Dhegeyso: Halkee ayay marayaan dadaallada dhexdhexaadinta beelihii ku dagaallamay Galgaduud?
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa gaaray deegaanno ka tirsan waqooyiga Gobolka Galgaduud, kuwaas oo maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya beelo halkaasi wada dega.
Madaxweynaha iyo wafdi mas'uuliyiin ah oo uu horkacayay ayaa kulamo la qaatay odayaasha beelihii dagaallamay iyada oo la dhigay gogol nabadeed.
Kahor inta uusan madaxweyne Qoor-qoor halkaasi tegin waxa uu dhorw maalmood kahor magacaabay guddi ka kooban wasiiro si ay u uga howl galaan dadaallada qaboojinta dagaalka.
Guddiga iyo mas'uuliyiinta safarka madaxweynaha ku wehlinayay waxaa kamid ah wasiirka arrimaha gudaha ee Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel, waxaana uu BBC-da uga warramay halka ay marayaan dadaallada qaboojinta xiisadda iyo gogol la filayo in dhawaan la dhigo magaalada Dhuusmareeb.


