You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Cayaartoy faylashooda caafimaad la xaday
Ciyaartoy caan ah oo billado dahab ah haysta ayaa waxaa faylashooda caafimaadka kashifay koox ah burcadda kombiyuutarrada jabsata.
Ilaa 26 cayaartoy ayaa magacyadooda la soo bandhigay, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Mo Farah, Helen Glover, iyo Justin Rose. Waxaa kale oo cayaartoydaas ku jira laacibka Tenniska ee Rafael Nadal.
Faylasha la soo bandhigay ayaa xambaarsan xogta xagga caafimaadka ee cayaartoydaas oo loo ogolaaday inay sababo caafimaad dartood u qaataan dawooyin mamnuuc ah, waxaase la leeyahay wax khalad ah ma aysan samayn cayaartoydaas.