Sida Soomaalida timo beerashada u aada Turkiga ay u helaan dad ku haga dhaqaatiir la aqoonsan yahay

Hair transplant

Xigashada Sawirka, Getty Images

Garoomada dayuuradaha ee Yurub, gaar ahaan kuwa ay sii maraan duullimaadyada u socda ama ka imanaya magaalada ganacsiga ee Istanbul, waa wax caadi ahayn in la arko rag, madaxyadoodu xiiran yihiin iyo kuwa xiran koofiyadaha loogu talagalay dadka timaha beerta si ay uga hortagaan bararka soo wajaho qalliinka timo beerista kaddib.

In kasta oo xarumaha caafimaad ee magaalooyinka waaweyn ee Yurub ay bixiyaan adeegyadda timo beerista hadda, magaalada ganacsiga ee Istanbul ayaa ah meesha ugu badan ee ay tiigsadaan dad doonaaya in ay timaha beertaan.

Xidigga Masraxyadda, Jilaa u dhashay Ingiriiska oo lagu magacaabo Lee Mead ayaa shaaca ka qaaday in qalliinka timo beerista ay kor u qaaday kalsoonidiisa.

Jilaagan oo 41 sano jir ah, ayaa dalka Turkiga loogu sameeyay qaliin socday muddo 8 saac ah, waxaana uuna si toos ah ugu badhigay kanaaladiisa barah bulshada intii uu qalliinkaasi socday.

Wuxuu uu u sheegay BBC-da in timo beerista Turkiga ay "saddex jeer ka jaban tahay tan UK".

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa si kaftan ah loogu yeeraa Qaarada Yurub “Turkish Hairline” kaddib markii ay soo bateen xayeeysimaha lagu dhejiyay gudaha diyaaradaha, xayeeysiimahaasi oo ay leeyihiin shirkada fuliya timo beerista iyo sidoo kale tirade rakaabka ah ee raaca diyaaradaasi si ay Turkiga ugu soo beertaan timaha.

Dadka timo beerista u aada Turkiga waxaa kamid ah qaar kamid ah jaaliyadaha Soomaalida ee Yurub iyo xitaa kuwa ka taga Soomaaliya. Ganacsado badan oo Soomaali ah ayaana ka hirgeliyay Turkiga shirkado caafimaad iyo kuwa bixiya adeegyada la-talinta dadka doonaaya in ay beertaan timaha.

Shirkadda Meet clinics Waxaa ay kamid tahay kuwa bixiya adeegyada caafimaad, waxaan kamid ah adeegyadooda timo beerista.

Maxamed Suleiman oo ah madaxa isku xirka shirkada ee gobalka oo la hadlay BBC-da yaa sheegay in ku dhawaad 50 qof oo u baahan timo beeris ay bishii ku qaabilaan xaruntooda Istanbul.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay u dooraan macaamiisha dhaqaatirta haysata shatiga caafimaad ee ay bixiso dowladda Turkiga.

“Dhaqaatiirtu waxaa ay isugu jiraan kuwa haysta shatiga caafimaad ee dowladda iyo kuwa aan haysan, marka si aan u xaqiijin dhaqtarka waxaan weydinaa shatigiisa”. Ayuu yiri Maxamed.

Maxamed ayaa intaa ku daray in macaamiisha ugu badan ee Turkiga u yimaada timo beerista ay ka yimaadaan dalalka bariga dhexe, halka sidoo kale ay qaabilaan Soomaali badan oo kasoo safarta Canada Mareykankan ay qaabilaan.

“Wax badan ayaa loo baahan yahay in la eego, waxa ugu horeeya waa caafimaad, qof timo beerista ubaahan, iyo baaxada shaqada loo fulinaayo, baahida qofka ayaan marwalbo u eegnaa adeegyadda aan bixino”. Ayuu hadalkiisu raaciyay.

Maxaa Lagu Doortay Istanbul?

Getty images

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sarrifka hooseeya ee lacagta Turkiga iyo khibradda caafimaad ee Turkiga ayaa soo jiitay indhaha ajaanibta leh bidaarta, ma aha oo kaliya reer galbeedka ajaaniibta qiimaha timo beerista u taga Istanbul, waxaana sanad walbo gaara Turkiga kumanaan dalxiisayaal caafimaad oo kasoo socdaala wadamada qaarada Africa, oo ay Soomaaliya ku jirto.

Maxamed Suleiman ayaa sheegay in nolosha jaban ee Istanbul, iyo qiimaha ku baxa timo beerista oo aad ugu hooseeya meelaha kale ay suurta galisay in Istanbul ay noqota xudunta timo beerta.

“Dalxiisayaasha caafimaad dhowr shey ayey eegeen. Dhaqaalaha iyo kalsoonida xarunta caafimaad ayaan ugu horeey”. Ayuu sharxay.

Guud ahaan dhallinta ayaa qaata mudo seddax cisho ah, iyadda oo wixii ka badan 10 cishana ay tahay in bukaanku qabsado howl maalmeedkiisa caadiga ah.

“Toddobo cisho ilaa Toban cisho ayuu sugi karaa qofku inta waxwalbo ay caadi ka noqonayaan, wixii intaa ka danbeeya qofku wuu safri karaa, howlahiisana wuu fushan karaa”. Ayuu BBC-da u sheegay Maxamed Suleiman oo ah madaxa isku xirka shirkada Meet Clinics

Dhaqaalaha Ku Baxa Timo Beerista.

Lee Mead

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wasaaradda caafimaadka Turkiga ayaa sheegtay in sanadkan ay filayso laba milyan oo dalxiisayaal caafimaad ah oo ay ku jiraan dadka dalkaasi u tagay qalliinka timo beerista, daryeelka ilkaha iyo arimo kale oo caafimaad waxayna rajaynaysaa in ay dalku kasoo galo dalxiisayaashaasi dakhli dhan $20 bilyan oo dollar.

Beerista timaha ayaa ah habka ugu caansan hadda ee ay adeegsadaan dadka bidaarta leh iyada oo in ka badan 2,000(Laba Kuno oo qof) ay beeraan timaha gudaha Turkiga.

Dhinaca kale, beerista timaha gudaha Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku kici karta inta u dhaxaysa £1,000 ilaa £30,000 marka loo eego xogta NHS-ta, iyadoo ay tani ku xiran tahay inta ay le'egtahay bidaarta, nooca habraaca iyo rugta caafimaadka ee lagu fuliyo qalliinka.

Qalliinka ayaa u shaqeeya in dhaqaatiirtu ay tima caafimaad qaba ay kasoo qaadaan xagga dambe ee madaxa iyada oo markaa kaddib lagu tallaalo meelo bannaan oo ay timuhu ka maqan yihiin.

"Bidaartu ragga iyo dumarka labaduba waxay noqon kartaa mid aad u xun," Dr Williams ayaa sidaasi yiri.

Wadamo Ugu Badan Xaga Bidaarta Adduunka.

Getty images

Xigashada Sawirka, Getty Images