Dhegeyso: Lix sano kahor madaxdu way ku qosli jireen khudbadda Trump ee QM markanse way aamusnaayeen
Khudbaddii uu Donald Trump u jeediyay Qaramada Midoobay ayaa ahayd mid ka mid ah waxyaabihii aadka u muujinayay sida uu u arko caalamka, fikirkiisa oo ah qaab cayriin ah.
In ku dhow hal saac, waxa uu u jeeday kuwii ka soo horjeeday iyo fikradahooda, isaga oo mid mid u kala saaraya marka uu dunida ku soo wareegayo.
Dalka ayuu ka bilaabay, isagoo ammaanaya Mareykanka iyo naftiisa. Waxa uu sheegay in Maraykanku uu ku noolaa waqti dahabi ah, waxaanu ku celceliyay sheegashadiisii aadka loogu muransanaa ee ahaa in uu shakhsiyan soo afjaray toddoba dagaal, taas oo uu ku dooday in uu ku mutaystay abaalmarinta Nobel Peace Prize.
Haddaba, lifaaqa ka dhegeyso khudbadda Trump iyo sida ay Soomaalida Mareykanka u arkaan, waxaa soo koobaya weriye Siyaad Siciid Saalax.


