You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Denmark oo indhaha isugu qabatay riyadii Ireland
Jamhuuriyadda Ireland ayaa ku guuldarraysatay in ay ka qayb gasho Koobka Adduunka ka dib markii saddex gool oo uu dhaliyay Christian Eriksen ay Denmark u suuragalisay in ay guul muhiim ah ka gaarto ciyaartii isku celiska ahayd ee loogu soo baxayay Koobka Adduunka ee Ruushka ka dhacaya sannadka fooda inagu soo haya ee 2018ka.
Kulankii hore ee ay labadan kooxood yeesheen ayaa ku soo dhammaaday barbarro gool la'aan ah.
Balse Denmark oo ciyaartan dambe marti loo ahaa ayaa si wanaagsan ku billawday ka dib markii uu daqiiqaddii lixaad uu gool u dhaliyay Shane Duffy ka dib markii ay difaac Ireland ku guul daraysteen in ay diilinta 18aad ka saaraan laad xor ah.
Intaas wixii ka dambeeyayna goolal ayaa raaxada lagaga qaaday, iydoo ciyaartu ay ku soo dhammaatay 5-1.
Eriksen oo saddex ka mid ah goolashaas dhaliyay ayaa sheegay "in uu dareen aad u wanaagsan yahay. Waayo waxaan u soo dadaalaynay wakhti dheer si aan Koobka Adduunka uga qayb galno. Aad ayaana u sugaynaa, badanaa saddex gool ma dhaliyo, marka waa arrin wanaagsan.
"Waxaan ogahay sidii ay shucuurtaydu u kacsanayd habeen iyo maalinba, waxaan hananay kubadda, waxaana u dheelnay si ka wanaagsan sidii kulankii hore."