You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Yuu u dhashay, yuuse u dhalan sannadka 2024, maxayse tahay sababtu
Sannadka cusub ee 2024-ka ayaa dhowaan u dhashay dad badan oo dunida ku nool, hase yeeshee qaar kale ayaan weli gaarin, halka kuwa kalana ay dhaafeen. Xaqiiqadu waxa ay tahay in aan galnay 2024 sida uu sheegayo kal tirsiga ama kalandarka miilaadiga.
Dad badan ayaa u dabbaaldegaya dhalashada sanad kasta oo cusub, laakiin qaybo badan oo dunida ka mid ah waxaa laga isticmaalaa sannado kala duwan.
Kaltirsiga ama Kalandarka Gregorian oo laga aqbalay waddamo badan, waxa uu raacayaa wareegga qorraxda, waxaa aasaasay Pope Gregory 13-1582-dii.
Waqtigaas waddamo badan oo Masiixiyiin ah ayaa u dabaaldegay sanadka cusub, Maarso 25, laakiin Pope Gregory ayaa aasaasay 1-da Janaayo, si ay u noqoto billowga rasmiga ah ee sanadka cusub.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira kaltirsiyo kale oo laga isticmaalo adduunka.
Kaltirsiga Islaamka
Marka loo eego kalandarka Islaamka ama Hijriyada, waxaynu ku jirnaa sannadkii 1445-kii oo bilaabmay taariikh miilaadi ahaan Agoosto.
Kalandarka Islaamku waxa uu bilaabmayaa markii Nebi Muxamed NNKH, uu isaga tagay magaalada Makka una haajiray Madiina.
Inkasta oo dadku ay u dabaaldegaan sanadka cusub ee Islaamka, haddana dalal badan oo Islaam ah ama dalalka carabtu, waxa ay inta badan ku dhaqmaan miilaadiga, marka ay noqoto sida ay u socoto nolosha caadiga ah.
Kaltirsiga Yuhuudda
Sida uu dhigayo kalandarka taariikhda Yuhuudda, waxa uu muujinayaa in la marayo sanadka 5784-ta. Sannadka cusub waxaa la dabaaldegaa dhammaadka Sebtembar.
Kalandarka Lunisolar, waxa uu ku salaysan yahay wareegga qorraxda iyo dayaxa. Waa caado Yuhuudu leedahay in sanadka cusub miro lagu daro malab. Laakin sidoo kale waa xilliga towbad keenka iyo ka fiirsashada sida ay rumeysan yihiin.
Mid ka mid ah caadooyinka, oo loo yaqaan Tashlich, waxay ay sameeyaan in ay qaybo rooti ah ku tuuraan biyaha qulqulaya si ay u muujiyaan nadiifinta dembiyada.
Kaltirsiga Shiinaha
Sida kalandarka Yuhuudda, kalandarka dhaqanka Shiinaha sidoo kale waa wareegga qorraxda. Sannadka cusub ee Shiinuhuna, waxa uu ku dhacaa taariikh ka duwan sannad kasta.
Sannadka 2024, tusaale ahaan, waxa la xusi doonaa 10-ka Febraayo. Sannad kasta waxa uu leeyahay magaca mid ka mid ah 12 xayawaan oo astaan u ah Shiinaha. Rinjiyeynta ayaa door muhiim ah ka ciyaarta dhaqanka Shiinaha.
Sannadka soo socda waxa uu noqon doonaa sanad astaan u ah xayawaanka loo yaqaanno Dargon-ka. Sannadka Cusub ee Shiinaha waxa kale oo loo yaqaan Bandhigga Guga. Waxaa jira fasax dheer oo toddobaad ah oo soo bilowday wakhti hore.
Kaltirsiga Kuuriyada Koonfureed
Sannadka cusub ee dayaxa ayaa laga xusaa wadamo badan oo Aasiya ku yaalla, sida Kuuriyada Koonfureed. Dadka Kuuriyada Koonfureed ayaa u dabbaaldegaya sanadka cusub laba jeer.
Maalinta koowaad ee kalandarka dhaqameed ee Kuuriya waxaa loo yaqaan Seollal. Sida Shiinaha, waa mid ka mid ah ciidaha ugu waaweyn sannadka waxaana loo dabaaldegaa 10-ka Febraayo.
Hase yeeshee taa beddelkeeda, Koonfurta Kuuriya waxay sidoo kale dabaaldegaan 1-da Janaayo, oo ah sannadka cusub marka loo eego kalandarka Gregorian-ka, kaas oo lagu soo bandhigay Kuuriya dhamaadkii qarnigii 19-aad.
Faarsiyiinta
Iraaniyiinta, waxa ay ku jiraan sannadka 1402-da. Sannadka cusub ee Beershiya waxaa loo dabaaldegaa maalinta ugu horreysa ee xilliga, marka iftiinka qorraxdu uu soo maro bartamaha, samaynta habeen iyo maalinba dherer siman (12 saacadood midkiiba).
Kalandarkani waxa uu ku salaysan yahay wareegga dhulka ee qorraxda. Sannadka Cusub ama Nowruz, oo macnaheedu yahay maalin cusub ee Faaris ah, badanaa waxa ay ku beegan tahay 20-ka Maarso.
Nowruz waxaa loo dabaaldegay in ka badan 3 kun oo sano, ma aha oo kaliya Iiraaniyiinta, laakiin sidoo kale bulshooyinka kale.
Markay damaashaadayaan waxay dhallinyaradu booqdaan dadka waaweyn ee odayaasha reerka si ay u salaamaan uguna muujiyaan ixtiraam.
Hindiya
Hindiya, sannado badan oo cusub ayaa ka jira. Hinduuga qaybaha kala duwan ee dalka waxay u dabaaldegaan sanadka cusub si waafaqsan jadwal u gaar ah, kaas oo laga yaabo inuu raaco wareegyada qorraxda, dayaxa ama labadaba.
Sannadka cusub ee Tamil, oo inta badan looga dabaaldego gobolka Tamil Nadu ee koonfurta Hindiya, badanaa waa Abriil 14-keeda.
Waxayna inta badan ku dhow dahay ama isla taariikhda sanadka cusub ee dadka Bengali, Burmese-ga iyo Sinhala. Kalandarka caadiga ah ee Tamil wuxuu ka kooban yahay wareegyada 60-sano.