Waa kuma Raysulwasaaraha cusub ee Faransiiska ee uu soo magacaaby Macron?

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa u magacaabay hogaamiyaha dhexe François Bayrou inuu noqdo ra'iisul wasaaraha xiga ee Faransiiska, si loo soo afjaro qalalaasaha siyaasadeed ee bilihii lasoo dhaafay.

Bayrou, oo ah 73-jir, duqii magaalada koonfur-galbeed oo hoggaamiya xisbiga MoDem, ayaa sheegay in qof walba uu garwaaqsaday culeyska ay leedahay howsha hortaalla: "Waxaan qabaa in dib u heshiisiin ay lagama maarmaan tahay."

Macron ayaa u arka Ra'iisulwasaaraha cusub Bayrou inuu yahay musharax la isku raacsan yahay, hawshiisu waxay noqon doontaa inuu ka fogaado wadadii Ra'iisulwsaarihii isaga ka horreeyay. Wada xaajoodihii hore ee Brexit Michel Barnier ayaa xafiiksa hayey saddex bilood oo kaliya waxaana xilka ka qaaday mudanayaasha baarlamaanka sagaal maalmood ka hor.

Macron waxa uu marayaa kala bar markiisii labaad ee xilligiisa madaxweynenimada, Bayrou waxa uu noqonayaa ra'iisul wasaarihii afaraad ee sannadkan.

Siyaasadda Faransiiska ayaa cakirneyd tan iyo markii Macron uu ku dhawaaqay doorashooyin baarlamaan oo degdeg ah intii lagu jiray xagaaga, ra'yi ururin uu sameyay BFMTV ah oo Khamiista ah ayaa muujisay 61% codbixiyayaasha Faransiiska inay ka walaacsan yihiin xaaladda siyaasadeed.

In kasta oo xulafada siyaasaded ay si is-daba joog ah ay saf ugu jireen si ay u u hambalyeeyaan magacaabista Bayrou, hoggaamiyaha xisbiga Hantiwadaaga Carole Dega waxa uu sheegay in hawsha oo dhami ay noqotay "filim xun". Hogaamiyaha bidixda-fog ee France Unbowed Manuel Bompard ayaa ku tilmaamay"bandhig xun".

Xisbiga Hantiwadaaga bidix dhexe ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay la hadlaan Bayrou balse aysan ka qeyb qaadan doonin dowladdiisa. Hogaamiye Olivier Faure ayaa sheegay in sababta aya tahay in Macron uu qof ka doortay "xeradiisa", Hantiwadaagu waxa ay sii ahaan doonaan mucaarad.

Madaxweyne Macron ayaa wacad ku maray in uu xilka sii hayn doono ilaa iyo inta uu ka dhamaanayo xilligiisa labaad ee 2027, inkastoo Barnier la riday todobaadkii hore.

Waxa uu soo gaabiyay safar uu ku tagi lahaa dalka Poland khamiistii, waxaana la filayay inuu soo magacaabo ra'iisul wasaarihiisa cusub habeenimadii Khamiista, balse wuxuu dib u dhigay ku dhawaaqistiisa ilaa Jimcaha.

Kadibna qasriga Palace Elysée ayuu kula kulmay Bayrou. Go'aanka ugu dambeeya ee magacaabista ayaa la gaaray saacado kadib taas oo tilmaan u ah qaabka wada-hadallada ee wargeyska Le Monde uu soo jeediyay in Macron uu door biday saaxiib kale oo la yiraa Roland Lescure, balse uu go'aankiisa beddelay markii Bayrou uu ku hanjabay inuu kala noqonayo taageerada xisbigiisa.

Bayrou ayaa lagu waday inuu saacado gudahood u guuro guriga ra'iisul wasaaraha uu ka degan yahay Hotel Matignon, waxaana xitaa roogga cas loo dhigay xitaa ka hor xil wareejinta iyo inta aan la xaqiijin magaciisa.

Caqabadda uu la kulmi karo ayaa waxay keeni kartaa sidii uu u soo dhisi lahaa xukuumad aan la diidin si la mid ah sidii ay baarlamaanka u diideen ninkii isaga xilka kaga horreeyay.

Macron wuxuu horrey wadahadalo ula yeeshay hoggaamiyaasha dhammaan xisbiyada siyaasadeed ee ugu muhiimsan.

Su'aashu waxay tahay yaa lagu qancin karaa inuu ku biiro dawladda Bayrou, ama ugu yaraan in lagu heshiiyo in aanay isaga xilka ka qaadin.

Marka loo eego nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Shanaad ee Faransiiska, madaxweynaha waxaa lasoo doortaa shan sano kadibna wuxuu soo magacaabaa ra'iisul wasaare uu soo magacaabayo madaxweynaha.

Si aan caadi ahayn, madaxweyne Macron wuxuu ku dhawaaqay doorashooyin degdeg ah oo baarlamaanka ah xagaagii kadib natiijooyin liita oo doorashadii Midowga Yurub ee bishii June. Natiijadu waxay Faransiisku gelisay jahwareer siyaasadeed, iyo saddex kooxood oo waaweyn oo siyaasadeed oo ka kooban bidix, dhexda iyo midigta fog.

Ugu dambayntii waxa uu soo doortay Barnier si uu u sameeyo dawlad laga tiro badanyahay oo ku tiirsan Marine Le Pen ee xisbiga National Rally si ay u sii jirto. Macron ayaa hadda rajaynaya in uu soo celiyo xasiloonida siyasadeed iyada oo aan ku xirneyn xisbigeeda.

Dhanka kale, Marine Le Pen ayaa ku baaqday in siyaasadda xisbigeeda ee ku aaddan qiimaha maciishada ay kula xisaabtameyso xukuumadda imaanaysa, iyadoo la dhisayo miisaaniyad "aan dhaafin khadadka cas ee xisbi walba".