You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ma dhabaa in xayawaanadu ka baqaan codka dadka in ka badan inta ay ka baqaan kan libaaxa?
Cilmibaaris cusub oo lagu sameeyay gudaha waddanka Koonfur Afrika, ayaa lagu ogaaday in xayawaanada duurjoogta ah ay ka cabsadaan codka bani aadanka in ka badan inta ay ka cabsadaan codka libaaxa.
Sanisyahano ku sugnaa beerta xayawaanada ee Kruger ayaa codad ku baahiyay sameecado cod sare leh oo la dhigay biyo hoostood, codadkaas oo ahaa dad si caadi ah u sheekeysanaya
Cilmbibaarista ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad sagaashan iyo shan boqolkiiba xayawaanadu ay caroodeen kadibna ay carareen, markii ay maqleen codadka.
Waxyaabaha lagu ogaaday daraasadaan ayaa sheegaya in xaywaanada oo ay ku jiraan cantalyaaga, maroodiga, gariga, harimacadka iyo wiyisha ay fahansan yihiin in la macaamilista bani’aadanku ay tahay mid aad u qatar badan.
Balse sidaas si ka duwan codka libaaxa gurxamaya ayaa diginin qatareed oo sidaas u way naan galin xayawaanada.
Codka dadka sheekeysanaya ee la baahiyay ayaa ahaa mid ay dadku hadlayeen luuqada gaarka ah ee dadka ku nool gobolkaas.
Cilmibibaarayaasha ayaa xusay in narkii ay maqleen codka libaaxyada kadib, ay maroodiyaasha qaar bilaabeen inay aadaan halkii uu ka soo yeeray codku.
Natiijada cilmibaaristaan ayaa muujineysa in xayawaano kala duwan in dareemayeen in mar walba oo ay ku sii dhawaadaan halka uu ka baxayay codka bani’aadanka ay qatartu sii badan tahay, maadaama inta badan ay isticmaalaan dadku hub iyo eeyo ugaarsado xayawaanada duur joogta ah, kuwaas oo ay muuqaalkood la qabsadeen xayawaanadu, siiyana digniintaas qatarta ah.
Sida ay sheegayso cilmibaaristaan , cabsida ay xayawaanada duurjoogta ah ka qabaan codka dadka, kuma koobna kaliya beerta Krugar, balse heeka cabsida ay duur joogto ka qabto bani’aadanka ayaa ka badan tan ay ka qabaan guud ahaan xayawaanada kale eek u nool dunida.
Waxyaabaha ay diiwan galiyeen cilmibaarayaashu waxaa kamid ahaa in tani caqabad ku tahay dhinac darxiiska duurjoogta, maadaama ay dadka dalxiisayaashaa ah ee ay doonayaan inay soo jiitaan xaywaanka oo ay la xariiraan, laakiin taas badalkeeda ay cabsi iyo qalqal ku abuurayaan xayawaanada ay u yimaadeen.
Mid kamid ah cilmibaarayaasha oo lagu magacaabo Dr Liana Zanette ayaa BBC u sheegtay in daraasadoodu ay ku foorarto cabsida – taas oo ah arrin la xariirtay sida ay deegaankooda ula falgalaan xayawaanada la ugaarsado.
“Ugaarsigu wuxuu yareeyaa xayawaanada, balse cabsida ay abuuraan ugaarsatada ayaan ogaanay inay sii yareeyso”, ayay tiri.
“Dhaqan galinta, yaraynta, iyo hakinta cabsida aan bani aadan ahan ka sameyno goobaha duurjoogto ku sugan tahay waxay keeneysaa caqabado iyo fursado is huwan taas oo noo sheegay inaan tix galino wadahadalo laga yeesho arrintaas”, ayay hadalkeeda sii raacisay.
Xogtaan cusub ayaa albaabada u furaysa rajada laga qabay in la ilaaliyo xayawaanada nugul eek u nool duurka. Codka bani aadanka ayaa markii loo isticmaalo si haboon, wuxuu ka hortagi karaa ka ganacsiga sharci darrada ah ee duurjoogta.
“Sidoo kale waxaan iska kaashaneynaa tijaabo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa ka ganacsiga wiyisha”, ayay tiri Dr Liana Zanette.
Wada noolaanshaha dadka iyo libaaxa
Dhaqanka qowmiyada Masai, gaar ahaan ragga waxay raganimadooda dhameystirmaysaa marka uu dilo libaax, balse, haatan dhaqankaasi ayaa ah mid Meesha laga saaray, waxaana sabab u ah qorshe kaymaha Kenya lagu ilaalinayo taas oo horseeday in qowmiyadda Maasai iyo libaaxyada ay si nabad ah ugu wada noolan karan dhulka kaymaha ah.
Meiteranga Kamunu Saitoti, waxaa uu xusuustaa in uu aad ugu hami weynaa sidii uu u dilii lahaa libaaxyada.
Markii uu ahaa wiil yar, waxaa uu ku koray dhul weynaha ay deganyihin qowmiyadiisa Maasai ee koonfurta Kenya, waxaa uuna sheegayaa in libaaxyada ay meel walba joogi jireen.
Kaynta Amboseli, waxay caan ku tahay Maroodiga, Libaaxyada iyo bidhaanta buurta Kilimanjaro oo dhanka Koonfuurta kaga beegan halka ay deganayeen. Libaaxyada iyo duurjoogta kale waxay si nabad ah ugu gaaf wareegi jireen goobta ay deganayeen Saitoti.