Wax ka ogow magaalada Faadumo ee ay maanta oo kale booqdaan Masiixiyiin daafaha dunida ka kala yimaada

Faadumo

Xigashada Sawirka, Getty Images

In ka badan qarni ka hor, tuulada Fatima ee ku taal badhtamaha dalka Boortaqiiska waxay ahayd deegaan miyi ah oo loogu talagalay dhaqashada idaha.

Maanta se, waa goobta ugu weyn ee cibaado ama si kale ah xajka Catholic-ga.

Santuário de Fátima, waxaa laga dhisay meel lagu magacaabo in ay ku kulmaan riyooyinka iyo mucjisooyinka aadamuhu 1917, goobtan ayaa soo jiidatay inay 9.4 milyan oo booqasho ah hesho sannadkiiba.

Xitaa Pope Francis ayaa magaaladaas aaday bishii Maaj 2017, 100 sano ka dib markii xuskii Maryan.

Ilaa 40 mayl waqooyiga ee Lisbon, dhismaha Fátima hadda waa dhisme aad u weyn, oo ay ku jiraan sheekooyin iyo aalado kale oo sharfan kuwaas si toos ah loo dhammaystiray 2007 – sidaana ku noqotay Kaniisadda Katooliga ee afraad ee ugu weyn adduunka.

Mucjisadii Maryan

Faadumo

Xigashada Sawirka, AFP

Waxay ahayd May 13, 1917. Maraykanku ayaa xilligaas uun ku biiray xulafada Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, dhanka kale saddex carruur ah - Lucia dos Santos oo 10 jir ah iyo ina-adeerteed Jacinta Marto, 7, iyo Francisco Marto, 8 - waxay daryeelayeen oo raaceeyeen idihii qoyskooda.

Saddex adhijir ee yaryar waxay arkeen iftiin ka dhalaalaya meel la yidhaahdo Cova da Iria, oo ku taal tuulada Fatima ee u dhaw magaalada Lisbon. Waana gabadh aad mooddo ilayska ka baxaya sidii qorraxda oo kale

Gabadhii meesha taagnayd hablihii yaryaraa mid ka mid ah ayay la hadashay, waana Lucia. Waxayna isugu sheegtay inay tahay Marwada Rosary waxayna u sheegtay Lucia inay halkaas ka soo muuqan doonto 13-ka bilood ee soo socda.

Bil kasta, carruurtu waxay ku soo noqon jireen goobtii, wayna arki jireen gabadhii, inkasta oo aanay dadka kale arki karin.

Waana halka halka ay ka soo arooreen sheekooyin badan oo mucjisoosiyin ah kuwaas oo ay Kaatoliggu aamminsan yihiin.

Faadumo

Xigashada Sawirka, EPA

Kaniisadda Katooliga waxa ay muhiimad gaar ah siisaa waxa ay sheegaan in ay yihiin saddexda sirood ee Maryan – gabadhii meesha taagnayd ee carruurta adhi jirta ah arkeen ay u sheegtay dhallaankii.

Sida laga soo xigtay Kaniisadda Kaatooligga, waxa ay ku tilmaantay saddexda sirood in ay ahaayeen sii sheegidda halka ay ku danbaynayaan dhacdooyin.

Dhacdooyinkaas waxaana ka mid ahaa sir ku saabsan cadaabta iyo naxdinteeda, wax sii sheegid la xidhiidha dhammaadka dagaalkii koowaad ee aduunka iyo bilawgii dagaalkii labaad ee aduunka, iyo sirta saddexaad oo loo fasirtay in ay sii sheegtay habka uu u dhici doono isku dayga dilka Pope John Paul II May 13, 1981

Baaddiryadda kaniisaddaas ayaana qaba in xogtaasi ay ahayd ‘waxyi’ lagu doonayey in lagu hagaajiyo habka uu aadmuhu u noolaanayo.

Xajka Fatima

Xujaajta Katooliga waxay yimaaddaan Xaramka Fatima iyaga oo ka kala yimaadda meelo iyo waddamm kalao fog sida Shiinaha, Venezuela iyo East Timor.

Xajkii ugu horeeyay ee ay xajaan waxa uu ahaa 1927, 1928 kii.

Lucía dos Santos ayaa markii dambe noqotay baadirayad ku sugan halkaas oo dadka barto ruuxda iyo aaminaadda da’deedu gaadhay ku dhawaad da'da 97 jir, laakiin Francisco iyo Jacinta Marto labadii hablood ee ku weheliyey markii ay arkeen mucjisadaas waxay dhinteen caruurnimadii sababo la xidhiidha hargabkii faafayey ee dhacay sannadihii 1918-1919.

Lucia dos Santos, oo geeriyootay 2005-tii, waxa ay qortay buug loogu yeedho Saddexda Sir ee Faadumo