Toni Kroos: Ciyaaryahanka khadka dhexe uga dheela Real Madrid oo heshiis cusub saxiixay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciyaaryahanka khadka dhexe uga dheela xulka Jarmalka Toni Kroos - kaasi oo bilowgii sanadkan lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqi doono kooxda Manchester United - ayaa waxa uu sii dheereeyay qandaraaskii uu kula jiray kooxdiisa Real Madrid, kaasi oo uu gaarsiiyay ilaa 2022.
26-jirkan, ayaa 2014-kii Bernabeu uga soo biiray kooxda Bayern Munich lacag sheegay inay gaarayso £24m, 108 kulan oo uu u saftayna waxa uu Real Madrid u dhaliyay 4 gool oo kaliya.
Ciyaaryahankan horay ugu guulaystay Koobka Adduunka ayaa suuragalnimada inuu kooxda Manchester United u wareego waxaa bishii Sibteembar ka dhawaajiyay laacibkii hore ee kooxdaasi Paul Scholes.
Wargeyska AS ee ka soo baxa dalka Spain ayaa ku andacooday in heshiiskan cusub uu ciyaaryahan Kroos uu todobaadkan ku qaadan doono lacag dhan £346,000.






