Go'aan adag oo saameynaya qaxootiga Soomaalidu ka mid tahay oo kasoo baxay dowladda UK

Muhaajiriinta soo galaya UK

Xigashada Sawirka, EPA

Xoghayaha arrimaha gudaha UK, Shabana Mahmood, ayaa baarlamaanka ka sheegi doonto toddobaadka soo socda in dadka ka dalbada UK magangalyada la siin doono deganaasho kumeel gaar ah iyadoo aan la siineyn mid rasmi ah.

Qorshan waxa uu uu dhigayaa qof kasta oo haysta sharci magangalyo ee la siiyay deganaasho joogto ah in dib u eegis lagu sameynayo waqtiyo gaar ah iyadoo dib loo celinayo markasta oo loo arko in uu ammaan yahay wadankii uu shaqsigaas ka yimid.

Nidaamka hadda ka jira UK waa mid qofka siinayo deganaasho rasmi ah markasta oo la aqbalo codsigiisa magangalyo doono.

Xoghayaha arrimaha gudaha UK waxay hore ballanqaad uga sameysay intii uu socday shirka xisbigeeda shaqaalaha bishii Semtembar in ay sameynso wax kasta ay ku qaadato sidii ay ku soo celin laheyd ilaalinta xuduudaha Britian.

Tallaabadan ayaa ku soo aadeysa iyadoo wasaarada arrimaha gudaha ay ku dhawaaqday ku dhawaad 50,000 oo sharcidarro ku jooga UK in laga masaafuriyay ilaa markii uu uu xukunka qabtay xisbiga Shaqaalaha.

Tani waxay ka dhigan tahay 23 boqolkiiba in ay korortay tirada la diidayo marka la barbardhigo 16 bilood laga bilaabo Julay sanadkii hore.

Khubaradu waxay ku tilmaameen go'aanka wasaarada arrimaha gudaha "isbaddel weyn'. Wasaarada waxay sheegtay in ay ku dayaneyso isbeddalka socdaalka ay sameysay dowladda Denmark taas oo leh mid ka mid ah nidaamayada soogalooti iyo socdaal ee ugu adag Yurub.

BBC-da waxay ogaatay in bishii la soo dhaafay Shabana Mahmood ay u dirtay Copenhagen, caasimada Denmark, saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradeeda si ay u sahmiyaan wixii dalkaas uu gaaray si markaas kaddib loogu isticmaalo Britain.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Denmark waxaa u suuragashay in ay dhinto tirada qaxootiga iyadoo ka dhigtay heerkii ugu hooseeyay muddo 40 sano ah. Copenhagen ayaa hirgelisay siyaasado adag xiligii Karoonaha.

Dalka waxa uu joojiyay nidaamkii sida tooska loogu cusbooneysiinayay daganaashaha magangalyo-doonka iyadoo qaxootigana la siinayo deganaasho kumeelgaar ah oo labo sano ah kaddibna waxay dib u codsanayaan magangalyo.

Denmark, dadka la ogolaado in ay qaxootinimo ku sii joogi karaan waxay dhowr jeer dalbanayaan daganasho taas oo dheereyneysa jidka ay dhalasho ku qaadan karaan.

Xoghayaha arrimaha gudaha UK waxay ka mid tahay dadka jeclaaday nidaamkaas, waxayna sheegtay marka la adkeeyay siyaasadahaas in ay kor u kacday sumcada xisbiga talada haya. Waxay aaminsan tahay hadii tallaabadaas oo kale uusan qaadin xisbigeeda shaqaalaha in kuwa garabka midig sida xisbiga Reform ee Nigel Farage uu gaarayo guulo waa weyn doorashooyinka soo socda.

Siyaasadaha adag ee Denmark waxaa dhaliilay qaar ka mid ah xubnaha xisbigeeda shaqaalaha. Nadia Whittom oo laga soo doorto Nottingham ayaa sheegtay in dhabaha Denmark ay cagta saartay uu "damiir ahaan", siyaasad ahaan iyo doorasho ahaan yahay mid soo afjarmay.

Xoghayaha arrimaha gudaha UK

Xigashada Sawirka, PA Media

Xoghayaha arrimaha gudaha, Shabana Mahmood, waxay rumeysan tahay in Denmark ay tahay tusaale fiican oo lagu daydo maxaa yeelay dalka wuxuu gaaray siyaasad magangalyo doono tii ay doonayeen iyagoo weli aan ka bixin xeerarka Yurub ee xuquuqda aadanaha.

Xisbiyada kale ee garabka midig iyo kan muxaafidka ayaa ugu baaqay Britian in ay ka baxaan heshiiska Yurub ee xuquuqda aadanaha si loo hirgeliyo siyaasado adag, loogana hortago soogalootiga dalka ku imaanaya doonyaha ee ka soo gudbaha biyaha kanaalka Ingiriiska.

Dhanka kale, xisbiga muxaafadka waxay ku doodayaan in dowladdan aysan joojin karin muhaajiriinta ku imaanaya doonyaha yar yar ee sida sharcidarada ah ku soo galaya dalka. waxay sheegaan habka kaliya ee lagu joojin karo in ay tahay in la soo celiyo nidaamka Rwanda.

Sanadkii la soo dhaafay, ku dhawaad 37,000 ayaa kanaalka Inigriiska ee u dhexeeyay UK iyo Faransiiska kaga soo gudbay doonyo yar yar, waxaana la sheegay in sanadkan ay kordheen. Bishii Oktoobar ee sanadkan waxaa soo galay UK dad ka badan 36,700.

Shabana Mahmood waxaa la filayaa in qorshahan oo faahfaahsan in ay la hortagto baarlamaanka UK Isniinta soo socota.