Hindiya iyo Pakistan oo isku eedeeyay jebinta xabbad-joojinta

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC Somali

Tebin toos ah

Fatuma Maalim

  1. Isbarbardhig: Yaa awood badan ciidamada Hindiya iyo Pakistan?

    Dowladda Hindiya ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in ciidamadeedu ay fuliyeen hawlgal lagu magacaabo 'howlgalka Sindoor' oo ka dhacay gudaha Pakistan iyo Kashmiir, qaybta ay Pakistan maamusho.

    Dowladda Hindiya waxay sheegtay in hawlgalkan lagu bartilmaameedsaday xarumo "ay argagixisadu ku leeyihiin" gudaha Pakistan iyo Kashmiir dhanka Pakistan ay haysato, kuwaasoo laga soo abaabulay weerarro lagu qaaday gudaha Hindiya.

    Qoraalka sidoo kale waxaa lagu sheegay in guud ahaan sagaal goobood la weeraray.

    Dhinaca kale, telefishinka dowladda Pakistan oo soo xiganaya afhayeenka ciidamada Pakistan ayaa sheegay in ciidamada Hindiya ay saddex goobood ku garaaceen gantaallo.

  2. Erdogan oo sheegay inuu diyaar u yahay martigelinta wada-hadallada xabbad joojinta

    Erdogan

    Xigashada Sawirka, EPA

    Turkiga ayaa diyaar u ah inuu marti geliyo wadahadallo xabad joojin ah oo dhex mara Ruushka iyo Ukraine, sida uu madaxweynaha dalkaasi u sheegay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

    Hadalka Recep Tayyip Erdogan, oo uu baahiyay xafiiskiisa madaxtooyada, ayaa daba socda soo jeedintii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee ahaa in "wadahadal toos ah" lagula yeesho Ukraine magaalada Istanbul.

    Ma ahan markii ugu horreysay oo Turkiga uu marti geliyo wada hadallada Ukraine iyo Ruushka, horay ayay wufuudda ugu kulmeen Istanbul.

    Wariyaheena Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Tom Bateman ayaa ka qayb galay hal kulan oo noocan oo kale ah sannadkii 2022-kii, wuxuuna sheegay in kulammada ay "sawir weyn ka bixinayaan doorka Turkiga".

    Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa sheegay in Ukraine "ay ka fileyso Ruushka inuu xaqiijiyo xabbad-joojin buuxda, waarta, oo la isku halayn karo - laga bilaabo berri, 12 May, Ukraine-na waxay diyaar u tahay inay kulmaan."

  3. Zelenesky oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo Putin

    Ukraine

    Xigashada Sawirka, EPA

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in Kyiv ay diyaar u tahay inay la kulanto Ruushka lana yeelato wadahadallo xabbad joojin ah.

    Isaga oo aan si toos ah uga jawaabin martiqaadka Putin ee wadahadallada Istanbul, wuxuu yiri: "Waa calaamad wanaagsan in Ruushku ugu dambeyntii bilaabay inuu tixgeliyo joojinta dagaalka."

    Wuxuu intaas ku daray: "Dunida oo dhan ayaa tan sugaysay muddo aad u dheer. Tallaabada ugu horreysa ee si dhab ah loogu soo afjarayo dagaal kasta waa xabbad-joojin."

    "Ma jirto wax macno ah oo lagu sii wado dilka xitaa hal maalin. Waxaan filaynaa in Ruushka uu xaqiijiyo xabbad-joojin buuxda, waarta, oo la isku halleyn karo - laga bilaabo berri, 12 May, Ukraine-na waxay diyaar u tahay inay kulmaan."

  4. Guudmar: 'Dowladdan Israa'iil ma aha xulafadeenna' Warbxin lagu qoray New York Times

    Waxaan ku bilaabaynaa dulmarkeenna wargeyska New York Times ee Maraykanka, iyo maqaal cinwaankiisu yahay "Dowladdan Israa'iil ma aha xulafadeenna", oo uu qoray Thomas Friedman.

    Qoraagu wuxuu hadalkiisa ku bilaabayaa isagoo ka hadlayo booqashada uu Madaxweyne Donald Trump ee Maraykanka ku tegi doono Bariga Dhexe toddobaadka soo socda, taas oo uu ku mari doono dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qadar, isaga oo aan booqanayn Israa'iil.

    Tan ayuu u adeegsanayaa inuu kaga faalloodo xidhiidhka u dhexeeya Maraykanka iyo xukuumadda ra'iisul wasaaraha Israa'iil ee Benjamin Netanyahu, taas oo uu u arko in hadda kadib xulufo la'ahayn Washington, sida uu qabo.

  5. Trump oo codsaday kumannaan booliis dheeraad ah si ay u tarxiilaan soo-galootiga

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku amray Waaxda Amniga Gudaha inay tiradii hore ku biiriyaan ugu yaraan 20,000 oo saraakiil booliis ah si ay gacan uga geystaan tarxiilka muhaajiriinta aan diwaan-gashaneyn.

    Tallaabadan oo lagu dhawaaqay Jimcihii ayaa qeyb ka ah qorshaha maamulka ee lagu dhiirrigelinayo dadka inay iskood uu laabtaan dalkooda.

    Farriin muuqaal ah, ayuu Trump ku sheegay inuu ka shaqeynayo in ka tegitaanka Mareykanka uu ka dhigo mid fudud.

    Dowladda federaalka Mareykanka ayaa bixineysa kharashka muhaajiriinta aan diwaan-gashaneyn ee doonaya inay si iskood ah uga baxaan Mareykanka iyo waliba kharash dheeraad ah.

  6. Hindiya iyo Pakistan oo isku eedeeyay jebinta xabbad-joojinta

    Hindiya

    Xigashada Sawirka, Getty Images/EPA/PTV

    Hindiya iyo Pakistan ayaa midba midka kale ku eedeeyay "xadgudub" saacado ka dib markii labada waddan ay sheegeen inay ku heshiiyeen xabbad-joojin ka dib maalmo ay socdeen weerarro millatari oo xudduudaha ka gudbaya.

    Kadib dhawaaqyo qaraxyo ah oo laga maqlay gobolka Kashmiir ee ay Hindiya maamusho, wasiirka arrimaha dibadda ee Hindiya Vikram Misri ayaa sheegay inay jireen "xadgudubyo soo noqnoqday oo ku saabsan fahamkii aan gaarnay".

    Wax yar ka dib, wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay “ay ka go’an tahay dhaqangelinta daacadda ah ee xabbad-joojinta...inkastoo ay jiraan xad-gudubyada ay Hindiya ka geysanayso meelaha qaarkood”.

    Dagaalka u dhaxeeyay Hindiya iyo Pakistan afartii maalmood ee la soo dhaafay ayaa ahaa iska horimaadkii ugu xumaa ee militari oo dhexmara labada dhinac ee iska soo horjeeda muddo tobanaan sano ah.