Cristiano Ronaldo oo Lionel Messi uga guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican caalamka

Cristiano Ronaldo wuxuu sanadkii tagay kaalin ka ciyaaray in Real Madrid ay ku guuleysatay koobka kooxda caalamka

Xigashada Sawirka, Rex Features

Qoraalka sawirka, Cristiano Ronaldo wuxuu sanadkii tagay kaalin ka ciyaaray in Real Madrid ay ku guuleysatay koobka kooxda caalamka

Cristiano Ronaldo waxaa loo caleemo saaray ciyaaryahanka ugu wanaagsan caalamka ka dib xaflad ka dhacday Zurich oo lagu gudoonsiiyay abaalmarinta FIFA.

Ronaldo oo u dheela Real Madrid iyo xulka qaranka Boortoqiiska, wuxuu abaalmarintan uga guuleystay ciyaaryahanka Barcelona ee Lionel Messi iyo Antoine Griezmann oo u ciyaara Atletico Madrid.

Ronaldo ayaa sidoo kale dhowaan ku guuleystay abaalmarinta Ballon d'Or, asigoo lagu sharfay inuu Real Madrid kula guuleystay Champions League, iyo xulka qarankiisa oo uu la qaaday koobka Euro 2016.

Carli Lloyd

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Carli Lloyd oo heshay abaalmarinta gabdhaha kubadda cagta

Carli Lloyd oo u dhalatay Mareykanka ayaa loo cumaamaday gabadha ciyaaryahan ee dunida ugu wanaagsan.

Claudio Ranieri

Xigashada Sawirka, Rex Features

Qoraalka sawirka, Claudio Ranieri wuxuu sanadkii tagay ku guuleystay horyaalka Premier League

Macallimka kooxda Leicester, Claudio Ranieri ayaa noqday tababaraha ugu fiican ragga.

Tababarihii hore ee gabdhaha Silvia Neid ee Jarmalka ayaa abaalmarinta dumarka macallimiinta ah ku guuleysatay.