Baardheere: Hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay oo ku dhintay hoobiye kusoo dhacay gurigooda

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Britain oo wajahaysa shaqo joojin ballaaran oo ay ku dhaqaaqeen shaqaalaha dalkaas.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Britain ayaa wajahaysa shaqo joojin ballaaran oo ay ku dhaqaaqeen qeybaha kala duwan ee shaqaalaha, kuwaas oo ka cabanaya sicir bararka xooggan ee ka taagan waddankaas.

    Boqolaal kun oo isugu jira macallimiinta iskuullada iyo jaamacadaha, shaqaalaha rayidka, dhakhaatiirta iyo shaqaalaha gaadiidka ayaan maanta shaqo tegin kadib khilaaf ka dhashay mushaaraadka ay qaataan iyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan.

    Dowladda Britain ayaa maanta shaacin doonta tallaabooyin ay ku xoojinayso dhaqaalaha uu sicir bararka hareeyay oo haatan ah kan ugu kobaca hooseeya waddamada G-7. Haashim Ducaale waa khabiir arrimaha bulshada ah oo ka hawlgala Britain, waxaan ka waraystay arrintan

  2. Mareykanka: 'Shilka diyaaradeed wuxuu ka dhashay dhaqan xumada duuliyeyaasha Ruushka'

    Afhayeenka Pentagon Sarreeya Guuto Pat Ryder

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Washington ayaa sheegtay shilka ku dhacay diyaarad aan duuliyaha lahayn oo lahaayeen ay ka dhaltay dhsaqan xumada Ruushka.

    Mareykanka ayaa sheegay mid ka mid ah diyaaradaheeda aan duuliyaha laheen iney badda madow ku dhacday kaddib marki ay carqalad kala kulantay diyaaradaha dagaalka Ruushka.

    Diyaaradda burburtay oo ay Washington ku sheegtay xilliga ay burbureysay iney mareysay badda caalamiga ah oo ay ku xadgudubin dhul badeedka Ruushka.

    Ruushkana wuxuu sheegay diyaaradda aan duuliyaha laheen ee MQ-9 iney ku duuleysay meel ku dhow dhul badeedka Crimea oo ay Ruushka 2014-kii qabsatay.

    Afhayeenka Pentagon Sarreeya Guuto Pat Ryder oo shir jaraa'id qabtay wuxuu sheegay diyaaraddooda aan duuliyaha lahayn marki ay ku timid cillad dhanka duullimaadka iyo xakameynta kaddib iney burburiyeen.

    Dhacdadan ayaa muujineysa khatarta sii kordheysa ee iska horimaad toos ah oo dhexmara Ruushka iyo Mareykanka taasi oo ku aadan dagaalka Ukraine.

  3. Madaxda ka qayb galeyso shirka golaha wadatashiga oo gaaray Baydhaba

    .

    Madaxda Dawladda Federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada ee ku jira Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isugu tagaya magaaalada Baydhabo.

    Saacadaha soo socdana waxaa la filayaa madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu magaalada Baydhaba gaaro.

    Halkaas oo berito uu uga furmi doono shir daba jooga, shirrarkoodii hore ee ka tashiga hannaanka dawlad dhiska Soomaaliya.

    Shirkan kii ka horreeyay oo qodobada qaar ay diidday Puntalnad ayaa markii dambe keenay in Puntland ay hakiso wadashaqayntii ay la lahayd Dawladda Federaalka.

    9-ki bishii Jannaayo ee sanadkan waxay soo saaraty warqad ay ku sheegeyso iney arrima badan kala shaqeyneyn dowladda federaalka.

    Inkasta oo shirkan haatan ka furmayo Baydhaba aan la ogeen iney shirka ka soo qayb galeyso haddana waxaa la filayaa in lagu lafa guro qodobbadi ka soo baxay shirka wadatashiga qaran ee dhacay bishii December ee kalhore.

  4. Shiinaha, Iiraan iyo Ruushka oo dhoollatus milatari sameynaya

    Sawir markab dagaal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waddamada Shiinaha, Iiraan iyo Ruushka ayaa dhoollatus ciidamada badda oo wadajir ah ku sameynaya badda Cummaan.

    Wasaaradda Gaashaandhigga Shiinaha waxay sheegtay dholltuska ay seddexdaasi dal sameynayaa inuu soconayo 24-28 bishan March.

    Wasaaradda gaashaandhiggu waxay sheegtay doollatuska ciidamada badda waddamadaasi in gacan ka geysanayo “iskaashiga dhanka badda oo ay waddamadaasi leeyihiin.”

    Mana aha marki ugu horreysay oo dhoollatus noocaani ah ay waddamadaasi sameeyeen hase yeeshee wuxuu ku soo beegmaya xilli uu sii xogeystay iskaashiga militari ee Iran Ruushka wixii ka dambeeyey dagaalka Ukraine.

    Dhoollatuski ugu horreeyey oo ay waddamadaasi yeeshaanna afar sano ka hor wuxuu ka dhacay badda Cummaan iyo Badda Hindiya.

  5. "Isku day dil ayaa mar kale lala damacsanaa Cimraan Khan"

    .

    Xigashada Sawirka, IMRAN KHAN/TWITTER

    Hogaamiyaha mucaaradka Pakistan Imran Khan ayaa BBC-da u sheegay in boolisku ay sharciga jebinayaan iyagoo isku dayaya in ay xabsiga u taxaaban.

    Qareenka Khan, Hassan Niazi, ayaa BBC u sheegay inuu ka cabsi qabo isku day dil oo cusub oo lagu khaarijinayo macmiilkiisa, bilo ka dib markii la toogtay isagoo ka qayb qaadanayay bannaanbaxyo.

    Iska horimaadyo ayaa shalay ka dhacay guriga uu magaalada Lahore ka deggan yahay Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalkaas kuwaas oo sababay in tiro dad ah ay ku dhaawacman arrintan.

    Weriyeyaasha BBC-da ee ku sugan goobta uu weerarku ka dhacay ayaa sheegay in dhowr askari oo booliis ah oo uu ku jiro taliye ku xigeenka booliska magaalada Islamabad ay ku dhaawacmeen rabshadahaasi.

    Maxkamadda sare ee ku taalla Islamabad ayaa diiday codsiga meesha looga saarayo waaran lagu soo qabanayo Ra'iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Cimraan Khaan

    Waxayna booliisku ku dhawaaqeen Arbacadii inay joojinayaan isku dayga lagu xiray Khan muddo saacado ah, inta lagu guda jiro ciyaarta cricket-ka ee Lahore, si dib loo bilaabo ka dib dhamaadka dhacdada isboortiga, sida ay sheegtay Reuters.

  6. Askar lagu la’yahay howlgalka badbaadinta duufaanta Malawi

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Labo askari oo Malawi u dhashay ayaa la waayay ka dib markii doonidii ay la socdeen ay talaadadii ka dagtay aagga koonfurta Mulanje. Wargeyska New York Times oo soo xiganaya afhayeen u hadlay ciidamada ayaa sheegay in howlgalka uu caqabad ku noqday webiga oo fatahay.

    Askartan ayaa qayb ka ahaa lix qof oo shaqaale ah kuwaas oo u baxay samata bixinta dadka ku go'doonsan ka dib markii duufaanta Tropical Freddy ay ku dhufatay gobolka, sida uu sheegay wasiirka dawlada hoose Richard Chimwendo Banda.

    Mr Banda ayaa sheegay in mid ka mid ah askarta la la’yahay lagu arkay geed dushiisa, islamarkaana ay wadaan dadaalo lagu soo badbaadinayo.

    Duufaanta Freddy ee ku dhufatay waddanka aan bad lahayn ee Koonfur-bari Afrika dhammaadkii isbuucii hore, ayaa dishay in ka badan 200 oo qof. Xarunta ganacsiga Malawi ee Blantyre ayaa laga diiwaan galiyay inta badan dhimashada, oo ay ku jiraan tobanaan caruur ah.

  7. Falanqeyn ku saabsan hindise sharciyeedka ladagaallanka argagixisada ee uu meelmariyay Aqalka Sare

    Waxaa markii ugu horraysay baarlamaanka Soomaaliya uu meelmariyay hindise-sharciyeedka ladagaallanka argagixisa ee dalka.

    Hindise sharciyeedkan oo ay ku guuldarraysteen inay meelmariyaan baarlamaannadii hore ayaa kamid noqonaya shuruuc todobaadyadii ugu dambeeyay ay meelmariyeen xildhibaannada.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadkii hore mar uu saxiixayay shuruuc uu ku jiray midka hay'adda sirdoonka ee NISA waxa uu sheegay in shuruuc badan ay meelmarin doonaan.

    Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo hore uga tirsanaan jiray ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa inoo faaqidaya hindise sharciyeedkan la meelmariyay.

  8. War ka soo kordhay muuqaalka fadeexaddii madaxweyne Salva Kiir "oo ay surwaalkiisa qoysay wax kaadi u muuqday"

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Laba ka mid ah afar wariye oo loo xiray faafinta muuqaalladii u muuqday inay muujinayaan madaxweyne Salva Kiir oo ay surwaalkiisa qoysay wax kaadi u muuqday xilli uu ku sugnaa meel fagaare ah oo ay ku wehlinayeen mas’uuliyiin kale iyo warbaahinta ayaa laga sii daayay xabsiga.

    Ururka Suxufiyiinta Koonfurta Suudaan ee UJOSS ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay soo dhawaynayaan sii deynta Victor Ladu iyo Mustapha Osman.

    Bishii Disembar, muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa u muuqday mid muujinaya Mr Kiir oo isku kaadiyay, iyadoo heesta calanka la qaaday. Lix ka mid ah shaqaalaha warbaahinta dowladda ayaa loo xiray arrinkaas.

    "[Waxaan] ka codsanaynaa dowladda inay sii deyso Garang John iyo Jacob Benjamin ama haddii ay hayaan kiis ay uga jawaabaan, waa in la horgeeyaa maxkamad sharciga ah," ayaa lagu yiri bayaanka UJOSS.

    Xariga ayaa waxaa cambaareeyay kooxaha u dooda xuquuqda oo ay ku jiraan Guddiga Difaaca Saxafiyiinta (CPJ).

  9. Gabdho Soomaali ah oo sameeyay warbaahin ay dumarka oo kali ah ka shaqeeyaan

    Qoraalka Muuqaalka, .
  10. Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka oo la kulmaya madaxda siyaasadda Itoobiya

    .

    Xigashada Sawirka, Secretary Antony Blinken

    Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Anthony Blinken, ayaa lagu wadaa inuu Addis Ababa gelinka dambe ee maanta uu la kulmo hoggaamiyeyaasha siyaasadda, si uu u qiimeeyo dhaqangelinta heshiiskii nabadeed ee lagu soo afjaray dagaalladii sokeeye ee Itoobiya.

    Waxa uu sidoo kale kulamo la yeelan doonaa shaqaalaha gargaarka iyo kooxaha bulshada rayidka isaga oo kala hadli doona xaaladda bini'aadantinimo ee ka jira halkaas.

    Dagaalka sokeeye ee labada sano socday ee u dhexeeyay dawladda federaalka Itoobiya iyo maamulka gobolka Tigreega ayaa loo malaynayaa in ay ku naf waayeen in ka badan nus malyuun qof.

    Mr Blinken ayaa u safri doona dalka Niger kadib booqashadiisa Itoobiya halkaas oo uu kala hadli doono dhaq-dhaqaaqa urarada argagixisa ee kusii kordhaya gobolka Saaxil.

  11. Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo lagu soo eedeeyay inay Al-shabaab kala shaqaynayeen falal isugu jira qaraxyo iyo dilal.

    Raggan ayaa magacyadooda lagu sheegay Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow), Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego) iyo Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhaqtar Fanax).

    Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa kordhisay fulinta dilalka toogashada ah, waxaana maalin kahor xukun dil toogasho ah lagu fuliyay rag ka tirsanaa Booliska Soomaaliya, kuwaas oo lagu helay inay dilal geysteen.

  12. Hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay oo ku dhintay hoobiye kusoo dhacay gurigooda

    Illaa afar qof oo isku qoys ahaa kana koobnaa hooyo, laba carruur ah oo ay dhashay iyo qof marti u ahaa, ayaa kubaxay hoobiye kusoo dhacay gurigooda oo ku yaal magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

    Dhibka reerkaasi soo gaaray intaas kuma eka ee, waxaa uu hoobiyuhu dhaawacay labo carruur ah oo kale oo isla qoyskaasi ka tirsan.

    Ururka Al-shabaab ayaa shalay magaaladaasi la dhacay hoobiyayaal, waxyar uun kaddib weerarkii isqarxin ahaa ee isla Shabaabku ay sheegteen inay ku qaadeen aqalka martida ee maamulka Baardheere.

    Xasan Cabdi oo ay wada dhasheen aabaha qoyska ay hooyada iyo carruurta ka geeriyoodeen, waxa uu inooga warramay sida ay wax u dheceen.

    Qoraalka Codka, .
  13. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali.

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaamadooda qurbaha, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba.