Maxaad ka ogtahay Subxaanyada cusub ee laga helay Soomaaliya?

    • Author, Fatuma Maalim Abukar
    • Role, BBC News Somali

Daraasad ballaaran oo muddo sanado ah socotay lagana sameeyay Subxaanyada ku nool dalka Soomaaliya ayaa dhowaan lasoo bandhigay.

Daraasaddan oo ay iska kaashadeen jaamacadaha Camuud oo magaalada Boorame, ee Jamhuuriyadda iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ku taalla – iyo Jaamacadda Charles – oo ku taalla Jamhuuriyadda Czech, ayaa soo socotay muddo 12 sano ah.

Bare sare Xasan Sheekh Cabdiraxmaan Cilmi oo ka mid ah baarayaasha daraasaddan waxna ka dhiga Jaamacadda Camuud oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in daraasaddu tahay mid ay soo bilaabeen baarayaal kale oo ajnabi ah, kuwaasoo sanadkii 2013 mid tan la mid ah ka sameeyay deegaanno ka tirsan maamul-goboleedka Puntland.

Kooxda sameysay baaritaankan oo sidoo kale ay ka mid yihiin Jiří Šmíd, Sergio Matilla Fernández iyo Tomáš Mazuch oo ka socday Jamhuuriyadda Czech ayaa waxaa gacan ka geysatay wasaaradda deegaanka ee Somaliland.

Baarayaasha ayaa muddadaas 12-ka ah xog ka uruurinayay Subxaanyada ku nool dalalka Masar, Eritrea, Itoobiya, Soomaaliya iyo Suudaan ayaa waxay ku ogaadeen in noocan cusub ee Subxaanyada ay tahay mid dhif ah oo ku kooban dhulka Soomaalida.

Noocan ayaa lagu arkay deegaanka Yufle oo 28 km u jira magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, halka horena looga helay deegaanka Baargaal ee Puntland.

Xog ku saabsan Subxaanyada

Sida uu BBC sheegay Xasan oo baarayaasha daraasaddan sameeyay ka mid ah, Subxaanyadu waa qoys ballaaran oo ka mid ah jirifleyda xamaaratadaah. Guud ahaan dunida waxaa diiwaangashan 34 nooc oo Subxaanyo ah, halka 27 ka mid ah laga helo Afrika.

Xasan ayaa sheegay in 27-kaas, ku dhowaad 14 ka mid ah laga helo gaarna ay u tahay Geeska Afrika.

Subxaanyadu waa nooc masaska ka mid ah oo aad u orod badan, oo dhuudhuuban oo aad u degdega, waa noole maalintii qaraabta waxayna ku nool yihiin qoratooyinka iyo jiirka.

Subxaanyadu khatar kuma aha bani’aadamka, malaha sun ay ku waxyeeleyso aadmiga, balse wuxuu Xasan sheegay inay leedahay sun ay ku ugaarsato noolaha kale ee ay cunto.

Noocan cusub ee Subxaanyada maxay uga duwan tahay kuwa kale?

Sida uu baare Xasan u sheegay BBC, Subxaanyadan waa nooc cusub oo ka duwan noocyadii hore, oo markii hore lagu darayay koox kale oo Subxaanyo ah oo ay isku dhow yihiin.

"Markaan muddo baarnay een barbardhignay een hubinnay, waxaan ku qanacnay inay la walaal tahay Subxaanyada lagu darayay ee aysan ka mid ahayn”

“Waxaan ka qaadnaa hidda-sidaha DNA, noocyo badan ayaana la baaraa oo hal kuma filna,” ayuu yiri Xasan.

“Marka Subxaanyada la qabto, waxaa laga qaadaa candhuufta,” ayuu intaa raaciyay.

Waxaa kaloo lagu ogaaday sida uu khabiirku sheegay inaysan isku waddo marin noocan iyo noocyada kale ee Subxaanyada.

Waa nooc dheer oo dhuuban, dhererkeeduna gaarayo ilaa 2 dhudhub, sida baaritaanka lagu xusay.

"Waxay kaloo kaga duwan tahay noocyada kale ee Subxaanyada dhanka midabka, iyadoo leh midabka cawlka, sidoo kale bu’da isha ee noocan ayaa ka weyn tan noocyada kale ee Subxaanyada," Ayuu yiri.

Baaritaanka DNA ee laga qaaday noocan cusub ee Subxaanyada ayaa lagu ogaaday inay leeyihiin kala duwanaansho hidde oo 8% iyo 12% ah.

Nocan cusub ayaa loogu magac-daray Psammophis cornusafricae, amaba Subxaanyada Geeska Afrika.

Marka la baarayo waxaa sidoo kale la adeegsadaa kaamirooyin qaada sawirro fiican, oo muujin kara qolofta noolaha.

Noocan cusub ayaa gaar u ah deegaanno ka tirsan Puntland iyo Somaliland, iyadoo sida uu sheegay Xasan aan noocan laga helin deegaannada kale ee Soomaaliya.

Meelaha laga helay ee ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland ayaa ka siman nooca dhulka, oo ah mid aad u qallalan.

Caqabadaha lagala kulmo daraasadaha laga sameeyo Soomaaliya

Bare sare Xasan Sheekh Cabdiraxmaan Cilmi ayaa sheegay in inkastoo baaritaankan lagu sameeyay nooca cusub ee Subxaanyada laga helay Soomaaliya ay dalka u tahay wax weyn, haddana ay jiraan caqabado lagala kulmo daraasadaha laga sameeyo Soomaaliya.

"Dadka deegaanka marka ay arkaan caddaan, waxay ku leeyihiin caddaankan uma imaan inuu wax baaro ee keyraadka ayuu guranayaa," ayuu yiri.

Wuxuu sheegay inaan laga maarmin in la kaashado ajaanibta kale si dalka looga sameeyo daraasado waxtar leh.

“Soomaalidu keligeed ma laha awood ay wax ku baaran, sida sheybaar iyo dhaqaale ma heystaan”

“Anigoo Xasan ah keligey inaan tusaale ahaan wax kasoo baaro Kenya waxay iiga baahan tahay dhaqaale," ayuu yiri.

Sidoo kale ma jiraan khubarro Soomaali ah oo u diyaarsan inay gudaha dalka baaritaan ka sameeyaan, sida uu sheegay Xasan sheegay .

Waxaa kale oo uu sheegay in saynisku uusan xad lahayn, isla markaana saynisyahannada caalamku ay wada shaqeeyaan.