You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Madaxweyne Biden ayaa ka haray tartanka doorashada Mareykanka
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in uu san dib isu soo taageyn. Afar bilood ayaa ka harsan marka dadka Mareykanka ay codeyn doonaan.
Go’aanka ayaa soo baxay kaddib toddobaadyo cadaadis weyn ay saareen madaxweyne Biden xisbigiisa Dimuqraadiga.
81 jirkan ayaa diiday baaqyo looga dalbanayay in uu ka haro doorashada kaddib markii walaac laga muujiyay caafimaadkiisa.
Biden waxa uu ku dhawaaqay in uu taageerayo Kamala Harris in ay noqoto musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ee doorashada 2024ka.
“Maanta waxaan si buuxda u taageeraya in ay noqoto musharax Kamila. Waxaa la joogaa waqtigii laysku imaan lahaa oo laga adkanaan lahaa Trump” ayu uku qoray bartiisa X.
Kullan degdeg ah oo ay yeelanayaan guddiga qaranka ee Dimuqraadiga (DNC) ayaa hadda socda