Sideed arrimood oo ku saabsan Afrikaanka ka ciyaara Horyaalka Ingiriiska

Xigashada Sawirka, Getty Images
Horayaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa shaaciyay 25-ka ciyaartooy ee rasmiga ah ee koox kaste u safan doona xilli ciyaareedkan 2016/17.
Weriyaha BBC Stanley Kwenda ayaa eegaya todobo arrimood oo ku saabsan ciyaaryahanada Afrikaanka ah ee ka dheela horyaalka Ingiriiska.

Boqolkiiba sagaal
46 ciyaartooy oo Afrikaan ah ayaa ka dheelaya horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkan, boqolkiiba hal ayayna sare u keceen marka loo eego xilli ciyaareedkii hore.
Taasi waxay ka dhigantahay ku dhawaad 9% marka loo eego guud ahaan 500 ee ciyaartooy.

Meelkaste way joogaan
Koox kaste oo ka dheesha horyaalka waxaa u dheela ciyaaryahan Afrikaan ah

Reer Senegal
Senegal ayaa ah dalka ciyaaryahanada ugu badan ay ka joogaan horyaalka iyaga oo sideed ruux ay ka socdaan, waxaa ku soo xiga dalka Ivory Coast oo lix ciyaartoy ay ka socdaan, Nigeria oo shan ah, Algeria oo afar ah, dalka Ghana-na saddex ayaa ka timid.

Xigashada Sawirka, AFP
Qaaradu waxay yeelan kartaaba ciyaaryahana samaynkara kudhawaad hal koox oo dhamaystiran, waxay leedahay ciyaaryahanno isu miisaaman oo baaleyaasha ka dheela, kuwo weerar yahanno ah iyo difaac:
Cheikhou Kouyate (West Ham United)
Diafra Sakho (West Ham United)
Pape Souare (Crystal Palace)
Idrissa Gana (Everton)
Oumar Niasse (Everton)
Sadio Mane (Liverpool)
Mame Biram Diouf (Stoke City)
Papi Djilobodji (Sunderland)
All they need is a goalkeeper.

Gool haye
Arrinta layaabka leh ayaa ah in 45-ta ciyaartoy ee Afrika ka socota uusan mid koodna gool haye ahayn. Waase haddii aadan rabin in aad xisaabsato Steve Mandanda, oo ah ciyaaryahan ku dhashay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo gool haye u ah Crystal Palace balse u safta qaranka dalka Faransiiska.

Leicester 5 - Sunderland 5

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kooxda difaacanaysa horyaalka Ingiriiska ee Leicester City iyo Sunderland ayay u dheelaan ciyaaryahanada ugu badan ee qaaradda Afrika ka soo jeeda iyada oo kooxkaste ay shan ciyaartooy haysato.
Everton, Watford iyo West Ham United ayaa ku soo xiga oo min afar ciyaartoy haysta.
Sunderland ayaa qani ku ah taariikhda ciyaaryahanada Afrikaanka ah, waxaana soo maray Patrick Mboma, oo reer Cameroon ah, Asamoah Gyan iyo John Mensah oo reer Ghana ah, Benjani Mwaruwari oo reer Zimbabwe ah iyo Talal El Karkouri oo reer Morocco ah.
Sanadkii hore Crystal Palace ayay u ciyaarayeen ciyaaryahanada ugu badan ee Afrikaan ah iyada oo ay shan ciyaartoy u safteen, laakiin hadda saddex ayaa ka soo haray.

Labo ku cusub horyaalka.
Dalalka Equatorial Guinea iyo Liibiya ayaa markii u horaysay ciyaartoy ku yeeshay horyaalka ingiriiska xilli ciyaareedkan.
Labadooda ciyaartoyna waxay kala yihiin Emilio Nsue oo ka tirsan naadiga Middlesbrough iyo Sadik El Fitouri oo Manchester United u dheela.

Difaac qiimo badan ku fadhiya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciyaaryahanka difaaca ka dheela ee Eric Bailly ayaa ka mid ah ciyaaryahanda Afrikaanka ah ee ugu magaca wayn ee ku soo biiray Premier League.
40-ka milyan ee doolar ee laga soo bixiyay ayaana ka dhigaysa mid ka mid ah difaacyada ugu qaalisan.










