La wareegista Newcastle: Heshiiskii uu gadaal ka riixayey Sucuudiga oo dhameystirmay

Heshiiskii la wareegista Newcastle, ee uu gadaal ka baritaarayey Sucuudiga, ayaa haatan soo gaba gaboobay.

Horyaalka Ingiriiska, ayaa meel mariyey la wareegista kooxda, ka gadaal markii ay soo gaareen damaanad qaadyada sharci ahaan lagu dhaqmo, taasoo ah in dowladda Sucuudiga aaney maamuli doonin kooxda.

Taa badalkeeda, sanduuqa maalgashiga ee dadweynaha, (PIF) oo bixin doona dhaqaalaha 80% ee heshiiska 300m ee pound, taasoo loo arko iney dowladda gaar ka tahay.

Sababtaas awgeed, la wareegitaanku wuxuu ka gudbay imtixaankii milkiilayaasha iyo aggaasimayaasha Horyaalka Ingiriiska.

Bayaan ay si wadajir ah usoo wada saareen Horyaalka Ingiriiska, kooxda Kubdda Cagta Newcastle iyo shirkadda St James Holding Limited, ayaa maanta wada gaarey heshiiskii lagu soo afmeerey murankii la xiriirey kooxda, oo ay iska kaashadeen PIF, PCP Capital Partners iyo RB Sports iyo Warbaahinta.

d

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Kadib markii lasoo gaba gabeeyey imtixaankii iyo milkiilayaasha iyo aggaasimayaasha Horyaalka Ingiriiska, kooxda waxaa laga iibiyey dalad gaar ah, si heshiiska u dhaqan galo."

Khilaafyada sharciyeed, waxey quseeyaan hey'adaha ku guuleysta lahaanshaha ama leh awood ay ku xakameeyaan naadiga kadib la wareegitaankiisa. Dhammaan dhinacyadu waxey isku raaceen in heshiisku lama huraan u yahay in lasoo afjaro hubanti la'aanta mudada dheer heysata, ee la xiriirta taageerayaasha ee lahaanshaha kooxda.

Maamulka Horyaalka Ingiriiska, ayaa haatan waxaa soo gaarey damaanad qaadka ah in Boqortooyada Sacuudiga inaaney xukumi doonin kooxda kubadda cagta ee Newcastle.