You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Cabdixaafid Maxamed: Waa kuma laacibka guusha u soo hooyay Soomaaliya ee sheegay inuu ka 'fariistay' kubadda cagta?
Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada Soomaalida qabsaday muuqaal uu Cabdixaafid Maxamed oo ah laacib guulo u soo hooyay Soomaaliya ku shaaciyay inuu ka fariistay kubadda cagta.
Muuqaalka ayaa laga maqlayay Cabdixaafid oo dhahaya:” Kubadda cabgta wax badan ayaan soo waday, qof da’yar oo ka fariistayna aniga uguma horreyn marka aniga kubadda cagta danahayga baan ugu fariistay.”
Waxa uu sheegay inuu niyad jab uu kala kulmay awgeed uu kubada uga fariistay. “Qofka marka u da’yar yahay haddii laga niyad jabiyo waxba ma dheeli karo, maddaamaa kubadda cagta niyad lagu dheelo.”
“Arrimo badan ayaa igu khasbay oo ay ka mid tahay qaranka. Qaranka wax badan ayaan kala kulmay, Isku dhac macalin ayaa imaaday mar haddii aad isku dhacdaana isaga amrkiisa ayaa la qaadanayaa oo isaga sarreeya marka waxaan noqday qof garab waayay oo waqtigaa i ciilay,” ayuu Cabdixaafid sidoo kale ku yiri muuqaalka baraha bulshada lagu baahiyay.
BBC-du waxay isku day’day inay la xiriirto Cabdixaafid balse farriimo aanu u dirnay kama uusan soo jawaabin.
Cabdixaafid Maxamed Cabdi ayaa sanakdii hore mar kale gool u dhaliyay xulka qaranka Soomaaliya ee ay da'doodu ka hooseyso 17-ka sano, isagoo wacdaro ka muujiyay kulankii ay la yeesheen xulka Uganda.
Sannadkii hore mar uu doonayay inuu u safto xulka qaran ee 17-ka ka hooseeyo ayaa waxaa Cabdixaafid la sheegay inuu ka gudbi waayay baaritaan MRI ee lagu xaqiijiyo da'da qofka, kaas oo sida la sheegay soo baxay inuu da'daas ka weyn yahay.
Haddii aad tahay dadka la socda ciyaaraha ama hadal-heynta baraha bulshada Soomaalida, waa hubaal inaad maqashay magaca ciyaartoyga Cabdixafiid Maxamed ama aad aragtay sawirradiisa.
Kooxda xulka qaranka Soomaaliya ee ay da'doodu ka hooseyso 17 jirka ayaa horay guul darro 1-0 ah ugu saarisay xulka dhiggooda ah ee dalka Itoobiya. Goolka guusha waxaa markaas dhaliyay Cabdi Xafiid Maxamed oo lagu naaneyso "Xaafid Januzaj".
Wareysi gaar ah oo uu sanadkii hore Cabdi Xafiid siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in uu rajo weyn ka qabay inay koobka qaadaan.
Tartankan ay sanadkii hore isku arkeen Soomaaliya iyo Itoobiya waa "Afcon Under 17 cup of Nations", waxaana loo qabtaa dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika.
Taariikh ahaan ka qeyb-galkiisa Soomaaliya waxaa ugu dambeysay 2018-kii, sida uu BBC-da u sheegay Cabdullaahi Maxamuud Xirsi, oo qaabilsan horumarinta dhallinyarada ciyaartoyda ah ee xulka qaranka.
Waa kuma Cabdi Xafiid Maxamed?
Cabdixafiid oo ah laacib da'yar ayaa waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Waxbarashadiisa aasaasiga ah waxa uu ku qaatay isla Kismaayo, halkaas ayuuna kasoo billaabay xirfaddiisa ciyaaraha, sida uu u sheegay BBC-da.
"Anigoo aad u yar ayaan Kismaayo kasoo billaabay ciyaaraha. Waxaan kasoo billaabay heer xaafadeed, macallinkeyga ayaa igu dhiirrigeliyay inaan ka ciyaari karo ilaa heer qaran, haddana waan gaaray heerkaas," ayuu yiri.
Waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda mustaqbalka fiican hiigsaneysa ee ka tirsan kooxda Elman ee ka dhisan magaalada Muqdisho.
Cabdixafiid waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay ciyaaryahan xirfad sare leh oo tababareyaashu ay aad u jecel yihiin.
Goolka guusha iyo dabbaaldeg cajiib ah
Cabdixafiid waxa uu sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay guushii uu sanadkii hore gaaray Xulka Qaranka da'doodu ka yartahay 17-ka sano ee Soomaaliya, taasoo uu isaga sabab u ahaa kaddib markii uu gool ka dhaliyay kooxda Itoobiya ee kasoo horjeedday.
Markii uu dhaliyay goolka oo ahaa midka keliya ee ay ciyaartaas ku dhammaatay ayuu sameeyay dabbaaldeg ay dad badan su'aalo iska weydiinayeen.
Isagoo ka hadlaya halka uu kasoo min-guuriyay iyo cidda uu uga dayanayay ayuu yiri: "Dabbaaldeggaas waxaan ka arkay Aubameyang iyo Lacazette [ciyaaryahanno ajaanib ah], laakiin markaas ka hor waxaan ka arkay walaalkeey marna saaxiibkeey, Farxaan Xiddig," ayuu yiri.
Ciyaaryahankan da'da yar ayaa sheegay in marka laga soo tago tababarka uu macallinkiisa siiyo uu isaga laftiisa sameeyo dadaal u gaar ah oo uu ku hormariyo xirfaddiisa ciyaareed, taasoo ah dabeecad ay wadaagaan xiddigaha ugu waaweyn ee kubadda cagta adduunka.
'Waxaan u dhaarsanahay Tanzania'
Inkastoo Cabdixafiid uu sanakdii hore soo gaaray dhaawac dhanka muruqa lugta ah, haddana waxa uu hoosta ka xarriiqay inuu jiro ciil gaar ah oo uu u qabay xulka Tanzania, maaddaama ay horay guul darro u gaarsiiyeen Soomaaliya.
"Dhaawac ayaa isoo gaaray balse waxaan wadaa dadaal aan kusoo caafimaadayo, waana rajeynayaa inaan safto kulankaas, kuna soo bandhigo ciyaar ka fiican tii aan la yeelannay Itoobiya, goolal intaas ka badanna ka dhaliyo.
"Waan u dhaarsanahay Tanzania hadda ka hor 2018-kii ayey fiinaal nooga badiyeen, inkastoo aanan xilligaas aniga ciyaareynin waxaa ciyaarayay walaalaheenna. Waxaan rajeynayaa inaan hadda annaga ka aargudanno," ayuu yiri Cabdixaafid mar uu u warramay BBC-da.