Tababaraha Arsenal oo lagu khiyaanay war been ah

Tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger, ayaa lagu qiyaamay war been ah oo ku saabsan in George Weah uu noqday madaxweynaha Liberiya.

Balse natiijada ugu dambeysa eeee doorashda dalka Liberiya ayaan weli la shaacin.

Arsene Wenger ayaa yiri: "Waxaan u hambalyeynayaa mid ka mid ah ciyaartoydeenii hore oo noqday madaxweynaha Liberiya, George Weah. Way yartahay in ciyaaryahankaagii hore uu noqdo madaxwaynaha dal. Way u wanaagsan tahay George, waxaana u sheegayaa in uu sii wad dadaalkiisa ah in uu waxbarato guulna gaaro."

Arsene Wenger wuxuu ahaa macallimkii Weah ee kooxda Monaco, sanadkii 1990-kii.

Weah, oo 1995-tii noqday ciyaaryahanka sanadka ee caalamka, ayaa u tartamaya xilka madaxweynaha dalka Liberiya.

Balse weli waxaa socoto tirinta codadka, lamana oga cidda ku guulaystay illaa iyo hadda.

Weah ayaa laba goor oo hore u tartamay xilka, wuuna ku guuldareystay.