You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay ahaayeen raggii ku labisnaa macawisaha ee maanta lagu arkay maamuuskii 18-ka May ee lagu qabtay Hargeysa
18-ka Bisha May sanad walba waxaa gudaha magaalooyinka Somaliland iyo dalalka dibada lagu qabtaa xusas ballaaran oo lagu maamuusayo asaaskii Jamhuuriya Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
Soddon iyo afar sanno oo ka soo wareegtay markii la asaasay Somaliland waxay ka mid tahay meelaha gobolka Bariga Afrika ee ay ka hirgaleen ammaan adag iyo doorashooyin dadweynuhu soo doortaan madaxdooda.
Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo madaxdii hore ee soo hoggaamisay Somaliland oo uu ka mid ahaa madaxweynihii xilka ku wareejiyey Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wadajir ugu qayb galay musaabad ballaaran oo lagu xusayey asaaska markii Somaliland ku dhawaaqday inay ka baxday Soomaaliya inteeda kale.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ugu baaqay dalalka dunida in ay tixgeliyaan aqoonsiga Somaliland doonayso.
Madaxweyne Cirro oo khudbad ka jeediyey xuska maalinta 18 May ee Somaliland ku dhawaaqday gooni isu-taaggeeda, oo maanta guud ahaan laga xusay deegaannada Somaliland, ayaa sheegay "in ay Somaliland buuxisay shuruudihii looga baahnaa qaran madax bannaan, isla markaana ay adduunku garowsado in Somaliland dal u aqoonsadaan."
Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray in dhambaallo aqoonsi ay kaga codsanayaan adduunka uu u diray in ka badan 190 madaxweyneyaal, raysal wasaareyaal iyo boqorro isugu jira, kuwaas oo ay ka codsadeen aqoonsi "195-ka dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay dhambaallo codsi aqoonsi ah u dirnay, shalay baana la gaadhsiiyey codsigaas" ayuu yidhi Madaxwayne Cirro.
Madaxweyne Cirro waxa kale oo uu sheegay in Somaliland gacan ka geysan karaan xal u helidda dhibaatada ka taagan Soomaaliya, isaga oo xusay in ay xog-ogaal u yihiin dhibaatadaas.
Maxay ahaayeen raggii dhoolatuska maray ee macawisaha ku labisnaa?
Inta badan munaasabada 18-ka may ee ka qabsoonta caasimada Hargeysa ayaa ah tan ugu maamuuska weyn ee ka dhacda gudaha deegaanada Somaliland taas oo lagu soo bandhigo waxqabadka xukuumada iyo dhoolatuska ciidamada kala duwan ee Somaliland.
Ciidadamadda oo ku gaashamaan gadiid dagaal oo si farshaxan leh loo maamuusay, shaqaalaha, iskaashatooyinka iyo qaybaha kala duwan ayaa mara laami dheer oo hor mara goob ay madaxdu ku sugan yihiin.
Arrinta ku cusbayd munaasadda sanadkan ayaa ahayd in lagu arkay rag ku labisan macawiso iyo dhar kala jaad jaad ah oo garabka ku sita alwaax qori loo ekeysiiyey kuwaaas oo dhulka dhigay qoryaha alwaaxa ka samaynaa gacmahana kor u taagay taas oo si weyn hadal hayn ugu dhaliyey baraha bulshada ee Soomaalida isticmaasho.
Sida lagu baahiyey baraha bulshada, dadka qaar ayaa sheegay in ay ahaayeen bulsho matalaysay ciidamaddii madaniga ahaa ee lagu daray ciidamada dowladda iyo inay ahaayen isla ciidamadaas oo soo badhigay labada muuqaal ay kala lahaayeen labada jeer.
Wasiirka gaashaandhigga Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Maxamed Yuusuf Cali oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ragga macawisaha xirnaa ee marayey munasaabada ay ahaayeen qayb ka mida ciidamadii madigana ahaa ee dhawaan xukuumadda madaxweyne Cirro ay u baddeshay ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland.
Wuxuu intaa raaciyey wasiir Maxamed in tani diraysan laba fariimood oo midna ku socotay ciidamadii la dowladeeyey midna ku socotay shacabka.
"Dhalinyaradii ciidamada madiga ee la dowladeeyey ayey tusaale nool u ahayd, waxay dadka tusaysay in ciidankii madiniga la qarameeyey ay maanta ka mid yihiin ciidanka waayo waa daba socdeen. Iyagana waxay u ahay dhiirigelin kuwii madaniga aha away arkayaan inay ka mid yihiin ciidamada waxay tahay farriin wacyi galineed, tusaalaha labaad waa in mustawahaa laga soo gudbay oo ah in xubno cusub oo ku soo biiray qaybaha ciidamada" ayuu yiri wasiirku.
Mar BBC-du waydiisay wasiirka in ragga xirnaa macawisuhu ay ahaayeen bulsho matalaysay ciidamadaas madaniga ka hor intaan lagu darin ciidamada ayuu sheegay inay ahaayen isla rag ka tirsan kuwa lagu biiray ciidamada dowladda oo matalayey sidii ay ahaayeen markii ay madaniga ahaayeen
"Laftoodii ayey ahaayeen, oo qaabkoodii hore ku mataleyey, xeeryaha tababarka ayey joogaan, xeryaha laga soo qaaday, tusaale ayaa loo soo qaatay hadda siday yihiin iyo markii hore siday ahaayeen,"ayuu BBC-da u sheegay wasiirka gaashandhiga Maxamed Yuusuf Cali.
Wasiir Maxamed, wuxuu intaa raaciyey inay guul weyn u tahay wasaaradda gaashandhiga iyo xukuumadda madaxweyne Cirro in ciidamadu ku taxnaa jiid ku dhow 350KM mudadaaa kooban la dowladeeyey oo ay ka mid noqdeen ciidamadda dowladda iyaga iyo gadiidkoodiiba.
Somaliland ayaa muddo ka shaqaynasay sidii ciidamadii madaniga ee ku sugnaa deegaano ka mida gobolka Sanaag loogu biirin lahaa ciidamada dowladda iyadoo madaxweyne xigeenka Somaliland iyo wasiiro muddo ay fadhiyeen gobolkaasi.