Maxay tahay guusha ay maanta Hindiya gaartay ee hore ay u gaari waayeen Mareykanka iyo Ruushka?

Dayax-gacmeedka Chandrayaan-3 ayaa taabtay sagxadda dayaxa, taasoo ka dhigan in Hindiya ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee ku guuleysta inuu caga dhigto cirifka koofureed ee dayaxa.

Dhammaanba howlgalladii hore ee dayaxa lagu tagayay ayaa soo taabtay meel u dhow dhul baraha, balse in lasoo taabto cirifka koofureed ee dayaxa waxay muhiim u tahay ugaarsiga loogu jiro biyaha.

Saynisyahannada ayaa haatan rajeynaya inay halkaais u diraan dayax gacmeed soo qaada sawirro iyo xog kuna soo celiya dhulka.

Madaxweynaha dalkaas haweeneyda lagu magacaabo Droupadi Murmu ayaa arrintan ku tilmaantay marxalad muhiim ah.

Waxay sheegtay in saynisyahannada dalkaas aysan keliya taariikh dhigin balse ay sidoo kale boorka ka jafeen juqraafiyadda.

Sidoo kale Raysal wasaaraha Hindiya oo ku sugan magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika oo uu kaga qeybgalayo shirka dalalka ku bahoobay ururka BRICS, ayaa la arkayay isagoo dhoolla caddeynaya si toosna ahna shaashadaha uga daawanaya taariikhda ay maanta dhigtay Hindiya.

"Cirka ayaa hiigsigeenna ah," ayuu yiri Modi.

Wuxuu sheegay in guushan ay Hindiya u horseedi doonto mustaqbal ifaya.

Qiimaha uu ku kacay howlgalkan

Qiimaha howlgalkan HIndiya wuxuu ku kacay 6.1bn oo rupiga dalkaas ah una dhiganta ($75m; £58m).

Qiimahan wuuxu kala bar ka yar yahay qiimaha uu ku kacay howlgalkii Ruushka ee Luna-25 oo ahaa $200m, lagumana guuleysan oo dayaxa-gacmeedkii Ruushka wuu burburay Axaddii.

Howlgalladii hore ee Hindiya ee lagu tagayay dayaxa iyo meeraha Mars ayaa sidoo kale waxaa ku baxay qiime iska dhexdhexaad ah.

Waxaa loo aaneeyay dadaallada kooxda hawada u qaabilsan Hindiya ee Isro ay ku dadaashay ka hortagga in la isticmaalo waxaabao badan oo aan loo baahneyn.

Saynisyahanka hawada ee u dhashay Britain, Prof Andrew Coates, oo BBC-da u sharraxay sababta qiimaha Hindiya uga baxa howlgallada hawada uu uga yar yahay tan Mareykanka ayaa wuxuu sheegay in Hindiya ay yareysay culeyska saaran dayax-gacmeedka.

Howlgalka lagu tago dayaxa

Caga-dhigashada dayaxa ma ahan wax sahal ah, sida uu sheegay Ruushka oo isagu toddobaadkna dhexdiisa sameeyay isku day.

15-ka daqiiqo ee ugu horreeya ayay saynisyahannadu ku tilmaamaan daqiiqadaha argagaxa, sababtoo ah halka loo socdaa maaha meel caadi ah.

Dalal badan ayaa hore ugu guul darreystay, waxaana ka mid ah Hindiya isku daygeedii ugu horreeyay.

Balse markan labaad ayay nasiib u yeelatay, waxayna haatan Hindiya ku biireysaa saddex dal oo kale, Mareykanka, Midowgii hore ee Soofiyeetka iyo Shiinaha oo iyagu ku guuleystay saldhigashada dayaxa.

Haatanna waxay diyaar u yihiin inay soo indha indheeyaan Meesha dayaxa ka midka ah ee aan hore loo tagin, waana cirifka koofureed.

Daneyn badan oo sayniseed ayaa halkaas ku jirta. Waxaana la leeyahay waxaa ku jira biyo baraf noqday.

Waa kheyraad muhiim u ah mustaqbalka aadmiga. Hay’adda hawada u qaabilsna Mareykanka ee Nasa ayay aaggan bartilmaameed u tahay iyadoo dooneysa inay cirbixiyeenno u dirto.