You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Muxuu yahay farqiga u dhaxeeya Jaadka Muguka ee ay diideen qaar ka mid ah maamullada Kenya iyo kan caadiga ah?
Dalka Kenya waxaa wali ka socota doodda ka dhalatay mamnuucidda qaadka nooca loo yaqaano Muguka.
Barasaabyada 6 maamul gobleed oo ku yaalla xeebta dalka Kenya ayaa sheegay in ay deegaanadooda ka mamnuuceen Jaadka Muguka.
Barasaabyadan ayaa sidoo kale ku gacan seyray inay la kulmaan wasiirka beeraha Mithika Linturi si ay ugala hadlaan mamnuucida Muguka.
Ismaamulka Wajeer ayaa dhankooda sheegay in ay qorshaynayaan in ay mamnuucaan qaadka Muguka.
Barasaabka ismaamulka Mombasa Cabdulsamad Naasir ayaa xusay in jaadkan Muguka uu deegaankiisa ku hayo dhibaato caafimaad.
"Muguka ma aha oo kaliya arrin beeralay quseyso, waa arrin caafimaad, wanaag iyo runtii, amniga dadkeena, waxaana loo baahan yahay in loola," ayuu yiri.
Balse madaxwaynaha dalka Kenya William Ruto ayaa laalay mamnuucidda isaga oo sheegay in qaadku uu sharci ka yahay dalka Kenya.
Muxuu yahay farqiga u dhaxeeya Muguka iyo Qaadk caadiga ah?
Hay'adda Cilmi-baarista Beeraha iyo Xoolaha ee Kenya waxay ku tilmaantay muguka inuu yahay qeyb ka mid ah jaad loona yaqaano marka dhanka Seyniska laga eego Catha edulis in botanical.
"Farqiga u dhexeeya muguka iyo qaadka kale waa heerarka maadada Cathines iyo Cathinones ( kiimikooyinka saameeya jirka qofka cunaya ," ayuu lagu yiri warbixinta Hay'adda Cilmi-baarista Beeraha iyo Xoolaha ee Kenya.
Farqiga u dhexeeya labada nooc waxa uu ka bilaawdaa qaabka loo beero iyo sida marka la goynayo loo soo guro.
Marka ay timaaddo goosashada, beeralayda qaadka dhaadheer waxa ay gurtaan laamaha geedka, halka beeralayda muguka ay goostaan caleemaha.
Dadka cuna qaadka waxay ruugaan laamaha halka kuwa cuna muguka ay caleenta ruugaan.
Muguka ayaa waxaa lagu iibiyaa waddooyiinka waxaana lagu heli karaa qiimo aad u jaban sida 50 shilinka Kenya ah Sh150 ilaa Sh200.
Qaadka waxaa inta badan uu ka baxaa Waqooyiga Igembe, Koonfurta iyo Bartamaha iyo Tigania oo ku taal Gobolka Meru.
Muguka waxaa inta badan lagu beeraa Mbeere North iyo Mbeere South ee ka tirsan ismaamulka Embu.
Qaadka caadiga ah waxaa uu kus oo go'i kara oo la goostaa 28 maalmood ka dib halka Muguka uu ku baxo 7 maalmood ka dib.
Qaadka iyo muguka labaduba waxay leeyihiin oo ku jirta maadada cathin iyo cathinone laakiin waxay maadadaas awoodeeda ku badan tahay caleemaha muguka.
warbixn la soo saaray sanadka 2020 oo ku beegneyd maalinta caalamiga ah ee la dagalanka , wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa xaqiijisay in qaadka uu yahay daroogo maskaxda wax u dhima.
Dhibaatada Bulshada uu ku hayo jaadka Muguka
Sida ay sheegeen madaxda deegaanada laga mamnuucay qaadkan Muguka waxaa uu dhibaato ba'an ku hayaa bulshada gaar ahaan dhalinyarada.
Meelaha uu dhibaatada badan ku hayo Jadka nooca Muguka waxaa ka mid ah gobolka ay Soomaalida degto ee Waqooyi bari dalka Kenya.
Hay'adaha u dooda xuquuqul insaanka ee gobolka wuqooyi bari ayaa dhankooda ku baaqaya in LA joojiyo Muguka oo AY sheegeen in dhibaato badan uu bulshada ku hayo.
Salax Yuusuf Irshaad oo ah gudoomiya ku xigeenka golaha xuquuqul insaanka Garissa ayaa sheegay in Muguka uu qof walba si sahlan ku helo karo oo qiimihiisu uu aad u jaban yahay.
"Beeciisa iyo helidiisa way kala adag tahay, Jaadka caadiga ah hal mijin Garissa waxaa uu ka joogaa 10 dolar halka Muguka uu ka joogo 50 shilinka Kenya ama 100 shiling," ayuu yiri Mr Saalax.
Saalax ayaa farta ku fiiqay in qof walba uu awoodo in uu gato Jaadka Muguka islamarkana tirada dadka cuna ay muddooyiinkii u dambeeyay ay sii kordheysay.
"Bulshada maanta ku nool Garissa inta qaadka caadiga ah cuneysa inta Muguka oo Soomaalida u taqaano Maqooqaa cunaysa ayaa ka badan tan kale, subax kasta tira kale oo cuneysa ayaa ku birta, subax kasta jiil cusub ayaad arkeysaa," ayuu intaa ku daray.
Kooxaha bulshada rayidka ee gobolka Waqooyi-bari ayaa imika ku baaqaya in ismaamulada Garissa, wajeer iyo Mandera ay go'aan ka qaataan joojinta qaadka Muguka.
"Qaabka lagu joojin karo waxaa weeye oo kali ah in Garissa , Wajeer iyo Mandera sida gobolada Xeebta ay go'aanka uga qaateen in golahooda wakiilada ay go'aan gaaraan oo ay ansixiyaan in laga joojiyo maamullada," ayuu yiri Mr saaalax.