Sidee bay Sirdoonka Israa'iil ugu suurto gashay inay Yuhuudda Falaashaha ka raraan Itoobiya

Sidee Sirdoonka Israa'iil ugu suurto gashay inay Falaashaha ka raraan Itoobiya

Bishii Janaayo 1985, saraakiisha Israa'iil waxay qirteen markii ugu horreysay in Israa'iil ay si qarsoodi ah kumannaan Falaasha Yuhuudda ah uga soo wareejisay Itoobiya Israa'iil si qarsoodi ah.

Goor dambe ayaa waxaa la soo bandhigay faahfaahin ku saabsan hawlgalladaas ay hay'adda sirdoonka Israa'iil (Mossad) ku soo dhoofisay Falaashaha, kuwaas oo ay ugu caansan yihiin Moses, Sheba, Sulaymaan, iyo hawlgalkii wings of dove, magacyadaas oo ah kuwa ay Israa'iil ula baxday hawlagallada.

Yey Yihiin Falaashaha Yuhuudda

Diiwaanka Encyclopedia Britannica waxa uu sheegayaa in asal ahaan ay ka soo jeedaan dariiqada Beth ee Israa'iil ama Yuhuuda asal ahaan ka soo jeeda Itoobiya, ay tahay mid aan qarsoonayn, erayga Falaashana waxa uu ula jeeda Amxaarada dibad joogga ah ama shisheeyaha. Waxay ku andacoonayaan inay ka soo jeedaan Menelik I, wiilkii Boqoradda Sheba (Makeda) iyo king Solomon, qaar ka mid ah awoowayaashood waxay ahaayeen dad deegaanka ah (Agaw) oo qaatay diinta Yuhuudda (Judaism) qarniyo ka hor bilowgii xilligii Kiristaanka.

Waxaa jira warar kale oo ku saabsan asal ahaan dariiqadan, mid ka mid ah ayaa sheegaysa in Yuhuudda Itoobiya ay ka soo jeedaan qabiilka Cibraaniga ah ee Daan e lumay, halka mid kalena uu tilmaamayo in ay yihiin farcankii Yuhuudda oo ka tagay Boqortooyada Yahuudda ee Masar burburkii ka dib. Macbadka Koowaad ee 586 BC, waxayna ka dhoofeen Itoobiya.

Inkastoo firqada Israa'iil ee Beta ay ahayd mid aad u baahsanayd oo diintii ay rumaysnaayeen looga dhaqmo dalal kala duwan oo Afrikaan ah, misna waxay ahayd mid daacad u ah diinta yuhuudda (Judaism) ka dib markii boqortooyadii xoogga badnayd ee Itoobiya ka jirtay ee Aksum ay qaadatay masiixiyadda qarnigii 4aad ka dib dhalashadii nabi ciise, kuwaasoo markaa ka dib la laayey oo lagu khasbay inay dib ugu gurtaan deegaan u dhow laagta tana ee Itoobiya.

Iyadoo ay sii kordhaysay hanjabaadaha uga imanayay deriskooda Masiixiyiinta ah, bulshooyinka Yuhuudda ee kala duwanaa waxay noqdeen kuwo midoobay qarnigii afar iyo tobnaad iyo kii shan iyo tobnaad, wakhtigaas oo la bilaabay in loogu yeedho "Guriga Israa'iil" oo ay qayb muhiim ah ka noqdeen Itoobiya.

Encyclopedia Britannica waxa uu leeyahay inkasta oo ay Masiixiyiinta Itoobiya isku dayeen in ay dabar-gooyaan qarniyadii 15aad iyo 16aad, House of Israel waxa uu sii haystay madaxbannaani qayb ahaan ilaa qarnigii 17aad, markaas oo Boqor Susenyos uu gebi ahaanba burburiyay, dhulkoodiina la wareegay.

Dabayaaqadii qarnigii sagaal iyo tobnaad iyo horraantii qarnigii labaatanaad, xaaladaha Yuhuuda ee Itoobiya way soo hagaageen, iyadoo tobanaan kun oo Beta Israel ah ay ku noolaayeen aagga woqooyi ee harada Tana, raggooduna waxay ka shaqaynayeen tumaalnimo, farsamoyaqaanno hawlaha gacanta laga qabto ka shaqeeya, iyo beeralay, halka dumarka Beta Israel ay caan ku ahaayeen farsamada waxyaabaha dhoobada laga sameeyo.

Qowmiyadaas waxay haysten kitaab iyo buug duco oo ku qornaa Ge'ez oo ah luqad qadiimi ah oo Itoobiya looga hadli jiray, mana lahayn shuruucda Talmudic laws, laakinse sida ay ugu hogaansanaayeen dhaqanka yuhuudda ayaan la dafiri karin. Waxay qaban jireen wax la yiraahdo Sabbath oo yuhuuddu ay diin ahaan samayso, waxay kaloo samayn jireen gudniinka, kulamada cibaadada ee macbadyada yuhuudda, qaar waxay raacayeen hanaanka xagga cunnada ee yuhuudda, qalliinka xoolaha e 14ka Abriil ee sannad-diimeedka yuhuudda, waxayna u dabaal degi jireen maalmaha ku weyn Yuhuudda.

Falaashaha waxay ka go'een Yahuudda kale ee adduunka in ka badan kun sano. Waxaa dib u helay khubaro ku takhasusay cilmiga anthropology dhamaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad, laakiin maamulka wadaaddada Israa'iil uma aqoonsanin inay yihiin Yuhuud run ah ilaa horraantii 1970-yadii.

Sannadkii 1973-kii, Chief Rabbi Ovadia Yosef wuxuu si rasmi ah u qaatay aragtida ah in House of Israel uu ka tirsan yahay mid ka mid ah tobankii qabiil ee lumay ee Israa'iil kuwaas oo la waayay ka dib markii Boqortooyada Israa'iil la qabsaday qarnigii 8-aad ee ka hor dhalashadii nabi Ciise, iyo in "Falaasha ay yihiin Yuhuud. "

Faracii dariiqada Beth Israel waxaa ka mid ah kuwii awoowayaashood ay qaateen diinta Masiixiga markii daaciyiinta Masiixiyiinta ay awood u yeesheen inay qayb weyn oo iyaga ka mid ah ku qanciyaan inay diinta Masiixiga qaataan qarnigii sagaal iyo tobnaad, ka dibna farcankoodii ayaa mar kale ku soo noqday diinta Yuhuudda.

Kooxdan waxaa loo yaqaan Falasha Mura, waxaan sidoo kale lagu qiyaasaa in ka badan 20,000 oo qof, laakiin, wasaaradda arrimaha gudaha ee Israa'iil uma aqoonsana inay yihiin "Yuhuud buuxda".

Shuruucda Israa'iil ma siinayaan Yuhuudda Falash Mura xaqa muwaadinnimada ah ee ay ku heli karaan dhalasho marka ay yimaadaan Israa'iil, sida ay la qabaan inta badan Yuhuudda caalamka ku nool.

Dawladda Israa'iil ayaa qoondo ugu talo galay soo-galootiga Falash Mura ee Israa'iil, helitaankooda dhalashadana wuxu ku salaysan yahay iyadoo loo eegayo ka noqoshada ay ka noqdeen Ortodoksigii oo ay qaateen diinta Yuhuudda.

Qaar ka mid ah dadka Israa'iiliyiinta ah ee asalkoodu ka soo jeedo Itoobiya ayaa ku baaqay in loo ogolaado dhammaan Yuhuuda Itoobiya oo ay ku jirto Falaash Mura inay dalka yimaadaan oo ay ku soo biiraan, halka koox kalena ay ku gacan saydhay oo ku sababaysay in aanay horeba Yuhuud u aqoonsanayn.

Hawlgalladii ugu waaweynaa ee Falaashaha lagu rarayey

Waxa lagu qiyaasaa in intii u dhaxaysay 1952 iyo 1979, kaliya in 466 soo galooti ah oo ka yimid Itoobiya laga diiwaan galiyay Israa'iil, laakiin sida laga soo xigtay Xafiiska Tirakoobka Dhexe ee Israa'iil, intii u dhaxaysay 1980 ilaa 1992, ilaa 45,000 Soo galooti Bet Israel ah ee ka soo qaxay abaarta iyo dagaaladii sokeeye ee Itoobiya ayaa Israa'iil u haajiray.

Dhawr kun oo ka mid ah bulshadan ayaa ku haray Itoobiya ugu badnaan, laakiin ku biiristooda joogtada ah ee bulshada Israa'iil waxay ahayd mid muran iyo xiisad keentay sannadihii xigay.

Hawlgalkii Moses (Muuse)

Hawlgalkan oo dhacay intii u dhaxaysay bartamihii bishii November 1984 ilaa January 1985, waxa loogu magac daray Muuse oo ah nabi Muuse, waxaanu ahaa dedaal iskaashi oo dhex maray sirdoonka Israa'iil, CIA iyo masuuliyiintii Suudaan ee uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee Jacfar Numeyri.

Dagaaladii sokeeye iyo macaluushii halakeysay shacabka Itoobiya oo ay Yuhuudu ka mid tahay awgeed, kumannaan bulshada ka mid ah ayaa lug uga qaxay dalka Itoobiya oo ay ku tageen xeryo qaxooti oo ku yaalla dalka Suudaan, safarkaas oo inta badan qaadan jiray laba toddobaad ilaa bil. Waxaa lagu qiyaasay in ilaa 4,000 oo qof ay ku dhinteen safarkaas, rabshado iyo cudurro awgood.

Golaha Wasiirada Israa'iil ayaa shir yeeshay bishii November 1984-kii si ay uga doodaan arrintan, waxaana go'aan lagu gaaray in la sii wado Hawlgalka Muuse. Laga bilaabo 21-kii Noofambar ee sanadkaas, ilaa 8,000 oo Yuhuud ah oo Itoobiyaan ah ayaa laga soo wareejiyay Suudaan iyadoo la sii mariyay Brussels, Belgium, loona gudbiyay Israa'iil. Hawlgalka ayaa la soo gabagabeeyey horraantii Janaayo 1985kii.

Jariidadda Los Angeles Times ayaa ku tilmaantay duullimaadyadii ugu ballaarnaa tan iyo markii la sameeyay howlgalkii "Magic Carpet" ee sanadihii 1950-meeyadii, kaasoo looga keenay Ciraaq 121,000 oo Yuhuud ah, Yaman 47,000 oo Yuhuud ah, iyo 3,000 oo Yahuud ah oo laga keenay Cadan wax yar ka dib markii la aasaasay Israa'iil 1948-kii.

Duullimaadkani waxa kale oo uu ka dhigan yahay qulqulka ugu badan ee soo galootiga ka imaanaya hal gobol tan iyo 1970-meeyadii, markaasoo kumannaan Yuhuuddii Soofiyeedka ahi yimaadeen.

Hawlgalka Sheba

Wuxuu hawlgalkani dhacay sanadkii 1985-kii, xiligaas oo in ka badan 20,000 oo Falaash ah lagu soo qaaday dadaalka uu sameeyay Madaxweynihii hore ee Mareykanka George Bush Sr., oo xiligaasi ahaa Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka. Waxa uu booqday caasimadda Suudaan ee Khartuum, wuxuuna la kulmay madaxweynaha Suudaan Numeyri si uu u xaqiijiyo in si guul ah ay ku soo dhamaadeen howlihii wareejinta.

Ciidamada Mareykanka ayaa waxaa u suuragashay in diyaaradahooda ay ku daabulaan dad fara badan oo Falaash ah, kuwaasi oo ka soo qaaday garoonka diyaaradaha ee Al-Azaza ee ku yaala bariga dalka Sudan.

Hawlgalkii Solomon (Sulaymaan)

Horaantii 1991-kii, taliskii Mengistu Haile Mariam ee Itoobiya waxa uu qarka u saarnaa in uu burburo, ka dib markii ay xoogaga fallaagada ku soo dhawaadeen caasimadda Addis Ababa. Dhammaadkii May 1991, maalmo ka hor intii aanay Addis Ababa gacanta u gelin jabhadihii, Mengistu wuxuu ka cararay Itoobiya isagoo magansaday Zimbabwe.

Waxaa heshiis dhex maray mas'uuliyiin ka tirsan dowladdii Mengistu iyo Israa'iil si loogu oggolaado bulshada Beth Israa'iil inay u soo haajiraan Israa'iil si loogu beddelo tiro mas'uuliyiin ah oo helay qiyaastii 35 milyan oo doolar iyo meel ay degaan gudaha Mareykanka ah.

Natiijadii heshiiskan, wuxuu noqday "hawlgalkii Sulaymaan", kaas oo ilaa 15,000 oo Yuhuud Falaash ah loo qaaday Israa'iil 24-kii May 1991-kii, ayadoo lagu daabulay illaa 30 diyaaradood oo ay leeyihiin ciidammada Cirka Israa'iil iyo shirkadda dayaaradaha Israa'iil e El Al.

Nolosha Falaashaha markii ay Israa'iil tageen

In ka badan 160,000 oo Israa'iiliyiin ah oo asalkoodu ka soo jeedo Itoobiya ayaa hadda ku nool Israa'iil. Iyaga ama waalidkood waxay la yimaadeen shandad dhar ah, ma ay aqoon luqadda Cibraaniga, laakiin waxay isku dayeen inay ku biiraan bulshada cusub xilli qaar badan oo ka mid ah aasaaska diimeed ay su'aal ka keeneen Yuhuudnimadooda.

Dhacdo hore oo daaha ka fayday habkan ayaa ahayd in la ogaaday sagaashamaadkii in bangiga qaranka Israa'iil uu si joogto ah u baabi'iyo dhiig ay ku deeqaan Israa'iiliyiinta Itoobiya iyagoo ka baqaya in laga qaado HIV.

Tani waxay dirtay fariin ah "ka-reebitaanka bulshada inteeda kale ee Israa'iil."

Haddaba, dhex-galka Yuhuuda Itoobiya ee bulshada Israa'iil ayaa u muuqata mid aad u adag marka la eego heerka shaqo la'aanta iyo saboolnimada badan ee dhexdooda ka jirta, marka laga soo tago takoorka iyaga lagu hayo, taas oo weli socota in kasta oo dhawrkii sano ee la soo dhaafay uu yara horumaray.

2014, warbixinta Amy Palmor, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda ee Israa'iil, ayaa la soo saaray, taas oo ku baaqday in dib-u-habeyn weyn lagu sameeyo xaaladaha dadka Israa'iil ee asal ahaan ka soo jeeda Itoobiya.

Shan sano ka dib markii warbixinta la soo saaray, warbixin dowladeed ayaa sheegtay in kaliya 67 boqolkiiba talooyinka Warbixinta Palmor la fuliyay.

Guulaha la taaban karo ayaa la xiriira dhinacyada waxbarashada iyo shaqada, iyadoo inta badan talooyinka aan weli la dhameystirin ay la xiriiraan la dagaalanka heyb sooca ee wasaaradaha waxbarashada, isgaarsiinta iyo ciyaaraha.