Maxay tahay cabsida Mareykanka laga qabo ee saameysay gargaarka Soomaaliya?

Surer Salaad Faarax, oo 45 jir ah waxay xoolaheeda ku dhammaadeen abaarta

Xigashada Sawirka, SOPA Images

Qoraalka sawirka, Surer Salaad Faarax, oo 45 jir ah waxay xoolaheeda ku dhammaadeen abaarta

Ku dhawaad siddeed milyan oo qof ayaa baahi aad u daran ku wajahaya Soomaaliya, dad ka badan 213,000 oo qofna “waxay halis ugu jiraan inay si degdeg ah u dhintaan” kaddib markii la waayay roobabkii la filayay afar xilli, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Sidaas awgeed, waxay ahayd in ay wax lagu farxo noqoto mar haddii laga gudbayo gaabiskii uu ku billowday gurmadka, haddana la helay wax ka badan boqolkiiba 70 lacagtii ay Qaramada Midoobay u qorsheysay in lagu bixiyo gargaarka, oo ah 1.46 bilyan oo doollar.

Mid ka mid ah hay’adaha samafalka ee ugu waaweyn ee ku sugan Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegtay in ay arurisay lacag ka badan tiradii ay dooneysay.

Balse, weli dadka sida aadka ah u baahan looma geyn karo raashin, biyo ama lacag toona. Sababtuna, sida uu sheegay sarkaal sare oo waliil ah oo codsaday in magaciisa la qariyo, waa sharciga la dagaallanka argagixisada ee Mareykanka oo hor taagan howsha.

Hay’adaha lacagta ka hela Mareykanka ayay waajib ku tahay in ay gargaarkooda ka ilaaliyaan inuu gacanta u galo “kooxaha argagixisada ah” – meelo badan oo koonfurta Soomaaliya ahna waxaa gacanta ku heysa Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacidda, taas oo Mareykanka iyo UK labaduba ay u aqoonsan yihiin in ay tahay urur argagixiso ah.

“Xitaa hal tallaabo ma qaadi karno,” ayuu BBC-da ku yiri sarkaal ka tirsan hay’ad kale oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee samafalka, kaasoo isaga xitaa qariyay aqoonsigiisa.

Kow iyo toban sano ka hor, ku dhawaad 260,000 oo qof ayaa u dhintay gaajo iyo macluul ku heshay deegaannada ay maamusho Al-Shabaab.

Malaayiin xoolo ah ayaa ku baaba'ay Soomaaliya

Xigashada Sawirka, SOPA IMAGES

Dowladda Mareykanku waxa ay sheegtay in ay aqoonsan tahay, kana war-qabto “xaaladda bani’aadannimo ee aadka u daran” ee ka jirta Soomaaliya, waxa ayna ku adkeysaneysaa in shuruucdeeda la-dagaallanka argagixisada aysan saameyn ku yeelaneyn dadaallada gurmadka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxa ay intaas ku dartay inay si gaar ah isha ugu heyso saameynta ka dhalaneysa cunaqabateynta, waxa ayna hay’adaha gargaarka kula talineysaa inay la xiriiraan mas’uuliyiinta Mareykanka haddii ay u baahdaan in laga caawiyo xaaladaha adag.

Balse, ballan-qaadkaas kuma filna labada hay’adood ee la hadlay BBC-da.

Inkastoo ay gaareen goobaha ay dowladda Soomaaliya gacanta ku heyso, waxa ay sheegayaan in gurmadka aan weli la geyn meelaha ay ka taliso Al-Shabaab, oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 900,000 oo qof, sida ay qiyaastay Qaramada Midoobay.

Meelahaas qaar waa kuwa ay abaarta ugu xun ku dhufatay, halistana ugu jira inay macluul ka dhacdo.

Hay’adda gargaarka ee heysa lacag ka badan dhaqaalihii ay rabtay ayaa sheegtay in gargaarka xaddidan ee Soomaaliya loo fasaxay hadda ka hor “maaddaama aysan markaas heyn lacag ay si buuxda ugu fuliyaan gargaarka loo baahan yahay”.

Balse hadda, “su’aalo qallafsan” ayaa la weydiiyay, kuwaasoo ku saabsan sababta loo fulin waayay howl badan.

Al-Shabaab waxa ay si joogto ah u fulisaa weerarro ka dhaca Soomaaliya, waxa ayna caqabad weyn ku tahay howlaha gurmadka bani’aadannimada.

Intii ay socotay abaartii 2011, Qaramada Midoobay waxa ay soo saartay warbixin ay ku sheegtay in mas’uuliyiinta Al-Shabaab ay lacag dhan tobannaan kun oo doollar ka qaadayeen hay’adaha gargaarka si ay u gaaraan meelaha ay gacanta ku hayaan. Kooxda ayaa xilligaas mamnuucday hay’adaha qaar, iyadoo raashinka iyo daawada joojisay qaar ka tirsanaa shaqaalaha gurmadkana dishay.

bbc
Sicirbarar xad dhaaf ah ayaa ka jira guud ahaan Soomaaliya

Xigashada Sawirka, SOPA IMAGES

Horraantii bishan Sebteembar, weerar ay Al-Shabaab la beegsatay gawaari gargaar siday oo marayay bartamaha Soomaaliya ayay ku dishay 20 qof, halka raashin badan oo gargaar ahna la burburiyay.

Kooxda ayaa sheegtay in ay beegsaneysay ciidanka dowladda iyo kooxaha hubeysan ee taageersan dowladda.

Balse, iyadoo ay halistaas jirto, mid ka mid ah saraakiisha hay’adaha samafalka ayaa sheegay in ay ku khasban yihiin wadahadal iyo heshiis inay la galaan Al-Shabaab – iyagoo aan ka baqeyn dacwad looga soo oogo Mareykanka – si ay ugu gurmadaan dadka qarka u saaran in macluusha ay u geeriyoodaan.

Muxuu dhigayaa sharciga Mareykanka?

In hay’ad gargaar oo dhaqaale ka hesha Mareykanka ay wadahadal la gasho Al-Shabaab mamnuuc ma aha – balse in lacag la kala wareejisto waa arrin kale.

Labo sharci oo Mareykanka u yaalla ayaa mamnuucaya in lacag la siiyo Al-Shabaab.

  • Cunaqabateyn ay soo rogtay wasaaradda maaliyadda
  • Sharci dambi ka dhigaya in “taageero farsamo ama dhaqaale” la siiyo koox “argagixiso ah”, oo ku jirta liiska waaxda caddaaladda.

Labada sharciba waxa ay saameynayaan hay’adaha gargaarka, sababtoo ah Al-Shabaab waxay lacag ku qaadataa jid-gooyooyin ay sameysatay, lacag kale oo aad u badanna waxay ku qaadataa nidaam “canshuur ah” oo beddelkiisa ay ku oggolaaneyso in loo gudbo meelaha ay maashusho.

Sanadkii 2011, markii macluul looga dhawaaqay Soomaaliya kaddib un buu Mareykanku qeyb ahaan u qaaday cunaqabateynta, si loo fududeeyo dadaallada gargaarka bani’aadannimo.

Saraakiisha waaxda maaliyadda ayaa soo saaray habraacyo, iyagoo sheegay in raashin iyo daawo “si aan ku talagal ahayn” u galay gacanta Al-Shabaab aan loo “cuskan doonin” fulinta cunaqabateynta.

Waxaa kale oo aan lala beegsan cunaqabateynta lacagta “si aan ku talagal ahayn” u gashay gacanta kooxdaas – marba haddii aysan hay’aduhu ka warqabin inay lacagaha siinayaan xubno ka tirsan kooxda mintidiinta ah.

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Reuters

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in bixinta “canshuur” la siiyo Al-Shabaab ay si buuxda u mamnuuceen.

Habraacyada waaxda maaliyadda Mareykanka ayaa faraya kooxaha fulinaya gurmadka bani’aadannimo inay la xiriiraan saraakiisha cunaqabateynta haddii ay la kulmaan dalabyada noocaas ah.

Arrinta ku saabsan mamnuucidda in “taageerada qalabka” la siiyo Al-Shabaab weli qeyb ayay ka tahay cunaqabateynta – wax laga beddelayna ma jiro.

Labada nooc ee sharciga Mareykanka ah waxay madax xanuun ku yihiin ururrada gargaarka, maaddaama ay ciqaab sugeyso cid walba oo jebisa shuruucdaas – sida ganaax lacageed oo ka billowda hal milyan oo doollar ilaa 20 sano oo xarig ah.

Hay’adda gargaarka u qaabilsan dowladda Mareykanka ee USAid – oo bixisa qeyb weyn oo ka mid ah dhaqaalaha lagu kaalmeeyo Soomaaliya – ayaa sheegtay in xukuumadda Washington ay tan iyo 2011-kii Qaramada Midoobay kala shaqeyneysay sidii loo xaqiijin lahaa in cunaqabateynadu aysan wax u dhimin shaqada gargaarka.

Hase yeeshee, taas ma caawin saraakiisha howlaha bani’aadannimo ee la hadlay BBC-da.

Waxa ay codsadeen in si guud fasax looga siiyo shuruucda, si ay shaqaalaha gargaarka kalsooni ugu helaan fulinta shaqada khatarta badan, balse muhiimka ah.

Maxaa dhacaya haddii ay Al-Shabaab hesho lacagta gargaarka ah?

Al-Shabaab horayba waxay u aheyd koox si buuxda u maamusha qeybo badan oo Soomaaliya ah, sida uu sheegay Nisar Majid, oo ka howlgala Jaamacadda Tufts, qeybna ka qoray buug ku saabsan macluushii 2011.

Waa koox “uga sii fiican” dowladda dhexe dhinaca canshuur ka qaadista dadweynaha ku nool deegaannada ay maamusho iyo xarumaha ganacsi. Waa koox leh nidaam adag – oo gacan bir ah leh – oo caddaaladeed, sida uu sheegay.

“Sanado badan, ururrada caalamiga ah waxay dareemayeen in ay sharci tahay, balse ay cadaadis weyn ku dareemayaan in aysan la macaamilin – si ay uga fogaadaan in laga arko warbaahinta, loona maleeyo inay taageerayaan argagixiso,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Laakiin, ma cadda in Al-Shabaab ay wax badan ku gaareyso faa’iido ay ka heshay lacagta gargaarka ah, sida uu sheegay Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ah barfasoor maaddada juqraafiga ka dhiga Jaamacadda Minnesota, ahna xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Al-Shabaab

Xigashada Sawirka, AFP

Warbixin ay 2013-kii soo saartay Hay’adda Nidaamka Bani’aadannimada (Humanitarian Policy Group) ayaa lagu sheegay in lacagta ay bixiyaan hay’adaha gargaarka ay tahay “qeyb yar oo ka mid ah hannaanka ballaaran ee canshuur qaadista” ay sameyso Al-Shabaab, kooxdanina waxay “heysataa ilo kale oo badan oo uu dhaqaale kasoo galo”.

Hase ahaatee, waxa ay warbixintu intaas ku dartay in wadarta lacagaha gargaarka ah ee laga qaado hay’ad kasta oo ka shaqeysa howlaha bani’aadannimada ay iyada xitaa tahay il kale oo dhaqaale.

Mareykanka ayaa aaminsan in shuruucdiisa ay adkeynayaan in “argagixisada” la maalgeliyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dagaal “loo dhan yahay” oo ka dhan ah kooxaha mintidiinta ah, waxa ayna aaminsan tahay in mid ka mid ah waxyaabaha fududeyn kara burburintooda ay tahay in laga xiro ilaha uu dhaqaalaha kasoo galo.

Si kastaba ha ahaatee, Barfasoor Samatar ayaa yiri: “In la fududeeyo shuruucda ay ku dhaqmayaan hay’adaha gargaarka iyo in dadka qurbajoogta ah ay lacag u soo diraan eheladooda ayaa wax badan tari karta.”

Hadda oo la filayo in xilli-roobaadkii shanaad oo xiriir ah uu roob di’i waayo, cunto-la’aanna ay jirto, baahida dadku way sii kordheysaa.

Gargaar dheeri ah ayaa loo baahnaan doonaa in dadka la gaarsiiyo.

“Waxaan u baahan nahay inaan dhimashada ka badbaadinno dadka ka hor inta aan laga xoreyn Al.-Shabaab,” ayuu yiri Barfasoor Samatar.

“In lala dagaallamo argagixisada waa mashruuc waqti dheer leh, balse badbaadinta nolosha dadka gaajada u geeriyoon raba ayaa ah mashruuc mudan dedejin.”