Madaxda adduunka ee aan ka qeybgaleyn aaska Boqorad Elizabeth II

Maxamed Bin Salmaan iyo Boqoradda

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mohammed Bin Salman ayaan la fileyn inuu xaadiro aaska Boqorad Elizabeth maanta oo Isniin ah, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay qof la shaqeeya xafiiska arrimaha dibadda ee Britain.

Horay waxaa loo filayay inuu halkaas tagi doono kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay boqortooyada UK.

Sacuudi Carabiya waxaa matali doona Amiir Turki al-Faisal, sida ay wakaaladdu ka soo xigatay il-wareedka. Amiir Turki waa wasiirka arrimaha dibadda, wuxuuna xubin ka ahaa Golaha Wasiiradda tan iyo 2018. Waxaa awoowe u ahaa Boqor Fahad, wuxuuna ka mid yahay jiil cusub oo uu xukunka ku soo daray Amiir Maxamed.

Ilo ay soo xigatay Reuters ayaa sheegay in isbeddelkan uu ka yimid dhanka Sacuudiga.

Muran ayaa horay uga dhashay martiqaadka loo fidiyay dhaxal sugaha Boqoryooyada Sacuudiga.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay go'aanka lagu casuumay dhaxal-sugaha, oo haatan ah ninka ay gacanta ugu jirto talada Sacuudiga.

Amiirka oo loo yaqaanno "MBS", ayaa waxay sirdoonka reer galbeedku ku eedeeyeen inuu amray dilka weriyihii sacuudiga u dhashay ee Jamaal Khaashuqji, sanadkii 2018. Hase yeeshee isagu wuu beeniyay inuu ku lug lahaa dilkaas.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu dhacay dilka Kaashuqji Maxamed Bin Salmaan ma uusan tegin Britain, sida uu ku warramay weriyaha BBC ee arrimaha ammaanka, Frank Gardner.

Inkastoo scauudiga lagu eedeeyo meel ka dhac xuquuqda aadanaha ah, haddana wuxuu saaxiib dhow la yahay Britain.

Kuwa aan la casuumin

Putin

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wakiillada ka socda dalalka Suuriya, Venezuela iyo Afghanistan ayaan lagu casuumin munaasabadda aaska Boqoradda, sida uu sheegay wariyaha BBC-da, James Landale.

Tani waxa ay ka dhigan tahay in hoggaamiyeyaasha dalalkan aysan tegi doonin London, wafdi kalena soo dirsan karin.

Sababtu waxa ay tahay in UK aysan xiriir diblomaasiyadeed la lahayn dhammaan waddamadaas.

Ma jirto cid ka socota Ruushka, Belarus iyo Myanmar oo lagu casuumay aaska.

Xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay UK iyo Ruushka ayaa gebi ahaanba burburay tan iyo markii uu Putin amarka ku bixiyay weerarka ay militeriga Ruushku ku qaadeen Ukraine.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa sheegay in “uusan qorsheyneyn” ka qeybgalka aaska.

Duullaanka lagu qaaday Ukraine waxaa qeyb ahaan laga billaabay gudaha Belarus. Sidoo kale UK waxa ay hoos u dhigtay xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Myanmar, tan iyo markii uu afgambiga militeri ka dhacay dalkaas sanadkii lasoo dhaafay.

Kuuriyada Waqooyi iyo Nicaragua ayaa lagu casuumay in ay soo dirsadaan safiirro keliya, balse looma oggolaan inay madaxdooda soo diraan.