Jurgen Klopp: Salaax yuusan u turin kooxdiisii hore

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in uu Maxamed Salaax ka filayo in uusan "u turin" kooxdii uu horay ugu soo dheelay ee Roma, marka ay Talaadada iskaga hor yimaadaan koobka Horyaallada Yurub ee Champions League.
Ciyaartan ayaa ah is aragga koobaad ee afar dhammaadka koobka Champions League ee Yurub aad looga qaddariyo.
Salaax ayaa 34 gool u dhaliyay kooxda Roma isaga oo u saftay 83 jeer ka hor intii uusan ku biirin Liverpool xagaagii hore, waxaana lagaga gatay 34 milyan oo gini.
Ciyaarta Talaadadan dhacaysa ayaa noqon doonta middii koobaad ee ay iskaga horyimaadaan kooxdiisii hore.
"Waxay ila tahay Maxamed mardhaw ayuu ogaan doonaa in aysan isku koox sii ahayn" ayuu yiri Klopp.
"Difaaca Talyaaniga waxaa lagu yaqaanaa in aysan ciyaar saaxiibtinimo dheelin. Balse wuxuu kaga aarsan karaa kubbad ahaan."
Salaax ayaa Liverpool u dhaliyay 41 gool isaga oo u saftay 46 kulan, Axaddiina wuxuu ku guulaystay abaalmarinta PFA ee ciyaaryahanka ugu wanaagsan Horyaalka Ingiriiska.
Liverpool ayaa isku dayaysa in ay markii u horraysay iska xaadiriso ciyaarta kama dambaysta ah ee Horyaallada Yurub, tan iyo sannadkii 2007dii, waxayse koobkaas ku guulaysatay shan jeer oo hore.










