MAXAMED SALAAX - Ciyaaryahanka xulka Masar iyo kooxda Liverpool
Inkastoo Maxamed Salaax uu dhaliyay in kaban boqol gool, waxaa dalka Masar lagu xasuusan doonaa hal gool oo uu ka dhaliyay xulka qaranka Congo daqiqadaha dambe ee ciyaarta bishii Oktober, kaaso u xaqijajiyay xulkiisa qaranka ee Masar in uu hanto kaqeybgalka Koobka Aduunka markii kobaad in kabadan muddo 25 sano ah.
Xulka Qaranka Masar ayaa todaba jeer ku guuleystay koobka Qaramada Afrika haseyeshee meysan ka qey qaadanin koobka adunka tani iyo sanadii 1990-kii. Ciyarta oo gabogabo mareyso ayey helen go kulad iyada oo ciyarta eey mareyso barejo 1-1. Gudaha iyo banka garonka ayaa waxaa isqabsaday sawaxan
Daganaanta uu muujiyay , 25 sano jirkan ayaa ku qaaday madaxweyne Cabdul Fataax Al-Sisi inuu aamno ciyaaryahankan oo si wanaagsan u maareeyay rajadad 80 Million oo Masaari ah oo ka warsugeysay.
Golkaan ayaa horseeday in ciyaaryahankan loogu magic daray boqorka Fircoon 2017, iyadoo xulka Masar lagu naaneysay 'Salaax Masar'
Salaax ayaa dhaliyay 5 gool oo ka mid ah 7-ba gool ee uu surtagaliyay Masar in ay ka qaybgasho Koobka Aduunka ee Ruushka.
Wuxuu sidoo kale xirfadiisa muujiyay xili ciyaareedkii Koobka Qaramada Afrika ee sanadii 2017, markaasi oo uu dhaliyay afar ka mid ah shanta goo lee uu xulkiisu xiray. Kooxda ayaa gaartay ciyaarta kama dambeysta balse xulka qaranka Kaamaroon ayaa ciyaartaasi kama dambeysta ah ka badiyay.
Markii uu ku biiray kooxda Liverpool bishii June, xiddigan reer Masar waxaa loo magacaabay inuu noqdo ciyaartoygii ugu wanaagsanaa bilihii Agost iyo September.
Todoba gool ayuu dhaliyay 11-kii ciyarood ee ugu horeysay ee horyaalka dalka Ingiriiska, halka horyaalka Yurubna uu shan gool dhaliyaya lix ciyaarood oo uu saftay.
Billowgiisii hore ee kooxda taliyaaniga Roma ayaa sidoo kale ahaa mid aad u wanaagsan iyadoo muddo todoba sano ah ay kooxdaasi ku jirtay heer wanaagsan.
Waxaa uu daliyay 15 gool isaga isagoo gacan ka gaystay 11 kale horyalka dalka Talyaniga.
Xiddiga horyaalka Ingiriiska ee Thierry Henry ayaa Salaax ku tilmaamay 'qof gaar ah'. Haddaba ninkan ma noqon doonaa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Masar u dhashay ee ku guuleysta abaalmarinta ciyaaryahanka sanadka Afrika ee BBC?










