You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Real Madrid oo Super Cup-ka Spain ka badisay Barcelona
Kooxda Real Madrid ayaa kooxda Barcelona uga badisay 2-0 garoonka Bernabeu iyadoo ay taasi horseedday inay Real Madrid ay ku badisay 5-1 sidaasna ku qaado koobka Spanish Super Cup.
Kooxdan difaacanaysa horyaalnimada Yurub iyo dalkeeda Spain ayaa gacan saraysay, umana aysan dhutinin laacibkooda Cristiano Ronaldo oo ganaax kaga maqan.
Ciyaaryahanka Marco Asensio oo sidoo gool dhaliyey is araggii koobaad ayaa ciyaartanna sidoo kale Real Madrid u dhaliyay goolkii koobaad ee is ciyaartan ay koobka ku hanteen
Barcelona ayaa lugtii dambe ee cayaarta xoogaa iska caabbin samaysay hase yeeshee waxay ciyaartu ku soo idlaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday Real Madrid.
Ernesto Valverde oo ah tababaraha kooxda Barcelona ayaa laga yaabaa in ay walwal ku abuurto natiijada uu ka arkay labadii kulan ee adkaa ee uu xilka hayay.
Tababarahan cusub ayaa baddalay Luis Enrique xagaagan.