Maxay Xooluhu u Cunaan lafaha iyo carrada?

Xanuunka xoolaha qaar waxa uu salka ku hayaa hoos dhac ku yimaada difaaca jirkiisa, waxyaabo uu cuno iyo jirrooyin dabiici ah oo ku dhaca neefka. sida uu sheegayo Saruur Axmed oo degan tuulada Dhadhacha Bal'aa ee degmadda Raitu, dalka Itoobiya ayaa neef geel ah oo uu ka soo gatay dhulka Soomaalida ee dariska ah deegaankiisa waxaa barartay caloosha marka uu xaafadda keenay.

Neefka geela oo ahaa hal siddeed jir ah ayaa xaaladdedu liidatay ka dib markii la soo iibiyey lana soo kaxeeyey guriga, isaga oo ka soo bixiyey 68,000 oo birr, lacagta Itoobiya ah.

Iyadoo xaaladda geelu maalinba maalinta ka dambaysa ka sii daraysay, ayaa loo geeyey dhakhaatiirta xoolaha ee tuulada.

Dhakhtarka xoolaha ee tuulada Dhadhacha Bal'aa, degmada Raitu, Kadir Maxamed, ayaa sheegay in markii geela loogu keenay daaweyn ay si fudud u dareemeen in calooshiisa ay ku jiraan dhagaxyo iyo walxo kale, iyada oo aan baaritaan dheeraad ah la samayn.

"Neefkan calooshiisu way barartay. Annagoo aan samayn wax baaritaan ah ayaan gacmaha ku garaacnay caloosha, waxaana ka yeeray dhawaaq u eg bir ama qolof in ay ku jiraan geela calooshiisa.

Marka la taabto caloosha meesha ay birto ku jirto aad bay uga adagtahay qeybaha kale ee caloosha, xanuun badanna wuu dareemayay neefka," ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in inkastoo dhagaxyo iyo walxo aan la cuni karin ay mararka qaarkood ka soo baxaan caloosha xoolaha sida geela ee ku nool degmada Raitu oo ah deegaan beeraha ah, haddana kiiskan uu ahaa mid ka duwan kuwii hore.

Dr. A.S. Kadir, isaga oo ay weheliyaan dhakhaatiir kale, ayaa go'aansaday inay aadaan guriga milkiilaha geela si ay qalliin ugu sameeyaan oo ay uga saaraan dhagaxyada.

"Geelku maalmo badan hurdo ma helin, cunto ma cunin. Haddii xaaladdan ay sii socon lahayd maalmo kale, wuu dhiman lahaa. Sidaas darteed ayaan la tashannay milkiilaha, waxaana go'aansannay in qalliin lagu sameeyo."

"Qalliinka waa uu adkaa, dhagaxyo ciid ah iyo lafo jajaban ayaan ugu tagnay caloosha, kuwaas oo ka badnaa intii aan filaynay. Waxay nagu qaadatay in ka badan saddex saacadood," ayuu yiri Dr. Kadir.

Waxay sidoo kale sheegeen in xubnaha caloosha ay dhibaato soo gaartay oo ay waxyeelloobeen sababo la xiriira tirada badan ee dhagaxyada iyo walxaha kale ee aan la cuni karin ee ku jiray caloosha geela.

"Sababtoo ah dhagaxyada tiradooda badan, xubno badan oo caloosha ka mid ah ayaa ka guuray meeshii saxda ahayd oo meel khaldan galay."

Qalliinka ayaa lagu guulaystay, waxaana caloosha geela laga saaray in ka badan 49 kiiloogaraam oo ciid, dhagaxyo iyo lafo ah.

"49-ka kiiloogaraam waa walxo waaweyn oo adag, balse haddii lagu dari lahaa jajabka yaryar iyo burburka kale, wuu ka badnaan lahaa," ayuu yiri.

Maxay xooluhu u liqaan dhagxanta?

Sida uu sheegay Dr. Kadir, xooluhu marka ay jirkooda ka yaraadaan macdano muhiim ah, waxa ay ku qasbanaadaan inay cunaan waxyaabo ay adagtahay inay cunaan sida dhagaxyo, lafo, bir, iyo caag.

"Marka ay ka yaraadaan curiyayaal sida kaalshiyam, fosfooras iyo soodhiyam, waxay raadiyaan inay cunaan waxyaabo aan la cuni karin sida dhagaxyo, lafo xoolaad, carro iyo walxo kale," ayuu yiri.

Sidoo kale, meelaha ay ka jirto cunto-yari iyo daaq la'aan, xooluhu waxay cuni karaan waxyaabo waxyeello u geesanaya caafimaadkooda.

Marka ay beeralaydu arkaan xoolahooda oo bilaabaya inay cunaan waxyaabo sida dhagaxyo, lafo iyo carro, waa inay si degdeg ah ugu geeyaan xarumaha daaweynta. Haddii ay ka yaraadaan curiyayaal, waa la baari karaa lana siin karaa daawooyin iyo cirbado, ayuu yiri. Dr Kadir

Dadku waa in ay xoolaha u raadiyaan daaq ku filan, deegaamada ay ka jirto daaq yarida waa muhiim in laga guuro oo la dago meelo calaf leh.

Magaalooyinka cuntada dadka ayaa keeni karta in xooluhu cunaan, iyagoo ka raadinaya ur ama dhadhan, ayuu yiri Dr. Kadir.