Suurtagal ma tahay in Isbahaysi milatari ay sameystaan dalalka Carabta iyo Israa'iil?

Wargaysyada Carabta ayaa siyaabo kala duwan uga faalloonaya warka isa soo taraya ee la xiriira soo jeedinta in la sameeyo "Carab Nato" ama "Naatada Bariga Dhexe" ka hor booqashada la filayo in madaxweynaha Mareykanka uu ku tago bartamaha bisha soo socota dalka boqortooyada Sacuudiga. Waxaa la filayaa in kulankaas ay ka qayb galaan qaar ka tirsan madaxda gobolka.

Warbaahinta Carabta qaar ayaa xaqiijiyay in fikradda ah isbahaysi milatari oo ka abuurma Bariga Dhexe ay gabi ahaanba fashilantay, iyadoo loo tiirinayo isbahaysiyo la sameeyay tobannaankii sano ee la soo dhaafay, laga soo billaabo heshiiskii Baqdaad ee qarnigii la soo dhaafay oo dhamaantood aan hirgalin.

Qaar kale waxay aaminsan yihiin in fikradda aasaasidda isbahaysigan oo kale ay ku jihaysan tahay Iran, iyadoo isku-dhafka Israa'iil iyo dalalka Carabta ay noqonayso cudud militari oo gobolka ka jirta. Waxay ka digayaan in ay tani wiiqi doonto qaddiyadda Falastiin oo hal dhinac ah, isla markaana ay kordhin doonto kala qaybsanaanta gobolka.

Qolo saddexaad ayaa aaminsan in abuurista isbaheysi ka dhan ah Iran ay hadda tahay arrin aanay su'aali ka taagneyn, iyagoo tusaale u soo qaatay kaalinta Ciraaq ay ku leedahay isu soo dhoweynta Sacuudiga iyo Iran, iyadoo la eegayo wararka sheegaya inuu soo laabanayo xiriirkii ka dhexeeyay Riyadh iyo Tehran.

Dhamaantood fashil ayay ku idlaadeen

Xasan Abuu Haniyeh wuxuu wargeyska Carab 21 ku qoray doodda sii kordheysa ee ku saabsan "arrinta isbahaysiga milatari ee Bariga Dhexe (oo Israa'iil ay qayb ka tahay)", isagoo soo qaadanaya kaalinta dhibaatada ka dhalatay NATO ee u dhaxaysa Ruushka iyo Ukraine.

Abuu Haniyeh ayaa yiri: "Booqashada la filayo in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku tago Bariga Dhexe bisha soo socota waxay soo nooleysay fikradda ah in isbaheysi militari laga sameeyo gobolka".

Boqorka Jordan Cabdallah II, ayaa dhowaan u sheegay telefishinka laga leeyahay dalka Maraykanka ee CNBC, in uu taageeri doono samaynta isbahaysiga milatari ee Bariga Dhexe oo la mid ah NATO. Wuxuu xusay in tallaabadan ay qaadi karaan waddamada ay isku fikirka yihiin.

Qoraagu wuxuu ku soo gabagabeeyey in "fikirka ah samaynta isbahaysi milatari oo Bariga Dhexe ah oo ay Israa'iil qayb ka tahay ay ka soo bixi karto dowladaha Carabta oo ka baqaya awoodda sii kordheysa ee Iran iyo soo noqoshada dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Islaamka, iyo cabsida ay ka qabaan cawaaqibka Dagaalka Ruushka iyo Ukarine".

Abuu Haniyeh wuxuu yiri, "Laakiin taariikhda gobolku waxa ay muujinaysaa fashilka ku yimid dhammaan isku dayadii lagu doonayay in lagu sameeyo isbahaysi milatari oo Carbeed ee waqtiyo hore, oo ay ugu horreyso fashilka isku daygii Maraykanka ee ahaa in la sameeyo 'Axdiga Baqdaad' qarnigii tagay, iyo fashilka isku daygii maamulka Obama iyo madaxweyne Trump, taas oo ah waxa uu madaxweyne Biden ku fashilmi doono."

Cabdullah Al-Shayji, oo ka howlgala wargeyska Al-Qudus Al-Carabi ee ka soo baxa magaalada London, ayaa ra'yigiisa ka dhiibtay arrintan. Wuxuu yiri "dhammaan hindiseyaashii isbahaysiga amniga iyo gaashaandhigga ee Bariga Dhexe ay ku dhammaadeen guuldarro. Ku daridda Israa'iil awgeed, arrimuhu aad bay u sii cakirmayaan."

Qoraagu wuxuu intaas ku daray: "Sidoo kale ma jiro heshiis Khaliijka iyo Carabta ah oo ku saabsan iskaashiga amniga iyo militariga ee Israa'iil ama ka hortagga iyo beegsiga Iran."

Muxammad Abuo Rummaan ayaa isaguna ku qoray wargeyska Al-Araby Al-Jadeed ee fadhigiisu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, "qarsoodi kuma ahan siyaasiyiinta in fikradda ka dambeysa mashruucan ay tahay in la wajaho Iran iyadoo lala midoobayo Israa'iil oo ah cudud ciidan oo la mid ah dalalka kale ee Carabta".

Qoraagu waxa uu intaa ku daray in arrintan "ay leedahay labo cawaaqib oo waaweyn: midda koowaad, xoojinta mashruuca Israa'iil iyadoo la wiiqayo muhiimadda ay leedahay arrinta Falastiiniyiinta oo xuddun u ah gobolka. Midda labaad, xoojinta xaaladda kala qaybinta gobolka oo ku salaysan mad-hab diimeed, tanina waa arrin khatar ah oo dhammaan Shiicada Carabta ah ee Ciraaq iyo Suuriya waxaa saameyn ku leh Iran marka ay timaado dhanka xuduudaha.

"Ma jiro heshiis Carbeed oo dhab ah"

Kamaal Khalaf ayaa wargeyska Rai Al-Youm ee ka soo baxa magaalada London ku beeniyay in NATO ay tahay mid ka dhan ah Iran, isagoo tusaale u soo qaatay booqashadii Raysul wasaaraha Ciraaq uu dhowaan ku tagay Sacuudiga iyo Iran, booqashadaas oo ay warbaahintu u aragtay mid lagu soo celinayo xiriirka ka dhexeeya laba dal.

Khalaf wuxuu yiri, "Waxay u badan tahay, Al-Kadimi inuu wato qorshe cusub si uu u jabiyo rikoor cusub oo wadahadallada ah, haddii uu hadafka Al-Kadimi guulaysto, tallaabada ugu horreysa ee guushani waa soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal."

Qoraagu wuxuu aaminsan yahay "in ay tani horseedayso xaqiiqda ah in ka hadlida xiriirka 'Carabta-iyo-Israa'iil' ee ka soo horjeeda Iran ay tahay mid aanay su'aali ka taagneyn, oo aan la rumaysan karin, tusaale ahaan, Masar waxay la gashay isbahaysi milatari oo ka dhan ah Iran. Annaga oo ku celcelinayna in hadafka Carabta loogu soo dhawaynayo Israa'iil oo lagu dhex-gelinayo gobolka uu weli yahay hadaf uu Maraykan ka dambeeyo oo lagu dhawaaqay".

Khalaf ayaa intaa raaciyay: "Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in isfahamka Iran iyo Sucuudiga uu saameyn wanaagsan ku yeelan doono gobolka oo dhan."

Emad El-Din Xuseen, oo ah tifaftiraha guud ee wargeyska Masar Al-Shorouk, ayaa sheegay in dalabka ugu weyn ee hoggaamiyeyaasha Golaha Iskaashiga Khaliijka ee shirweynaha soo socda "uu noqon doono dalabka Joe Biden ee ah natiijada ugu dambeysa ee cusub, kuna saabsan heshiiska nukliyeerka ee Iran iyo Reer Galbeedka oo micnaheedu uu yahay in aan gobolka loo weecin."

Xuseen wuxuu aaminsan yahay in "Waddamada Carabta ay uga baahan yihiin Mareykanka inuu cadaadis saaro Israa'iil si loo gaaro xal caddaalad ah ama xitaa dhexdhexaad ah oo ku saabsan arrinta Falastiin."