You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Fifa oo kala dirtay guddiga la dagaalanka cunsuriyadda
Ururka kubadda cagta adduunka ee Fifa ayaa kala diray guddiga la dagaalanka cunsuriyadda, wuxuuna sheegay in hawshiihii ay dhamaatay inkastoo ay sii socoto walaaca laga qabo dabeecadaha cunsiriyadda ee wali ka jira dalka Ruushka oo martigalinaya Koobka Kubadda Cagta Adduunka ee sanadka 2018-ka, sida ay ku waramayso wakaaladda wararka ee Associated Press.
Fifa ayaa u qortay guddigaas in ay si buuxda u guteen hawshii ku meel gaarka ahayd ee loo idmaday isla markaasna ay hadda hawshoodii dhamaatay lana kala diray, waa sida ay qoraalkeeda sii raacisay wakaaladda wararka ee Associated Press.
Osasu Obayiuwana oo horay xubin uga soo noqday gudigaasi ayaa laga soo xigtay in uu sheegay in uusan la yaabin go'aankan.
Wuxuu intaas sii raaciyay in cunsuriyadda kubaddu ay sii socto uuna u baahan yahay in si joogto ah looga war hayo.