You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay u baahan yihiin ciidamada Soomaaliya si ay amniga ula wareegaan?
Sanadka 2024 ayaa la filayaa in ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ay ka baxaan Soomaaliya, taasoo ka dhigan in ciidanka Soomaaliya ay qaadan doonaan mas'uuliyadda sugidda amniga.
Hase yeeshee lama oga in ay awood buuxda u yeelan doonaan la wareegidda amniga iyo in kale.
Dadka wax falanqeeya ayaa aaminsan in ay weli jiraan baahiyo ay qabaan militeriga Soomaaliya.
Maxaa ka mid ah baahiyaha ciidanka Soomaaliya?
Dr Cali Sheekh Axmed Dhagaweyne oo ku takhasusay arrimaha Amniga iyo Militeriga ayaa BBC-da u sheegay in waxyaabaha ka dhiman ciidamada Soomaaliya ay ka mid tahay miisaaniyad ay iskood u maareeyaan.
"Waxyaabaha ay hadda ciidanka Soomaaliya howsha ula wareegi la' yihiin waxaa ka mid ah in aysan lahayn [miisaaniyad] ay u madax bannaan yihiin, waa loo maamulaa dhaqaalaha, tayada ciidankana waxaa la yiraahdaa waxay ku xiran tahay ilo dhaqaale, marka waxay ku tiirsan yihiin gacan kale," ayuu yiri.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in taasi ay keeneyso dib u dhac isugu jira dhaqdhaqaaqa iyo fulinta howlgallada.
"Haddii ay rabaan in ay tallaabo deg deg ah qaadaan waxay mar walba u baahan yihiin ansixin iyo in loo oggolaado miisaaniyad, marxalado kala duwanna uu maro, ciidankana waxaa la rabaa inuu heli karo dhaqaale had iyo jeer heegan ah."
Dhanka kale, Dr Cali ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada Soomaaliya aysan lahayn tayadii loo baahnaa, taasoo uu sabab uga dhigay nooca tababarrada ay qaataan.
"Ciidamada Soomaaliya inta badan waxaa tababara waddamada deriska ah, dunidana waxaa ka jirta qaacido ku saleysan xaqiiqada siyaasadda oo ah in adduunka uu fowdo yahay oo ninka xoogga badan uu xukumayo, marka taas waxay sababeysaa in waddan kasta uusan rabin inuu dal deris la ah ciidankiisa tayo u yeelo," ayuu yiri.
Soomaaliya waxay inta badan ku tiirsan tahay dhaqaalaha ay ka hesho dalalka shisheeye sida Midowga Yurub, Mareykanka, Imaaraatka , Qatar iyo dalalke, dhaqaalahanna waxaa qeyb ka ah midka lagu dhisayo ciidanka.
Tusaale ahaan horraantii bishan Midowga Yurub wuxuu ciidanka Soomaaliya ugu deeqay €25 million oo Euro.
Mid ka mid ah caqabadaha kale ee ciidanka heysta waxaa ka mid ah in dalku uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha loogu deeqo, sida uu qabo Axmed Cabdullaahi Kaboole, oo ah falanqeeye dhanka amniga.
"Soomaaliya in muddo ah dhaqaale waxay ka heleysaa waddamada shisheeye ee arrimaha Soomaaliya daneeya, dhaqaalahaas waxaa laga yaabaa in dowladda ku dhaqdhaqaaqdo maadama uusan dhaqaale badan dalka laheyn, taa baddalkeeda Soomaaliya waxay u baahan tahay dhaqaale ay ku maareyso arrimahaeeda guadaha" ayuu yiri.
Waxa uu intaas raacay in saameyn weyn ay ka dhalan karto in waddan uu ku tiirsanaado dhaqaaaha dibadda laga siiyo.
"Ciidamadii Soomaaliya inay mushaar ka sugaan dalal kale runtii waa wax aan fiicneyn waxay keeneysaa in dalka uusan lugihiisa ku istaagin."
Dalalka tababara ciidanka Soomaaliya
Midowga Yurub ayaa warbixin uu dhawaan soo saaray ku sheegay in guulo badan laga gaaray howlgallo tababarro ah oo ay ciidanka Soomaaliya u sameynayeen muddo ka badan toban sano.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in "labo iyo tobankii sano ee ee ugu dambeeyay uu Midowga Yurub diiradda saarayay tababarrada adag ee cutubyada kala duwan ee militeriga iyo sidoo kale qalabeynta ciidamada".
Waxyaabaha ay sida gaarka ah diiradda u saarayeen ayey ku sheegeen in ay ahaayeen tababarro la siinayo taliiyeyaasha guutooyinka, baridda xeelado ku saabsan qorsheynta howlagallada guutooyinka iyo dardar gelinta shaqada taliyeyaasha cutubyada.
Ilaa 50 sarkaal oo ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa dhawaan loo gabogabeeyay tababar loogu magac daray "Wadajir", sida lagu sheegay warbixinta.
Midowga Yurub ayaa ka mid ah dadlka Soomaaliya ka caawiya sidii ay ciidankeeda awood ugu yeelan lahaayeen la wareeggidda amniga.
Waxaa jira dhowr dal oo dowladda Soomaaliya garab ku siiya dib u dhiska ciidanka qaranka, kuwaasoo tababarro kala duwan u sameeya ciidanka.
Waddamadan qaarkood ayaa saldhigyo militeri ku leh gudaha Soomaaliya.
Turkiga
Ciidanka Haramacad oo katirsan booliska Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa la asaasay markii uu xukunka qabtay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana ciidan si gaar ah loogu tababaray ka hortagga rabshadaha iyo dagaallada ka dhaca magaalooyinka.
Ciidankan oo tiro ahaan lagu qiyaasay kun askari ayaa waxaa tababaray dowladda Turkiga oo gudaha dalkeeda u qaada, halka qaarna ay tababarka ku qaataan xerada TurkiSom ee Muqdisho.
Dhanka kale, dawladda Turkiga ayaa Soomaaliya u tababarta ciidmada kumaandooska Gorgor ee Soomaaliya.
Mareykanka
Ciidanka Danab waxay si toos ah u hoos tagaan Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Soomaaliya, waxayna si gaar ah ula shaqeeyaan ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya.
Hubka ay hesytaan waxaa siiya dowladda Mareykanka, waxaana sidoo kale mushaarkooda bixiya Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka, inkastoo khubarro arrimaha militariga ku xeel dheer oo aan la hadalnay ay aaminsan yihiin in dowladda Federaalka ay wax ku biiriso daryeelkooda.
Eritrea
Eritrea ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya u tababara ciidamada, waxay Soomaaliya u tababareysay 5,000 oo askari, ciidamadan ayaa qaarkood dalka dib loogu soo celiyay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sanadkii lasoo dhaafay booqasho ku tagay dalka Eritrea isagoo booqday ciidamada oo markii ugu horreysay lagu arkay goob fagaare ah, Madaxweynaha oo uu wehelinayay dhiggiisa dalka Eriteriya, Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ah oo tababbar u jooga dalkaas. Wuxuu warbixinno ka dhageystay qaar ka tirsan saraakiisha iyo askarta., xilliggaas ayay aheyd markii uu ballan qaaday in dalka dib loogu soo celin doono.
Ingriiska
Ingiriiska ayaa sanadkii 2019-kii ka furtay magaalada Baydhabo xarun lagu tababaro ciidamada Soomaalida.
Xarunta tababarka ciidamada ammaanka, oo ay qarash gelisay waaxda ka hortagga Khilaafaadka ee dalka Ingiriiska iyo lacagaha nabadgelyada iyo ammaanka (CSSF) ayaa ciidamada Qaranka Soomaaliya ka taageereysa hormarinta howlaha ammaanka iyo nabadgelyada, waxaana xaruntaas lagu bilaabay tababarka 120 askari.
Dalalka kale ee gacanta ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya waxaa ka mid ah Jabuuti, Uganda iyo Itoobiya.