Masar oo u soo baxday Koobka Adduunka

Xigashada Sawirka, .
Xulka Qaranka Masar ayaa daqiiqaddii 95aad gool rigoore ah dhashatay iyadoo Congo kaga badisay 2-1.
Ciyaartaas ay ka dhacday magaalada Alexandria ayaana u suurto galisay in ay soo baxaan Koobka Adduunka ee Ruushka lagu qabanayo sannadka soo socda.
Waana markii u horraysay ee ay ciyaaraha adduunka ka soo qaybgalaan muddo nus qarni ka badan.
Maxamed Saalax ayaa ahaa halyayga Masar, labada gool ee ay kooxdiisu ku badisayna isaga ayaa u dhaliyay, sidaas ayayna ugu suurtagashay in ay koobka adduunka u soo markii u horraysay tan iyo 1990kii.
Damaashaad ayaa garoonka iyo dibaddaba ka billawday, dad badan oo masaari ah ayaana arrintaas u ashqaraaray.






