Maxay tahay badda cusub ee ka dhex sameysmeysa Ethiopia iyo Djibouti?

Harada Abe

Xigashada Sawirka, Juan Martinez

Harada Abbe waxay kutaalla dhulka fog ee u dhaxeeyo xadka Itoobiya iyo Jabuuti. Waxaa ku xeeran dhul saxare ah oo qallafsan waxayna caan ku tahay biyaheeda cusbada ah ee aan caadiga ahayn.

Harada ayaa ballaceedu dhan yahay 19km, dhererkeeduna yahay 17km, waxaana ku jira xaddi badan oo biyo milix ah oo aan la cabbin karin. Inkasta oo ay u muuqato meel bannaan, Harada Abbe waxa ay u eg tahay muuqaalka dayaxa oo leh shoogooyin waaweyn oo dhagax nuurad ah oo kor u kacaya ilaa 50m. Shucaacyadani waxay sii daayaan daruuro baaruud ah oo uumi leh, taasoo abuuraysa sawir quruxda badan.

Harada Abbe waxay cabir ahaan ku taallaa isku dhafka xadadka Soomaali, Carabian, iyo Nubian.

Dhulkan oo loo yaqaanno niyad jabka Canfarta, ayaa muhiimad gaar ah u leh Khubarada daraaseysa taariikhda nolosha Dhulka maadaama ay ku jiraan qaar ka mid ah walxihii hore ee bini'aadamka. Goobtan ayay dadka qaar u arkaan inay tahay meeshii ilbaxnimada biniaadamka ka dhalatay.

Harada Abbe xiliga habeeenki

Xigashada Sawirka, Juan Martinez

Habeenkii, Harada Abbe waxay u egtahay sida goobah lagu jiro filimada qiyaaliga ah ee loo yaqaan set-sci-fi

Marka qorraxdu dhacdo, Harada Abbe waxay isu beddeshaa jaantuska khiyaaliga ah . Guryaha ka sameysan geed timirta ayaa waxay u egyihiin adduunyo kale oo aad ayay u qurux badan yihiin marka heerkulku hoos u dhaco ee xiliyada habeenkii.

Harada Abe

Xigashada Sawirka, Juan Martinez

Badda la filayo in ay ka dilaacdo xadka Jabuuti iyo Itoobiya

Khubarada cilmiga dhulka ayaa saadaaliyay in ku dhawaad 10 milyan oo sano gudahood, goobtan loo yaqaan niyad jabka Canfartu ee kutaallo Harada Abbe uu noqon doono badweyn cusub maadaama taariikhda tectonic plates oo ah qaybaha waaweyn ee qolofka dhulka iyo go'a ugu sarreeya ay sii kala go’ayaan.

Marka uu isbeddelkan dhaco, buuraleyda dheer ee xeebta Djibouti waxaa ku soo fatahmi doona biyaha ka imanaya Badda Cas, iyaga oo u beddelaya badweyn cabbirkeedu le’eg yahay Atlantic-ga.

Rift Valley-da Bariga Afrika iyo Gacanka Cadmeed ayaa sidoo kale qeyb ka noqon doona badweyntan cusub halka Geeska Afrika uu noqonayo jasiirad.

Bulshada ku nool Harada Abbe

Mid kamid ah dadka kunool agagaarka Harada Abbe

Xigashada Sawirka, Juan Martinez

Inkasta oo ay goobtan tahay mid go’doon ah, haddana waxa jira bulshooyin ku nool, sida dadka Canfarta ah ee reer-guuraaga ah.

Dadkaan waxay ku tiirsan yihiin degsiimooyin kala firirsan waxayna goobta ka dhisteen aqallo kumeel gaar ah oo ay ka sameysan geed timireed oo ay hoy ka dhigteen si ay ugu noolaadaan deegaankan adag ee leh kheyraadka xaddidan.

Bulshadan ayaa mararka qaar ka haajirta guryahooda, iyagoo raadinaya milix ay ka ganacsadaan iyo sahayda muhiimka u ah nolasha.

Inta badan tuulooyinka goobtaas ku teedsan waxaa ka maqan adeegyada aasaasiga ah sida biyo nadiif ah iyo koronto, goordhaw ayaana la ogaaday in gobolkan fog ay dad ku nool yihiin maadaama ay adag tahay in la gaaro.

Isbedelka Cimilada

Goobtan oo hore loogu yiqiin heer kulkeeda sare, ayaa waxa soo maray cimilo aad u kulul oo ay ugu wacan tahay isbeddelka cimilada.

Harada Abbe, oo heerkulku ku dhow yahay 30 C xilliga qaboobaha iyo 45C xiliga xagaaga, waa mid ka mid ah meelaha ugu kulul addunka sanadka oo dhan.

In kasta oo ay jiraan xaalado adag qorraxduna aad u kulushahay, da'yarta Canfarta ee arijirrada, beeralayda, iyo ganacsatada ah ayaa nolol maalmeedkooda iska wata.

Nasiib darro, isbeddelka cimilada waxaa uga sii daray abaarta goobta kajirta.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo ay jiraan caqabadahaas, qaar badan oo ka mid ah dadka Canfarta ayaa doortay in ay sii joogaan degaankan ay kutaalo Harada Abbe, iyaga oo deegaameysanaya halkan si ku meel gaar ah, sidoo kalena ilaaashanaya hab-nololeedkoodii soo jireenka ahaa.

Cumar Cali oo kamid ah dadka kunool aagaasi ayaa yiri ''dadka Canfarta ah marna ma rabaan in ay ka tagaan goobtooda.''

Dalxiiska Harada Abbe

Waxaa jiro dad u soo dalxiis tago oo safarro maalinle ah kaga yimaado magaalada Jabuuti. Sidoo kale, Waxaa jiro dhawr qof oo hagayaal ah, sida hogaamiyaha Kaamka Asboley Kaamil Xasan.

Xasan ayaa inta badan nolashiisa ku qaatay Harada Abbe, wuxuuna soo arkay sida gobolku u noqday mid qalalan oo aan barwaaqo lahayn sanadihii la soo dhaafay.

Aqoonta deegaanka iyo dhaqanka ee uu u leeyahay gobolka, waxa uu hadda isku dayayaa in uu dalxiiska ubedello qaab qaab kale oo ay ku badbaadaan dadka Canfarta ah ee halkaas kunool.