Ukraine oo ku guulaysatay Koobka Adduunka ee ciyaartoyda 20-ka sano ka yar

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ukrain ayaa iska soo gudday gool ay ka dhaliyeen ciyaartoyda xulka Kuuriyada Koonfureed kaddibna waxa ay ugu badiyeen 3-1 markaas oo markoodii ugu horreysay ay ku guulaysteen Koobka Adduunka ee ciyaartoyda 20-ka sano ka yar.
Ciyaarta oo ka dhacday magaalada Lodz Poland ayaa waxaa isaga hor yimid laba kooxood oo taariikhda markoodii ugu horraysay u soo baxay fiinaalka koobkan.
Kuuriyada Koonfureed ayaa goolka ku hormartay oo waxa uu ahaa gool ku laad loo dhigay taas oo uu dabamariyay goolhayaha kooxda Real Madrid ee Andriy Lunin.
Hasayeeshee Vladyslav Supriaha ayaa min hal gool waxa uu ku dhaliyay labada qeybood ee ciyaarta halka ciyaaryahanka ay ka wada tirsan yihiin kooxda Dynamo Kiev ee Heorhii Tsitaishvili uu sii raaciyay goolka saddexaad ee quusta.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kuuriyada Koonfureed ayaa ciyaarta barbarayn gaartay kaddib markii ciyaaryahanka 20 jirka ah ee Lunin, kaas oo xilli ciyaareedkii hore amaah ahaan ugu dheelayay kooxda Leganes ee ka tirsan horyaal Spain ee La Liga, uu si wanaagsan kubad madaxa loogu soo laaday intuu u farsameeyay birta ku dhuftay.
Ukraine oo aanan u soo bixin tartankii 2017 ayaa waxa ay kaalinta koobaad uga soo baxday group ay ku wada jireen dalalka Mareykanka, Nigeria iyo Qatar, xulka Panama ayey wareegga 16-ka ku garaacin 4-1, Colombia-na waxa ay uga soo gudubtay 1-0 iyadoo natiijo middaasi la mid ahna ay nus dhammaadka tartanka isaga reebtay xulka Talyaaniga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kabaha dahabka ayaa waxaa ku guulaystay ciyaaryahan Erling Braut Haaland oo u dhashay dalka Norway iyadoo oo uu dhaliyay sagaal gool kuwaas oo uu ku dhaliyay hal ciyaar oo kaliya taas oo aheyd middii xulkiisa uu 12-0 uga adkaaday xulka Honduras, ciyaartaas oo aheyd middii ugu dambaysay ee xulkiisa ka dheelo tartanka.
England oo difaacanaysay koobka loo tartamayo ayaa ku guuldarraysatay inay u soo gudubto tartankan.

Xigashada Sawirka, EPA










