee maanta, waxaan mar kale aragnay isla qaabkii kacsanaanta iyo kicinta ahaa oo ay Pakistan muujisay."

    Illaa hadda sargaal sare oo ku sugnaa magaalada Rajouri ayaa la sheegay in u dhintay duqeymaha Pakistan sida uu sheegay wasiirka saree e gobolka Omar Abdullah.

    "War naxdin leh oo kasoo baxay Rajouri. Waxaan luminay sarkaal u heellan adeegga maamulka Jammu iyo Kashmir," ayuu yiri Abdullah oo qoraal ku daabacay baraha bulshada.

  8. Mareykanka oo la hadlay taliyaha ciidamada Pakistan

    Marco Rubio

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa la hadlay taliyaha ciidamada Pakistan, Asim Munir, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Subrahmanyam Jaishankar.

    War lasii daayay ayaa lagu sheegay in Rubio uu labada dhinac ku booriyay inay helaan waddooyin lagu dejin karo xiisadda.

    Rubio wuxuu ballan qaaday taageerada Mareykanka si loo bilaabo "wadahadallo wax-ku-ool ah si looga fogaado dagaallo mustaqbalka ah." Markii uu la hadlayay Munir iyo sidoo kale Jaishankar, wuxuu ku celiyay baaqiisa ah in la yareeyo xiisadda labada dhinac.

  9. War deg deg ah, Ciidamada Hindiya waxay ugu yeereen weerarrada Pakistan "kordhin xun oo colaadeed"

    Ciidamada Hindiya ayaa roondeynaya suuq ku yaal Srinagar, May 10, 2025.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ciidamada Hindiya ayaa roondeynaya suuq ku yaal Srinagar, May 10, 2025.

    Ciidanka Hindiya ayaa sheegay in Pakistan samaynayso “kordhin xun ee colaadeed” iyada oo adeegsaneysa weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo hub kale – ay weli ka sii wado xadka galbeed ee Hindiya.

    Mid ka mid ah isku dayadaas, abaara 05:00 wakhtiga maxalliga ah (23:30 fiidnimo Jimce GMT), ayay ciidamada sheegeen in dhowr diyaaradood oo hubeysan oo cadow ah lagu arkay hawada sare ee Khasa Cantonment oo ku taal magaalada Amritsar, gobolka Punjab, dalka Hindiya.

    “Diyaaradaha cadowga waxaa markiiba bartilmaameed u noqday lana burburiyay cutubyada difaaca cirka ee ciidanka,” ayay ciidamada ku sheegeen bayaan ay soo dhigeen baraha bulshada.

    “Isku dayga cad ee Pakistan ay ku doonayso inay ku xadgudubto madaxbannaanida Hindiya una khatar geliso rayidka waa wax aan la aqbali karin. Hindiya waxay ka hortegi doontaa qorsheyaasha cadowga.”

    Xusuusin ahaan: Ciidanka Pakistan ayaa hore u sheegay inay qaadayaan tallaabo aargudasho ah ka dhan ah Hindiya, kaddib markii ay ku eedeeyeen Delhi inay gantaallo ku dhufatay saddex saldhig oo ciidan. Hindiya weli kama aysan jawaabin eedaymahaas.

    Jamu-kashmir

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sawirro la sii daayay goor hore oo Sabtinimadan ayaa muujinaya qiiq ka baxaya magaalada Jammu ee ku taal Kashmir-ta uu maamusho Hindiya.

  10. War deg deg ah, Ciidamada Pakistan ayaa sheegay in ay aargoosanayaan kadib markii Hindiya duqeysay saldhigyo

    Askari Baakistaani ah

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ciidamada Pakistan ayaa sheegay in ay aargoosanayaan kadib markii uu ku eedeeyay Hindiyaa inay weerartay saddex saldhig ciidan oo ciidanka cirka ah.

    Hindiya weli kama aysan jawaabin eedeymahaas, oo lasoo bandhigay waaberigii hore ee Sabtida.

    Mid ka mid ah saldhigyada la sheegay in la weeraray waa Nur Khan, oo ku yaalla Rawalpindi, una jira caasimadda Islamabad qiyaastii 10km (6.2 mayl).

    Horraantii toddobaadkan, Hindiya waxay duqeysay bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Pakistan iyo Kashmir-ta ay Pakistan maamusho, si ay uga aarguddo weerar argagixiso oo lagu qaaday dalxiisayaal Hindi ah magaalada Pahalgam bishii la soo dhaafay – hase yeeshee Islamabad waxay si cad u beenisay in ay ku lug lahayd.

    Labada dhinacba waxay is eedeynayaan in ay is dhaafsadeen gantaallo xuduudda la isugu gudbiyay, tan iyo markii Hindiya ay billowday hawlgalkii milatari ee ay ku qaaday gobolka.