Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo shil gaari galay

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa galay shil baabuur, sida uu afhayeenkiisa shaaca ka qaaday.
Baabuur rakaab ah ayaa ku dhacay baabuurkii madaxeynaha iyo kii ilaalaadiisa oo ku sugnaa caasimadda Kyiv, Sergii Nykyforov ayaa hadal kooban sidaasi ku yiri.
“Madaxweynaha waxaa markiiba baaritaan ku sameeyay dhakhtarkiisa, waxa uuna caddeeyay in wax dhaawac oo halis ah uusan soo gaarin,” ayuu yiri.
Waxaana sidoo kale goobta lagu daweeyay darawalkii waday Gaariga rakaabka ah ee ay isku dhaceen gaadiidka madaxtooyada, waxaana lagu qaaday Gaari Ambalaas ah.
Mr Nykyforov ayaa sheegay in dhammaan arrimaha la xiriira shilka gaadiidka ay baarayeen saraakiisha amniga. Faah faahin intaas dhaafsiisan ma uusan bixin.
Shilkan ayaa yimid ka dib markii Madaxweyne Zelensky, oo 44 jir ah uu Arbacadii booqday magaalada dib loo qabsaday ee Izyum, oo Ruushka u ahayd xudunta muhiimka ee saadka ee waqooyi-bari Ukraine,.
Wuxuu u mahad celiyay ciidamadii ka qeyb qaatay weerar rogaal celis ah oo deg deg ah oo lagu qaaday “ciidamada Ruushka ee ku soo duulay ”, wuxuuna kormeeray munaasabad calanka lagu saarayay.
Maalmihii la soo dhaafay, ciidamada Ukraine ayaa dib u qabsaday dhul badan oo horay looga qabsaday, taasoo ku qasabtay ciidamada Ruushka inay dib u gurtaan inkastoo ay sheegeen in dib u gurashada ay tahay xeelad dagaal.
Ka dib bilooyin ay socdeen dagaallo kharaar oo aanay cidna guusha ku raacin, Ukraine - iyo Ruushka hadda waxa ay wajahayaan xaqiiqo cusub.
Hadda waxaa xawli ku socda iskahorimaadkii ugu weynaa ee ka dhaca qaaradda Yurub tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ciidamada Ukraine ayaa dib u soo rogaal celiyay halka ciidamada Ruushkuna ay bilaabeen inay dib u gurtaan gaar ahaan goobaha istiraatiijiga ah ee gobolka bari ee Kharkiv.
Waxay lumiyeen magaalooyinka Kupiansk, oo ah xarun muhiim u ah saadka, iyo Izyum, oo ahayd furaha weerarada.
Baraha bulshada ayaa lagu soo bandhigay sawirro muujinaya meelihii laga qabsaday iyo hubkii ay ka tageen amaba la burburiyay ee Ruushka.
Markii aan halkaas ka soo warrameynay bishii Juun ma jirin wax calaamad ah oo muujinayay in ciidammada Ukraine ay awood u yeelan karaan in ay qaadaan weerar rogaal celis ah. "Waa mucjiso militari," Mykhailo, oo ah 38 jir injineer ah ayaa sidaasi yiri.
"Mucjisada" waxaa lagu gaaray hub badan oo laga helay dalal shisheeye. Hubkaasi waxaa ka mid ah nidaamyada riddada dheer ee gantaallada iyo sirdoonka shisheeye."
Waxaa kale oo ay u egtahay in dadka reer Ukraine ay ka caqli badiyeen Ruushka, ma aha markii ugu horeysay, oo ay ka hadleen qorshayaal ay ku doonayaan inay weeraro rogaal celis ah ay ku qaadayaan gobolka Kherson ee koonfurta.
Kremlin-ka ayaa u muuqda in uu ku dhacay dabinkii, isaga oo dib u daabulay qaar ka mid ah ciidamadiisii ku sugnaa sladhigyadii ay ku lahaayeen Kharkiv.
Hase yeeshee weerarka ayaa sidoo kale muujiyay in ciidamada Ukraine ay ka adkaan karaan Ruushka marka la isku farasaaro goobta dagaalka, sida ay qabaan khubarada militariga reer galbeedka.
"Waxaan hadda aragnaa Ruushka oo laga adkaaday, ma ahan oo keliya in laga awood roonaaday," ayuu yiri Professor Michael Clarke, oo ah Agaasimihii hore ee Machadka Royal United Services Institute.













