Yaa kamid ah dadka caanka ee kasoo muuqday sawirrada cusub ee laga baahiyay faylasha Epstein

Trump iyo dad wajiyadooda la qariyay

Xigashada Sawirka, House Oversight Committee

Xubnaha Dimuqraaddiga ah ee Guddiga Kormeerka Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa sii daayay xirmo cusub oo sawirro ah oo uu lahaa Jeffrey Epstein, kaas oo lagu xukumay in uu geysan jiray tacadi galmada carruurta ah.

Xidhmadani waxay ka kooban tahay 19 sawir, kuwaas oo ku jira keyd aad u ballaadhan oo gaadhaya ku dhowaad 95,000 oo sawir, kuwaas oo guddigu helay iyada oo qayb ka ah baadhitaannada socda ee ku saabsan shabakadda xidhiidhada Epstein.

Sawirradu waxay muujinayaan tiro shakhsiyaad caan ah, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Amiirkii hore Andrew Mountbatten-Windsor, iyo lataliyihii hore ee Trump, Steve Bannon.

Guddigu wuxuu carrabka ku adkeeyay in muuqaalka shakhsiyaadkan uusan macnaheedu ahayn inay sameeyeen wax jebin sharci ah, maadaama sawirradu hore loo daabacay ayna inta badan dadku yaqaannaan.

Sii deynta sawirradan waxay timid toddobaad ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee ay Wasaaradda Caddaaladda Mareykanku ku waajib tay inay shaaciso dhammaan dukumentiyada la xidhiidha Epstein, dukumentiyo ka duwan kuwii guddigu sii daayay Jimcihii.

Shakhsiyaadka ka muuqda sawirrada weli kama aysan bixin wax faallo ah, inkasta oo qaar badan oo ka mid ah ay hore u beeniyeen wax khalad ah oo ay la sameeyeen kaceen Epstein ama ku lug lahaanshahooda dambiyadiisa.

Sawirka ayaa muujinaya Trump oo garab taagan Epstein xilli uu la hadlayay model Ingrid Senhivehe xaflad 1997-kii.

Xigashada Sawirka, House Oversight Committee

Qoraalka sawirka, Sawirka ayaa muujinaya Trump oo garab taagan Epstein xilli uu la hadlayay model Ingrid Senhivehe xaflad 1997-dii ah

Bayaan rasmi ah, Robert Garcia, oo ah Dimuqraaddiga ugu sarreeya guddiga, ayaa yidhi: "Waa waqtigii la soo afjari lahaa qar-qarinta Aqalka Cad lana gaadhsiin lahaa caddaalad dhibbanayaashii uu ka faa'iideystay Jeffrey Epstein iyo saaxiibbadiisa awoodda leh."

Wuxuu intaas ku daray: "Sawirradan argagaxa leh waxay kicinayaan su'aalo dheeraad ah oo ku saabsan Epstein iyo xidhiidhadiisa uu la lahaa qaar ka mid ah ragga ugu awoodda badan dunida. Ma joogsan doonno ilaa dadka Mareykanka ay ogaadaan runta oo dhan. Wasaaradda Caddaaladdu waa inay si degdeg ah u sii deyso dhammaan faylasha."

Jamhuuriyiinta, oo haysta aqlabiyadda guddiga, ayaa ku eedeeyay Dimuqraaddiyiinta inay "si ula kac ah u xusheen sawirro gaar ah isla markaana u tirtireen kuwo kale si ay u abuuraan sheeko marin-habaabinta ah oo ku saabsan Madaxweyne Trump."

Dhanka kale, maamulka Aqalka Cad ayaa ku tilmaamay sii deynta sawirrada mid ah "khiyaano Dimuqraaddi ah" oo lagu beegsanayo Trump, waxayna sheegeen inay "marar badan beeniyeen" eedeymahaas.

Trump wuxuu ka muuqday saddex ka mid ah sawirrada cusub, mid ka mid ahna wuxuu muujinayaa isagoo a taagan haweeney wejigeeda la qariyay, halka sawir kale uu muujinayo Trump iyo Epstein oo la hadlaya moodel Ingrid Sinhive xaflad ay Victoria's Secret ku qabatay New York sanadkii 1997, sawirkaas oo horeyba u ahaa mid dadweynaha heli karaan.

Sawir muujinaya sawirka madaxweynaha oo ku yaal baqshad cas oo ay ku dheggan yihiin boodh ay ku qoran tahay: "Gal-caadhka Trump".

Xigashada Sawirka, House Oversight Committee

Qoraalka sawirka, Sawir muujinaya sawirka madaxweynaha oo ku yaal baqshad cas oo ay ku dheggan yihiin boodh ay ku qoran tahay: "Gal-caadhka Trump".
Mid ka mid ah sawirada ayaa muujinayay Trump oo garab taagan haweeney wajigeeda la qariyay

Xigashada Sawirka, House Oversight Committee

Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah sawirada ayaa muujinayay Trump oo garab taagan haweeney wajigeeda la qariyay

Sawir saddexaad ayaa muujinayay Madaxweyne Donald Trump oo dhoolla-caddeynaya isaga oo ay hareer taagan yihiin dhowr haween ah oo wejiyadooda la qariyay, kana taagan labada dhinacba.

Sawir kale oo dheeri ah ayaa muujinayay wax sawir-gacmeed u eg madaxweynaha oo ku yaalla baakad cas, kuna dheggan calaamad ay ku qorneyd: "Gal-caadhka Trump". Sawirrada la daabacay waxaa ka mid ahaa mid u muuqday sawir la jaray oo Amiir Andrew Mountbatten-Windsor oo ag taagan Bill Gates.

Nooca buuxa ee sawirkaas, oo laga heli karo Getty Images, wuxuu muujinayaa Boqor Charles xilligaasna ahaa Amiirka Wales oo taagan dhinaca midig ee sawirka.

Amiir Andrew Mountbatten oo uu weheliyo Bill Gates

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sida ku cad qoraalka la socday sawirka ee Getty Images, sawirka waxaa la qaaday intii lagu jiray shir lagu qabtay hareeraha Shirka Madaxda Dowladaha Commonwealth-ka, kaas oo ka dhacay London bishii Abriil 2018. La-taliyihii hore ee Madaxweyne Trump, Steve Bannon, isna wuxuu ka muuqday qaar ka mid ah sawirrada, mid ka mid ahna wuxuu muujinayaa isaga oo miis kula hadlaya Epstein, mid kalena wuxuu muujinayaa isagoo ag taagan hortiisa muraayad ah.

Sawir saddexaad ayaa muujinayay Steve Bannon oo la hadlaya filim-sameeyaha Woody Allen.

Sawir kale ayaa muujinaya Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton oo ag taagan Epstein iyo Ghislaine Maxwell, taas oo lagu xukumay sanadkii 2021 doorkii ay ku lahayd fududeynta xadgudubyadii maalqabeenka caanka ahaa. Laba qof oo kale ayaa ka muuqda sawirka, kuwaas oo BBC-du aysan weli awoodin inay aqoonsato. Sawirku wuxuu u muuqdaa mid uu saxiixay Clinton.

Bannon ayaa lagu sawiray isagoo fadhiya miis la hadlaya Epstein.

Xigashada Sawirka, House Oversight Committee

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Clinton wuxuu beeniyay wax kasta oo khalad ah oo la xidhiidha Epstein. Sannadkii 2019, afhayeen u hadlay ayaa sheegay inuu "waxba ka ogayn dambiyada argagaxa leh" ee Epstein uu qirtay.

Shakhsiyaad kale oo caan ah oo ka muuqda sawirrada waxaa ka mid ah dhaqaaleyahanka Mareykanka Larry Summers, qareenka Alan Dershowitz, iyo ganacsadaha Richard Branson. Dhammaan shakhsiyaadkan sawirrada kuma wada muuqdaan Epstein.

Epstein waxaa lagu soo oogay dacwad la xidhiidha ka ganacsiga galmada bishii Luulyo 2019, wuxuuna ku dhintay xabsi bil ka dib isaga oo sugaya maxkamad.

Trump wuxuu saaxiib la ahaa Epstein, balse wuxuu sheegay in xidhiidhkaas dhammaaday horraantii sanadihii 2000-meeyadii, sanado ka hor intaan Epstein markii ugu horreysay la xidhin. Trump isna wuu beeniyay wax kasta oo khalad ah oo la xidhiidha Epstein.

Iyadoo la raacayo "Xeerka Daahfurnaanta Faylasha Epstein," oo Trump saxiixay bishii hore, Wasaaradda Caddaaladda waxaa waajib ku ah inay sii deyso dhammaan agabka baaritaanka ee la xiriira Epstein ugu dambayn 19-ka Diseembar.