Koox Shiinaha ka dhisanoo lacag badan ku dooneysa Cristiano Ronaldo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Real Madrid ayaa loo bandhigay qiyaastii £250m si ay koox Shiine ah, oo aan la magacaabin, ugu wareejiyaan laacibka Cristiano Ronaldo, sida uu sheegay wakiilka ciyaaryahanka Jorge Mendes.
Wuxuu sheegay in laacibka u dhashay dalka Boortoqiiska uusan dooneyn heshiiskaasi oo qeyb ka ah mushaarkiisa sanadka oo gaaraya £85m .
wuxuu sheegay Cristiano Ronaldo inuu 10 sano oo dheeraad ah sii ciyaari karo, ka dib heshiiskii Novermber uu la gaaray Real Madrid oo ku eg June 2021-da.
"Suuqa Shiinaha waa mid cusub. Waxay iibsan karaan ciyaaryahanno badan, laakiin macquul maaha inay helaan Ronaldo," ayuu yiri Mendes.
"Cristiano waa ciyaaryahanka ugu wanaagsan caalamka, waana kan abid ugu wanaagsanaa. Waa iska caadi in la arko kooxo raadinaya," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Dalabkan cusub ayaa imaanaya ayadoo kooxda Shanghai Shenhua ay khamiistii xaqiijisay inay heshiis la saxiixatay weeraryahankii hore ee Manchester City Carlos Teves.










