Drogba oo ka tagaya kooxda Montreal

Xigashada Sawirka, Getty Images
Didier Drogba ayaa ka tagi doona kooxda Montreal dhamaadka xilli ciyareedka koobka MLS.
38 jirkan ayaa saxafiyiinnta u sheegay in uu dheelay ciyaartiisii u dambaysay ee kooxdiisu ku yeelato garoonkeeda kad dib markii 3-2 ay kaga badiyeen Toronto FC
Dhaliyihii hore ee kooxda Chelsea ayaa ciyaartaas badal ku soogalay daqiiqaddii 71-baad, waxaana daawanayay 61,000 oo taageere.
Billawgii ciyaarta ayaa dib loo dhigay 30 daqiiqo ka dib markii la ogaaday in ay dhuudhuuban yihiin diilimaha 18-ka.
Diilimaha cadcad ayaana dib loo calaamadeeyay, taageerayaasha ayaana sacabaynayay intii hawshah la wday.
Drogba oo u soo dheeli jiray qarankiisa Ivory Coast ayaa Montreal kaga soo biiray kooxda Chelsea, intii uu kooxdiisan la joogayna wuxuun dhaliyay 27 gool isaga oo dheelay 33 ciyarood.






