Sida qaladka ah ee aan maalin walba u cadeysanno

Inaad si fiican u cadeyso ilkahaaga waxay kuu suurtagelinaysaa inaad yarayso khatarta aad ugu jirto cudurrada ku dhaca cirridka iyo suuska ilkaha.

Waxaa kale oo wanaajinta habka cadayga ay kaa caawinaysaa in uusan wax isbeddel ah ku imaan caafimaadka ilkahaaga.

Balse inteenna badan si sax ah uma cadaysanno. Waxaan qaladaad ku samaynaa habka cadaysiga.

Qof walba oo naga mid ah muddo dheer ayuu ilkihiisa soo nadiifin jiray, si maalinle ah, ama dhowr jeer maalintiiba, balse waxay u muuqataa inaan ku qaldannahay waxyaabo badan.

Dalka Sweden, daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in tobankii qofba hal qof oo ka mid ah oo keliya uu sida ugu habboon u cadaysto.

Shirkadda caymiska caafimaadka ee Britain, Bupa, ayaa iyadana ogaatay in ku dhowaad kalabar ka mid ah dadka ay u kuurgashay arrimahooda aysan ogayn sida saxda ah ee loo cadaysto ilkaha.

Xogtan waxaa lagu ogaaday cilmi-baaris lagu sameeyay 2,000 oo qof oo reer UK ah.

"Waxay aad ugu badan tahay in qof walba oo aan talo ka qaadan dhaqtarkiisa ilkaha ama khubarrada nadaafadda uu u cadaysto si qaldan," ayay tiri Josefine Hirschfeld oo ah khabiir cilmiga ilkaha ku takhasustay oo ka howlgasha Jaamacadda Birmingham ee dalka UK.

"Anigoo khibraddeyda kaashanaya, dadka aan sida habboon u cadaysan waa kuwa ugu badan dal walba," ayay sii raacisay.

Waxaa suuragal ah in arrintani aysan noqon mid lama filaan ah ama lala yaabo maaddaama uu jiro macluumaad aad u badan oo ku saabsan sida aad u cadaysan karto.

Hal daraasad ayaa lagu ogaaday in ay jiraan ugu yaraan 66 talo, oo qaarkood iska hor imaanaya, oo ku saabsan habka loo nadiifiyo ilkaha.

"Waxay ila tahay in macluumaadkaas ay jahawareerinayaan dadka u baahan," ayuu yiri Nigel Carter, oo ah madaxa Hay'adda Caafimaadka Afka ee UK.

Xogaha jahawareerka abuura ayaa la socda qalabka loogu talagalay iibka ee loo adeegsado nadaafadda ilkaha, laga billaabo kuwa carrabka lagu xoqo ilaa kuwa ilkaha iyo cirridka gaarka u ah.

Hadda muxuu yahay qaladka aan samayno, sideense u beddeli karnaa habka aan u cadaysanno, si uu u noqdo mid sax ah?

Waa kee qaabka ugu habboon?

"Inta badan dadku waxay fahamsan yihiin in waxa ay u baahan yihiin oo dhan uu yahay inay ugu horrayn iska bixiyaan haraadiga raashinka," ayay tiri Hirschfeld.

"Taas waxaa run ka ah qayb keliya. Waxaa aad u sii muhiimsan in la bixiyo bakteeriyada ku dhex jirta ilkaha."

"Ku fikir inaad cadayga ugu talagashay meesha ay iska qabtaan ilkaha iyo cirridka, halkii aad diiradda saari lahayd ilkaha korkooda. Markaas ilkaha cadayga ayaa iskiis u gaaraya," ayay tiri Josefine Hirschfeld.

Bakteeriyada iyo wasakh kale oo ili-ma-qabato ah ayaa ku koraya qof walba afkiisa, kaddibna waxay samaynayaan lakabyo wasakh ah oo isku dheggen.

Lakabyadaas waxay ka samaysan yihiin qiyaastii 700 oo nooc oo bekteeriyo kala duwan ah, waana tirada labaad ee ugu badan ee ku samaysanta jirka bani'aadamka marka laga soo tago tan koowaad oo ah caloosha dhexdeeda.

Bekteeriyada ayaa durbadiiba abuuraysa fayras ku dhex noolaanaya ilkaha

"Waxay ku noolaanayaan gudaha wasakhda ku dheggan ilkaha iyo unugyada jilicsan," ayay tiri Hirschfeld. "Wasakhdan koollada ah biyo waxba kama tarayaan, waxay u baahan tahay in si toos ah loo fujiyo," ayay intaas ku sii dartay.

Sida ugu muhiimsan ee lagu soo saari karo ma aha in iligga la xoqo balse waa in laga saaro meesha uu cirridka ka qabto ilkaha.

Talada ugu fiican waa inaad maalintii labo jeer cadaysato, adigoo halkii marba ku mashquulsanaanaya ugu yaraan labo daqiiqo.