Ma ogtahay in miraha bocorka ay leeyihiin faa'iidooyin aan lagu baraarugsanayn?

Mirahan waxaa ka buuxo maadada Zinc, waxayna jirka muhiim ugu tahay dhowr arrimood oo ay ka mid tahay xoojinta difaaca jirka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Bocorka waa geed ay Soomaalidu taqaano, waxaana inta badan lagu darsadaa suugada, inkastoo dadka qaar ay cabitaan ahaan u isticmaalaan.

Laakiin miraha bocorka waxay ku jira oo ay leeyihiinfaa'iidooyin badan, waxaana laga sameeyaa saliid loo adeegsado nafaqo iyo caafimaad ahaan intaba, saliidaas waxaa loo yaqaanaa "Pumpkin Seed Oil",.

Haddaba faa’idooyinka laga heli miraha bocorka waxaa ka mid ah:

Siddeed Faa'iido oo muhiim ah oo ay leeyihiin miraha bocorka

Miraha bocorka waxaa ka buuxo macdanta magnesium loo yaqaano, macdantaan ayaana ka qeyb qaadato tamarta jirka,

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Miraha bocorka waxaa ka buuxo macdanta magnesium loo yaqaano, macdantaan ayaana ka qeyb qaadato tamarta jirka

Maaddada Magnesium-ka iyo Wadnaha: Miraha bocorka waxaa ka buuxo macdanta magnesium loo yaqaano, macdantaan ayaana ka qeyb qaadato tamarta jirka, shaqada wadnaha, caafimaadka ilkaha iyo lafaha, dabacsanaanta xididada iyo dheefshiid-ka. Waxay aad muhiim ugu tahay garaaca iyo shaqada murqaha wadnaha.

Maaddada Zinc iyo Difaaca Jirka: Mirahan waxaa ka buuxo maadada Zinc, waxayna jirka muhiim ugu tahay dhowr arrimood oo ay ka mid tahay xoojinta difaaca jirka, korriimada unugyada jirka, hurdada, dhadhanka, carfinta, caafimaadka maqaarka, xakamaynta sokorta jirka iyo caafimaadka jinsiga ee ragga.

Dadka ay maadadaan ku yar tahay waxaa lagu arkaa hergab soo noqnoqdo, caajis badan, niyad jab, findoob, miisaan yarI iyo ku liidashada waxbarashada iyo xifdinta. Waxay dowr weyn ka ciyaartaa sare u qaadista difaaca jirka caruurta iyo dadka waawaynba.

Omega-3 iyo Macaanka: Waa dufan caafimaadka u roon, waxaana mirahaan lagu tiriyaa meelaha ugu badan ee laga helo, dufankaan waxay isku badashaa maaddo loo yaqaano "Alpha-linolenic acdi" oo muhiim u ah ka hortagga macaanka ama nuqusaanta hormoonka Insulin-ka.

Caafimaadka ragga: Miraha bocorka sidaan horay u soo sheegnay waxaa ka buuxa maaddada Zinc, tan oo muhiim u ah shaqada qanjirka ragga ee "Prostate", waxaa lagu daaweeyaa bararka qanjirka borostaatada.

Miraha bocorka sidaan horay u soo sheegnay waxaa ka buuxa maadada Zinc, tan oo muhiim ah shaqada qanjirka ragga ee "Prostate",

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Miraha bocorka sidaan horay u soo sheegnay waxaa ka buuxa maadada Zinc, tan oo muhiim ah shaqada qanjirka ragga ee "Prostate",
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Haweenka dhalmo-deyska ah: Miraha bocorka waxaa ku jira maaddo dabiici ah oo loo yaqaanno "Phytoestrogens", cilmibaaris lagu someday waxaa la arkay inay kordhiso kolestaroolka fiican ee "HDL", waxayna hoos u dhigtaa dhiig-karka, madax xanuunka, kalagoysyo xanuunka iyo hurka la dareemo xilliga dhalmo-deyska.

Sunsaarista iyo Beerka: Miraha bocorka waxaa ku jiro macdan sunta ka saarto jirka, taasoo caawiso shaqada beerka ee dadka.

Maaddada Tryptophan iyo Hurdada: Miraha waxaa ku jira macdanta "Tryptophan" taas oo laga sameeyo hormoonka hurdada kontaroola, waxaana saliida laga sameeyo miraha bocorka muhiim u tahay dadka ka sheegto hurdo la'aanta, qarawga, daalka huradada ka dambeeyo iyo dadka madax xanuunka la soo tooso.

Lafo-xanuunka iyo Roomaatiisamka: Saliida miraha bocorka waxay cilmibaaristu aragtay inay isku awood yihiin xaga waxtarka daawada loo yaqaano "Indomethacin" oo loo qaato xanuun baabi'yaha lafa xanuunka, weliba iyadoo waxyeello aan lahayn.