Sida looga falceliyay bandhigga 'Eeyaha' ee lagu qabtay Sacuudiga oo ah dal Islaam ah

Riyaad

Xigashada Sawirka, TWITTER@WEBOOK

Qoraalka sawirka, Bandhigga Eeyaha iyo waxa lagu tartansiinayo

Isticmaalayaasha baraha Bulshada ayaa munaasibadda Riyaad ee ka dhacday dalka Sacuudiga waxa ay ugu yeereen “munaasibaddii Eeyaha”, waxaana ay dood badan ka dhalatay furitaankeeda.

Shabakadda Bandhiga Riyaad oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Madadaalada ee dalka Sacuudiga ayaa sheegtay in howlahan loo qorsheeyay in ay socdaan muddo labo maalmood ah, waana markii ugu horreysay ee koobka hoyraallada Eyda lagu qabtay Sacuudiga.

Waxaa bandhigga lagu arkayay "lugaha dhaadheer ee Eyda, qaab dhismeedka weyn iyo eeyaha orodka dheereeya", sidoo kale "eeyaha uu jirkooda wanaagsan yahay iyo "Eyda shaqeeya", waxaa kale oo ka mid ah tartanka eyga quruxda badan muuqaal ahaan iyo dhogortaba.

In ka badan 250 eey oo laga kala keenay adduunka oo dhan ayaa ka qayb galaya tartankan.

Xilliga xafladda 2023-ka ee magaalada Riyaad ayaa waxaa ka dhashay doodo kulul oo u dhaxeeya mucaaradka iyo taageerayaasha, iyadoo maalin walba ay sii kordhayaan tirada dhibanayaasha ku waxyeeloobay dagaalka Israa’iil iyo Xamaas iyo weerarrada Israa’iil ay ku qaadday Qaza.

Turki Al-Sheikh oo ah madaxa maamulka barnaamijka madadaalada ee Sacuudiga iyo wasiirka ayaa muuqaal uu ku muujinayo bandhigga Eeyaha ku daabacay bartiisa X (Twitter) waxa uuna codsaday in laga qeyb qaato.

Doodaha baraha bulshada

Tan iyo markii uu billowday bandhiggan, dadku waxay aragtiyo iyo fikrado kala duwan ku muujiyeen baraha bulshada.

Dadka qaar ayaa ku tilmaamay bandhigga ‘Eeyaha’ ee ka dhacaya Sacuudiga qeyb ka mid ah xoojinta dalxiiska iyo damaashaadka caalamiga ah ee Sacuudiga, balse dadka dhaliila ayaa sheegay in Sacuudiga ay aheyd inuu mudnaanta siiyo barnaamijyada kale ee dhaqanka.

Riyaad

Xigashada Sawirka, @TURKI_ALALSHIKH

Qoraalka sawirka, Bandhigga Eeyaha

Cabdiladiif ayaa bartiisa X ee loo aqoon jiray Twitter-ka ku soo qoray in sanadkan ay jiraan howlo kala duwan oo ka jira bandhigga Riyaad: “bandhiggu waxa uu leeyahay taageerayaashiisa, barnaamijka sanadkan waa uu ka duwan yahay barnaamijyadii sanadaha kale”.

Mid kale oo lagu magacaabo Maxamed Al-Masharaka ayaa barnaamijkan u arka mid lagu farxo, isagoo sheegay in uu horay uga qeyb galay tartan ‘Ey’ oo kan la mid ah, isla markaana lagu qabtay dalka Canada.

Laakiin isticmaale kale oo lagu magacaabo Khaalid ayaa ku soo qoray isla X [Twitter], "Eeydu waxay leeyihiin kuwo jecel iyo milkiilayaashooda adduunka oo dhan, wey fiicnaan lahayd haddii aan bandhig eey ku yeelan lahayn Sacuudi Carabiya."

Dhaqdhaqaaqayaashu way cambaareynayaan

Mid kamida xubnaha dhaqdhaqaaqayaasha ee Sacuudiga, Turki Al-Shalhoub ayaa isaguna bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Marka la tixgaliyo heerka diineed ee Sacuudiga, dalkan aad buu uga sarreeyaa in bandhig ey lagu qabto”. Illahay baan ku dhaartaye waa in Ibnu Salmaan uu go’aansaday inuu noqdo mid yar oo la quursado.

Mid ka mid ah dadka kale ee isticmaala Twitterka oo lagu magacaabo Wafaa Al-Kwari ayaa cambaareysay bandhigga eyda, waxaana ay tartanka ku tilmaamtay mid calaamad u ah reer galbeedka. Waxaa loo arkaa in hadda loo soo socdo waddadii Xarameynka."waan ka murugoonayaa in bandhig eeyo laga dhigo meel barakeysan, halkan waa in lasiiyo Xurmada iyo Karaamada ay mudan tahay maanta”.

Riyaad

Xigashada Sawirka, @TURKI_ALALSHIKH

Qoraalka sawirka, Bandhigga Eeyaha

Dhaqdhaqaaqa Sacuudiga iyo mucaaradka Cumar Bin C/casiis ayaa qoray: “Qof kastaa wuxuu leeyahay rajadiisa iyo riyooyinkiisa, waxaa jira dowlado dagaallama oo dowladuhu waxay soo diraan dayax gacmeedyo iyo gantaallo, qaar kalena way hadlaan oo maxaabiistooda sii daayaan oo ay xalliyaan dhibaatooyinka, dowlado kalana waxa ay sameynayaan bandhigga eeyaha”. Bandhigyadu waxay sameeyaan carwooyin waaweyn".

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Bandhigga Riyaad

Waa barnaamij maaweelo caalami ah oo ay soo abaabusho maamulka madadaalada ee Sacuudiga.

Sanad walba waxaa lagu qabtaa caasimadda Riyaad, waxaana markii ugu horreysay la qabtay sanadkii 2019-kii.

Tani waa "Aragtida Sacuudiga 2030-ka". Waa mid ka mid ah barnaamijyada uu aasaasay Amiir Maxamed bin Salmaan.

Bandhigga Riyaad ee 2023-ka ayaa soo jiitay in ka badan hal milyan oo taageerayaal ah iyo ka qayb galayaal badan todobaadkii ugu horreeyay.

Barnaamijyo madadaalo iyo riwaayado kala duwan ayaa lagu soo bandhigay, waxaana sidoo kale jira bandhig faneedyo Khaliijka, Carabta iyo kuwa caalamiga ah.