Dhegeyso: Heshiiska Soomaaliya iyo Tanzania, maxay labada dal kala faa'iidayaan?
Dhegeyso: Heshiiska Soomaaliya iyo Tanzania, maxay labada dal kala faa'iidayaan?
Dalalka Soomaaliya iyo Tanzania ayaa dhawaan kala saxiixday heshiis dhinacyo badan leh, waxaana ka mid ahaa arrimaha dalxiiska.
Sidoo kale waxaa heshiiska ku jira duullimaadyo toos ah oo isku xiraya labada dal kuwaasoo ay shirkadda Tanzania Air ku tegeyso Soomaaliya.
Yaasir Maxamed Baafo oo ah la taliyaha arrimaha dalxiiska ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee Soomaaliya ayaa faahfaahinta heshiiska uga warramay BBC.


