You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxaa laga baran karaa sida uu ninkan malaayiinka doollar uga sameeyay YouTube-ka?
Jimmy Donaldson, qofka ay dunida online-ku u taqaano Mr Beast, waa YouTuber-ka ugu wayn ee dunida maanta, waxaanu caannimadaas ka sameeyay hanti gaadhaysa malaayiin doollar.
25-sano jirkan, ayaa hadda u muuqda mid kasoo fadhiisanaaya muuqaal-samaynta wuxuuna hadda u weecday dhinaca cunto karinta iyo ganacsiga uu gaarka u leeyahay oo uu ugu magac daray, Mr Beast Burger.
Ganacsigiisa cunta karinta ayaa qabsaday ciwaannada warbaahinta toddobaadkan kaddib markii uu dacweeyay shirkadda u qaabilsan cunto karinta oo uu ku dhaleeceeyay in cuntada ay u samaysay taageerayaashiisu aanay ahayn midii ku habbooneyd.
Bishii Noofambar 2022, shirkadda Forbes waxay ku qiyaastay hantida uu Jimmy Donaldson (Mr Beast) ka sameeyey bartiisa Yuutube-ka lacag gaadhaysa $54 milyan oo dollar oo u dhiganta £42.5 milyan oo Gini sanad gudihii, waana isku darka dakhliga xayeysiinta muuqaallada ku jira akoonkiisa iyo xayeysiinta gaar ah ee uu u sameeyo shirkadaha waaweyn.
Tan iyo sanadkii 2022, wuxuu kasbaday 60 milyan oo macaamiil dheeraad ah kanaalkiisa ugu weyn, isaga oo wadarta guud ee dadka maanta ku xidhan ka dhigtay 173 milyan.
Mr Jimmy waxa kale uu leeyahay dhowr kanaal oo ay ku xidhan yihiin tobanaan milyan oo macaamiil ah oo ay ku jiraan mid samafal ah iyo mid lagu soo gudbiyo muuqaallada ciyaaraha.
Ma cadda cadadkaa dhabta ah ee uu kanaaladan kale ka sameeyo, balse Donaldson ayaa waxaa uu caan ku noqday qorshihiisa ganacsi ee ah in uu dib ugu celiyo kanaalkiisa dhaqaalaha kasoo gala, waxaana soo saarista qaar kamid ah muuqaallada uu sameeyo ee uu soo geliyo Youtub-kiisa uu ku bixiyaa lacago malaayiin dollar ah. Waxa uu ku sheegay wareysi lala yeeshay bishii June in uu dib ugu maalgeliyo Kanaalkiisa "dinaar kasta oo aan sameeyo waxaan dib ugu celiya Youtub-ka ". Ayuu yidhi.
Muuqaalka Squid Game In Real Life ayaa ah kan ugu daawashada badan muuqaallada ku jira kanaalkiisa waxaana daawaday 472 milyan oo ruux, waxaana dib u habeeyay shirkadda Netflix, taas oo sababtay in uu ku guuleysto $ 456,000 oo abaalmarin ah.
Marka laga yimaado muuqaallada, Donaldson wuxuu caan ku yahay samafalka, iyo sidoo kale bandhigyada ganacsiga. Waxa uu leeyahay hay'ad samafal oo shati leh oo u shaqaysa sidii bangi cunto si ay u quudiso bulshooyinka Maraykanka ee saboolka ah, waxaana uu sidoo kale uruuriyay tobanaan milyan oo dollar si wax looga qabto isbadalka cimiladda.
Waxa uu sidoo kale bilaabay noocyo kala duwan oo ah cuntada fudud, ganacsigiisa kale ee cuntada fudud ee Feastables, ayaa uu ku sheegay in si joogto ah looga iibin doono gudaha UK.
Heshiisyada ganacsiga Mr Beast
YouTuberadu waxay ku tiirsanaan karaan xayaysiisyada muuqaalladooda si ay uga sameeyaan dakhligooda, laakiin mararka qaarkood taasi ma daboosho kharashaadka Mr Beast kaga baxa soo saarista muuqaalladiisa.
Tusaale ahaan, Donaldson wuxuu sheegay bishii Luulyo in muuqaalkiisii ugu dambeeyay, uu ku bixiyay in uu soo saaro $3 milyan, balse uu muuqaalkaasi u soo xareeyay $167,000 maalmo ka dib. Muuqaalkan ayaa Xitaa inta uu ku jiro Youtub-ka aanay macquul ahayn in uu soo celiyo kharashka ku baxay.
Taasi waa meesha ay ka yimaadaan heshiisyada xayeysiinta ee ganacsiga dibadda.
Lucy Edwards, oo ah YouTuber haysata 705,000 oo macaamiil ah, oo noqotay soo jeediyihii ugu horreeyay ee BBC Radio 1 ee indho la'aan ah sannadka 2019, ayaa u sheegtay BBC in inta badan dakhligeedu uu ku yimaado xayeysiisyada ganacsiga ee ay sameeyaan dadka caanka ah.
"Hadda waxaan ku sawiranahay shaambadda timaha ee Pantene, oo ah astaanta daryeelka timaha," ayey tidhi.
“Mar kasta oo uu soo geliyo muuqaal, dadku waa ay gujiyaan”
Dadka sida dhow ula socda Donaldson ayaa sheegay in midka mid ah sababaha waaweyn ee ka dambeeya guusha Donaldson ee YouTube-ka laga yaabaa inay tahay shaqsiyaddiisa la jecel yahay, xitaa markii uu dhaafay PewDiePie si uu u noqdo muuqaal sameeya ugu sarreeya barta Youtube, PiWDiePi ayaa si fudud ugu hambalyeeyay oo sheegay inuu u “qalmo” kaalinta Koowaad.
Laakiin halka Donaldson uu yahay kan loogu adeegsadaha badan Youtube-ka, waxaa jira kanaala kale oo ay ku xidhan yihiin malaayiin ruux.
T-Series, oo ah shirkad daabacaadda muuqaallada muusiga ee Hindida, ayaa hoggaanka u haysa Youtube-ka iyada oo in ka badan 246 milyan oo macaamiil ah ay ku xidhan yihiin.
Donaldson ayaa rajeynaaya in maalin maalmaha ka mid ah noqdo YouTuber-kii ugu horreeyay tan iyo PewDiePie oo soo gaadha shirkadda T-Series ee ugu sarraysa barta Youtube-ka.