Faa’idooyinka gafuurka aad leexleexiso marka aad sawirka iska qaadeyso

Sawyer aad iska qaaday

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, “kan aniga aan iska qaaday ayaan ka jeclahay kan dadka kale iga qaadaan, sida aan aniga rabay ayaan isaga qaaday”

Erayga ‘selfie’ ama sawirka oo aad adiga iska qaado marka aad maqasho waxaa kuugu soo dhacaya qof haya taleefoonkiisa gacanta oo isaga sawirka iska qaadaya. 2013-kii iyo wixii ka dambeeyay ayuu eraygaas ka soo muuqday qaamuuska afka Ingiriiska ee Oxford.

Alicia Eler waa qoraa waxay ku tilmaantay sawirada layska qaado in ay yihiin seef labo af leh.

Waxay sheegtay mar in uu ku siinayo awood oo ah in aad adiga go’aan ka gaarto sawirka aad iska qaadeyso adigoo u jeeda sida uu u egyahay halka dhankalena uu noqon karo mid kuu soo jiida dhaliila, waana wax waqtigan digital uu keenay.

Istar Isaaq Cali waxay ka mid ah tahay dhallinyarada baraha bulshada sida weyn u isticmaala. Waxay noo sheegtay in iyada shaqsiyan aysan ku qancin in qof kasta sawirka uu ka qaado.

Waxaan weydiinay maxay ku kala doorataa sawirka lagaa qaado ama kay iska qaado ee ‘selfie”.

“kan aniga aan iska qaaday ayaan ka jeclahay kan dadka kale iga qaadaan, sida aan aniga rabay ayaan isaga qaaday”

Waxaa jira qaabab badan oo waxa aad dooneyso lagu muujiyo shucuurta wajiga. Hadii qofka uu farta saaro bushimahiisa waa astaan muujineysa aamusnaan. Sidoo kale waxaa jira astaamo taa la mid ah oo lagu muujiyo waxa aad dooneyso.

Marka aad iska qaadeyso sawir inta badan waxaad u jeedaa sida u u keenayo, waxaadna sameyneysaa in aad wajigaaga dhaqdhaqaajiso si muuqaalka aad aragto uu u noqdo kaad sawireyso.

Ujeedkaaga waa in sawirka qurxoonaadaa balse waxaa la ogaaday in dhaqaajintaas ay faa’ido kale leedahay oo aadan ku talo gelin sida marka dadka qaarkii ay carrabka dhanxanaga ku dhajiyaan.

Sucdi oo intaas magaceeda noogu soo koobtay oo iyadana ka hadashay sida ay ku kala doorato sawirka ay iska qaaddo iyo kan laga qaado ayaa sheegtay in marka ay iska qaadeyso wajiga ay ku kalsoon tahay.

“Waxaan dareemaa in wajiga ii dhuubtay, waxaan dareemaa in da’adeyda ay yartahay”

Jimicsi haji

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, “Waxaan dareemaa in wajiga ii dhuubtay, waxaan dareemaa in da’adeyda ay yartahay”
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Carrabka aad ku dhejiso dhanxanaga waa jimicsi dhawaan baraha bulshada caan ka ahaa. Boqolaalmuuqaal oo ku tusinaya sida loo sameeyo farsadamaas ayaa la soo dhigay baraha bulshada. Dad badan oo caan ah ayaa isticmaalay farsamadan oo ay ku jirto gabadha caanka ah ee dharka xayeesiisa, Bella Hadid.

Farsamadan waxaa la sheegay marka aad joogto u sameyso in ay si fiican u qaabeyso daanka sidoo kale waxaa la sheegay in ay toosiso ilkaha.

John Mew oo u dhashay Britain waxa uu ku takhasusay ilkaha gaar ahaan toosintooda. 1970-kii ayuu bilaabay in uu ku daaweeyo carruurta la keeno xaruntiisa caafimaad ee London hab uu ugu yeeray Orthotropia oo ah toosinta indhaha taas oo u sheegay in aysan toosineyn ilkaha oo kaliya balse ay sidoo kale hagaajineyso wajiga.

Habka Orthotropia waxa uu ku saleysan yahay dhaqaaq afka kaas oo saameynaya horumarka wajiga, waxa uu hagaajinayaa qaabka daanka iyo in uu toosiyo ilkaha. Marka la maro hab gaar ah oo lagu celceliyo in ay hageyso in wajiga koro ilaa uu ka gaaro hab sax ah.

2018 farsamadan waxaa isticmaalayay malaayiin qof kuwaas oo magaca ka badalay. Waxay barahooda bulsho soo dhigayeen habkan oo markii hore loogu talogalay carruurta. Hadda, habkan waxaa isticmaala dadka waa weyn si ay ugu hagaajiyaan quruxdooda

Dr. Cabdulkqaadir Cabdiraxmaan Aadan oo ka tirsan rugta caafimaadka Real dental waa dhakhtar ku takhasusay cudurada afka iyo ilkaha waxa uu noo sheegay kaalinta qeybta hoose ee wajiga ka qaadato jimicsiga

“Jimicsiga wajiga waxa uu ku xiran yahay qeybta hoose ee daanka, qeybta kore waa meel iska taagan iyada ayaa loo yimaadaa, qeybtaas hoose ayaa dhaqdhaqaaqa sameysa”

Jimicisaga wajiga inta badan dadka ma sameeyaan balse marka ay iska qaadayaan sawirada waa marka ay ugu dhowdahay taas.

Khubarada waxay ku taliyeen in muddo lagu hayo carrabka dhanxanaga ilaa inta aad kala qabsaneyso oo ay caadi kuu noqoneyso.