Talyaaniga oo faafaahiyay sababta uu u joojiyay dal ku-galkii lagu bixin jiray baasaboorka Soomaaliga

Dowladda Talyaaniga ayaa faah-faahisay sababta ay u joojisay dal ku-galkii lagu bixin jiray basaboorka Soomaaliga kaas oo dhawaan ay safaraadda Talyaaniga ee Muqdihso joojisay.

Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Pier Mario Daccò Coppi oo magaalada Rome kula hadlayey wariyaasha ayaa sharaxay sababta ay tallaabadaas u qaadeen.

Shurki Siciid oo ah wariye madaxbanaan oo deggan Roma kana mid ahayd wariyaal su’aalo waydiiyey safiirka ayaa BBC-da u sheegtay in safiir Pier Mario Daccò Coppi uu gaashaanka u daruuray in sababta loo joojiyay ay la xiriirto arrimo siyaasadeed.

Wuxuu sheegay in hakinta ay la xiriirto farsamo dhanka maamulka ah ayna wasaaradda arrimaha dibadda Talyaaniga ay hadda si toos ah ugu hawlan tahay oo ay sida ugu dhakhsiyaha badan ku xaliso.

"Maya sax ma ah in sidaa loo dhigo, waa joojin kooban, waana arrin maamul iyo qabanqaabin ku leh waaye, laakiin haba yaraatee wax siyaasad ku lug leh ma ahan waa arrin wasaaradda arrimaha dibadda Talyaaniga ay il gooniya ku hayso ayna sida ugu dhaqsiyaha badan ku xallineyso." Ayuu yiri.

Safiirka ayaa ka digay in marnaba aan arrinta la siyaasadeyn.

Dowladda Talyaaniga ayaa bishii September joojisay dal ku galkii Schengen ee la siin jiray muwaadiniinta Soomaalida ee doonayo inay u safraan qaaradda Yurub.

Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho ayaa qoraal ay markaas ku daabacday barteeda X (Twitter) ku sheegtay in safaaradda Nairobi ay joojisay soo saarista fiisayaasha ay soo dalbanayaan dadka haysta baasaboorka Soomaaliga.

“Waxaa la ogeysiinayaa dadweynaha in safaaradda Talyaaniga ee Nairobi ay joojisay soo saarista fiisaha Schengen, waxayna tani saameynaysaa dhammaan codsiyadaas shaqsiyaadka u gudbiyay safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri war kooban oo ay soo saartay safaaradda.

Qoraalka safaaradda ayaana markaas laguma sheegin sababta loo joojiyay in fiisaha Talyaaniga iyo qaarada yurub. Safaaraddu waxay kaloo qoraalka ku sheegtay inay ogaysiisay wasaaradda arrimaha dibada ee dowladda Federaalka ee Somaliya.

Bishii Julay ee sanadkan Midowga Yurub ayaa soo jeediyay in la adkeeyo dal ku galka la siiyo dadka haysta Baasaboorka Soomaaliga.

Ujeedada talaabooyinkan ayaa lagu sheegay in Soomaaliya culeys lagu saaro in dib loogu soo celiyo dadka aan waddada saxda ah ku gelin dalalka Midowga Yurub.

Goluhu waxa uu u baahan yahay baa lagu yiri warbixintaan, “inuu ansixiyo soo jeedinta ka hor inta aan la soo bandhigin qorshahaan”.

Soo jeedinta Guddiga Midowga Yurub ayaa waxaa ka mid ah in la adkeeyo tAllaabooyinka dal ku galka lagu siinayo muwaadiniinta Soomaaliya.

Muxuu ka yiri xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo khilaafka dowladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada?

Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa sharraxay halka uu dalkiisa ka taagan yahay waxa uuna sheegay in Talyaaniga uu yahay waddan Soomaaliya walal la ah xiriir fiicanna uu kala dhaxeeyo uuna doonayo inuu xoojiyo.

“Talyaaniga waxaa ka go’aan inuu hormariyo Soomaaliya oo uu sameeyo mashaariic wax ku ool ah oo wax tar u leh Soomaaliya.”

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo inuu safar ku tago maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland uu safar ku tago balse waxa uu sheegay in go’aanka Talyaaniga uu yahay in arrimaha siyaasadda uu uga dambeeyo siyaasiyiinta Soomaalida iyo dowladda Federaalka ah.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Talyaaniga ku cudur-daaranayo inuusan dooneyn inuu farageliyo arrimaha siyaasadda Soomaaliya badalkii taasna ay xoogga saarayo dhanka hormarinta sida tabarka shaqaalaha rayidka, dhisamaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo tabarka ciidamada.

Jawaabta uu ka bixiyay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya

Safiirka oo uu mid ah weriyaasha weydiiyay arrinta la xiriirta khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya Itoobiya ayaa yiri: “Arrintaas waa arrin laga xumaado waxayna carqaladeysay laba waddan oo daris ah oo walaalana ah xiriir fiicanna ka dhexeeyay.”

Waxa uu sheegay in arrintaasi aysan ahayn waxa loo baahnaa inay meesha ka dhacdo. Itoobiya waxay xaq u leedahay inay hesho bad ay wax ka soo degsato Soomaaliyana waxay xaq u leedahay inay baddeeda la haato.

Arrintaasi waxay ahayd in si diblomaasinima ah oo iskaashi ah ayay ahayd in arrintaas loo xalliyo waana nasiib darro inay taasi dhici weyso, ayuu yiri Safiir Pier Mario Daccò Coppi.